Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland : Yaa Yidhi
May Dhaqaaqin?

 

 

 


” Waxaanu Keenaynaa Isbedel Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Bulsho oo Horumar Dhaliya iyo Ho ga amintii lagu gaadhi lahaa Isbedelkaas” Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar 21, May, 2010 (House of Lords) UK.
 


Mudo badan oo uu aqoonsiga Dalkiisa iyo Horumarka dadkiisa uu uga ololeynayay dalka dibediis a, bulshada reer Somaliland ee dunida ku kala noolina ay si weyn ugu raaxaysan jireen maqaal ada xikmadu ay ka buuxdo ee uu warbaahinta dunida ugu soo bandhigi jiray Qadiyada xaqa ah ee Somaliland ayay ahayd 26kii bishii August ee sanadkii 2008 markii uu Gudoomiyihii Xisbigii mu caaridka ahaa ee KULMIYE imikana ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo uu u magacaabay in uu noqdo Xoghayaha Arrimaha Debada ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, kaasoo lagu ansixiyay shirkii golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uu ku qabsaday Huteelka City Plaza ee magaalada Burco.



Markiiba waxaa si weyn loo dareemay dedaalka dheeraadka ah ee uu la yimi Dr. Maxamed Cabd ilaahi taasoo uu bilaabay inuu doorkiiska ka qaato sidii uu Qaranka Somaliland uga heli aqoonsi buuxa dalalka dunida, xidhiidho muhiim u ah qarankeena oo uu la yeeshay madax kala duwan oo caalamka ah ayaa markiiba saxaafada dalkeenu ay soo bandhigtay, mid ka mid ahaa kulanada u gu xiisaha badan ee uu la yeeshay madaxda caalamka ayaa ahaa kulnkii dhex maray isaga iyo C ongressman Donald Payne oo ah xubin miisaan culus ku leh dalka Maraykana kana tirsan Aqalka Kongarayska taariikhdu markay ahayd 28kii July 2009 oo xukuumadii hore ay ka diiday martiqaa d uu u fidiyay Somaliland iyaga oo ka walaacay inay tagaan madal lagu soo marti qaaday Somali a iyo Maamul Goboleedka Puntland. Waaba la ogaa dacaayadii ay xukuumadii hore ku furtay kul ankaas dhex maray Donald Payne iyo Dr. Maxamed Cabdilaahi oo aakhirkiina keenay in Madaxw eyne Siilaanyo oo markaas ahaa gudoomiyaha xisbiga KULMIYE uu dalka Maraykanka kula kulmo Mr. Donald Payne taariikhdu markay ahayd 14kii/Jan/2010. Waxaa intaas dheeraa kulmo kale oo uu Dr. Maxamed Cabdilaahi la yeeshay Aqalka Odayaasha ee UK, iyo waliba wadamo iyo mad ax ka tirsan dalalka Afrika, dedaalkaas uu ku dhaqaaqay Xoghayaha arrimaha debada ee KULM IYE waxa ay kaabaysay hawlihii ay qaabilsanayd Wasaaradii Arrimaha Debadu, inkasta oo ay xu kuumadii uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Mudane Daahir Rayaale Kaahin ay ku eegaysay indho qalooca.



Markii uu doorashada ku guulaysay Xisbiga KULMIYE ayuu Madaxweyne Siilaanyo taariikhdu mar kay ahayd 28kii July ee sandkii 2010 uu Wasiirkiisa Arrimaha Debada u magacaabay Dr. Maxam ed Cabdilaahi Cumar, hadaba su’aasha qiimaynta mudani waxay tahay Siyaasada Arrimaha Deb ada muxuu kusoo kordhiyay wasiirkani mudadii sanadka iyo bisha ahayd ee uu xilkan hayay?



Inta aynaan ka jawaabin su’aashaas waxaan jeclaystay inaan halkan ku xuso Shir aad u qiimo b adnaa oo gaar ahaa oo aan nasiib u yeeshay in aan ka mid ahaa dadkii lagu soo martiqaaday oo ka qabsoomay magaalada London 29kii bishii July ee aynu soo dhaafnay, shirkan oo ay isugu yi maadeen madax aad u sarraysa oo ka kala yimi dunida hareeraheeda kana socday dawladaha saaxiibka inala ah, kuwa daneeya qadiyadeena, garyaqaano caalami ah, maalqabeeno, dibloma asiyiin iyo waliba wasiirka arrimaha debada Somaliland ayaa waxaa madashaas si qoto dheer oo dhinac kasta ah loogu lafo guray Aqoonsiga Somaliland iyo jidka ugu dhow ee loo mari karo sidii Qaranka Somaliland loo aqoonsan lahaa, waxa uu madashaad Wasiirku kusoo bandhigay siyaasa da wasaarada arrimaha debada iyo dariiqa ay hayso iyo yoolkeeda kama danbaysta ah oo ah sidii Somaliland ay noqon lahayn dal barwaaqaysan, dhaqaalihiisu dhisan yahay oo la aqoonsan yahay. Waxa kale oo uu wasiirku hoosta ka xarriiqay in xukuumada Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo aanay marnaba ka sheexayn inay tagto shir kasta iyo madal kasta oo dani ay ugu jirto shacbiga iyo dalka Somaliland isaga oo caddeeyay in aanay marnaba madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland ahayn noqona doonin mid hadal ka furan yahay ama gorgortan ay cidna kala galayaan.
 


Aqoonyahankii caalamka ka socday ee madasha joogay waxay dhamaantood isku raaceen in ay daruuri tahay oo lagama maarmaan ay tahay in Somaliland ay ka qayb gasho shir kasta oo duni du qabanayso, marka laga reebo shirarka lagu heshiisiinayo kooxaha ku hirdamaya Somalia oo aanay Somaliland shaqo ku lahayn, waxa la isla qiray in Somaliland ay lumisay fursado badan labaatankii sanadood ee lasoo dhaafay, iyada oo lagu tilmaamay in fikrad aad u wanaagsan ay ahayd shirkii ka dhacay Wilton Park iyo Nayroobi ee Somaliland ay la kulantay golaha Amaanka, faaiidada ka dhalatay shirkaasina ay keentay in markii u horreysay taariikhda si cad golaha amaanku u sheego in aan Somaliland laga rabin inay ka qayb gasho shirarka dib u heshiisiineed ee Somalia.



Inaga oo aan maqaal qudha kusoo koobi karin guusha ay ku talaabsatay wasaarada arrimaha D ebadu mudada Sanadka ah ee ay jirtay Xukuumada Siilaanyo, hadana waxaynu xusi karnaa mad axda caalamka ee habeen iyo maalin kusoo qulqulaysa Somaliland, siina kordhiyay caawamada ay shacbigab reer Somaliland u fidinayaan, iyada oo markii u horreeysay dalalka Denmark, Holla nd iyo UK ay bilaabeen inay si toos ah dhaqaale u siiyaan dalka Somaliland iyaga oo aan hay’ado kale soo marin.



Heshiiska Itoobiya, Shiinaha iyo Jamhuuriyada Somaliland ee ku aadan dhismaha Dekeda Berber a, wado tareen iyo dhuumo gaasta itoobiya ka soo qaada oo Berbera la soo gaadhsiiyo ayaa isu gana ah heshiis guul ah oo dalkeena ka dhigi doona mid hodan ah oo dhaqaalihiisu kobco, waxaa na heshiiskaas dhex maray saddexda dal uu khalkhal iyo naxdin ku riday cadawga Somaliland iyo Dawladaha nacabka ah ee ka xun in ay Somaliland horumar gaadho.



Ugu danbayn waxaa hubaal ah in mudada kooban ee uu Dr. Maxamed Cabdilaahi hayay xilka was iirka arrimaha debada uu dalkeena u soo hooyay guulo taariikh ah oo sare usii qaaday qadiyada xaqa ah ee Somaliland

 

 

 

 

Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK