Wasaaradda Duulista Oo Tafaasiil ka bixisay shan milyan Oo Dollar oo Kuwait ugu deeqday




Hargeysa (TNN):- Wasaaradda Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa shaaci say in dawladda Kuwait ay ugu deeqday Somaliland si loogu balaadhiyo casriyaynta madaar ka caalamiga ah ee Cigaal International Airport Hargeysa. Sidaasna waxa lagu shaaciyay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray afhayeenka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Md. Saddaam Maxamed Axmed, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland waxay halkan ku soo gudbinaysaa faahfaahin la xidhiidha Mashruuca cusub oo dawaladda Kuwait inoogu deeqday.

Ka dib markii uu guulaystay mashruucii hore ee 10 milyan ee doolar ka koobnaa ee dawladda Kuwait inagu caawisay, lacagtaas oo ku kala baxday mashaariic laga fuliyey madaaradda Hageysa iyo Berbera.

Lacagtaas oo 4. 400 000 $ (Afar milyan iyo afarboqol oo kun) oo dallar, ay ku baxday dib u dhiska iyo adkaynta runwaygii hore ee Madaarka Cigaal, iyo Samaynta xayndaab silig ah oo ka kooban 7.5 KM (Todoba Kiiloomitir iyo badh).
Dhinaca kalena madaarka Berbera-na ay ku baxday lacag dhan 4. 500 000 $ (Afar milyan iyo shan boqol oo kun) oo doolar oo lagu fuliyey dhismaha Terminal weyn oo casriya kaas oo wali socda iyo xayndaab silg ah oo ka kooban 11 KM, oo dhamaaday. Lacagta hadhay oo baaqiga ah oo dhan 1 100 000 $ (Milyan iyo boqol kun) ayaa waxa ay dawlada Kuwait siisay khuburada mashruuca gacanta ku haysa ee iyaga ka wakiil ah, (Consultant Engineers).

Madaaradeena waaweyni waxay u baahan yihiin maalgalin intaas ka badan, si ay ula tartamaan kuwa dhigooda ah, sidaa darteed waxay Wasaaradda Duulistu dadaal weyn u gashay inay deeqo u raadiso baahiyaha iyo qabyada kale ee jira.
Dawladda Kuwait oo aad ugu faraxday sidii loo meel mariyey loona maamulay mashaariicdaa ay bixiyeen ayaa mar labaad aqbashay inay ina siiso deeq dheeraad ah oo dhan Shan milyan oo doolar, taas oo Wasiirka duulistu uu dhawaan soo saxeexay sida aad sawiradaas ku aragtaan.

Lacagtan waxa loogu tallo galay in lagu kordhiyo dhabada dayuuradaha madaarka caasimada ee Cigaal International Airport, oo u baahan in lagu daro qayb cusub oo sagxada lagu soo bilaabayo, taas oo dhararkeedu dhan yahay 1200 Miter ilaa 1400 Miter iyo baarkinka diyaarahaha (Apron) oo lagu darayo 100×50 Miter, iyo sidoo kalena Sholderska runwayga.

Si dhakhso loogu bilaabo mashruucan cusub oo wax weyn ku soo kordhin doona Madaaradeena waxa ay Wasaaraddu go;aansatay in tartan loo galo, waxa lagu casuumay dhamaan shirkadihii ka qayb galay tartankii hore, sida AKIR oo fadhigeedu yahay Jigjiga. Teklebarham Ambaye (Adisababa). Alliance (Djibouti). Star FU (Djibouti). China Hono Group (Hargeysa). Iyo Amal JV (Hargeysa).

Dhamaan shirkadahan ayaa 20/12/2013 waxa la gudoon siiyey dukumantigii qandaraaska ama ay bidhka ugu baahnaayeen, waxanan la furi doonaa qadaraaska 04/01/2014-ka haddii ALLE idmo.

Hawshan waxa si wada jir ah u maamulaya khuburo dawlada Kuwait ka wakiil ah, Guddia qan daraasaadka Qaranka, iyo Wasaaradaha Duulista iyo Hawalaha guud ee Somaliland.”
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland