Wasaaradda Gaashaan-Dhiga Somaliland Oo Sheegtay In Ay Naafadda Iyo Agoomaha Ciidanka Qaranka Ku Wareejisay Ha’yada NDC

 



“Horta wax laga jaray lama sheegin ee waxa loo wareejiyay qorshe dawladeed oo sidaanu ognahay waxa lagu wareejiyay meel la yidhaahdo NDC..."Agaasimaha Guud

Hargeysa (TNN)- Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay naafadda iyo agoomaha ciidanka qaranku ku wareejisay Ha’yada NDC oo ka shaqaysa arrimaha dibu dejinta iyo hubka dhigista.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaashaan-dhiga Md. C/Kariim Xaashi Cilmi oo maanta la hadlayay koox ka mid ah agoomaha iyo naafadda oo cabasho la hortagay, ayaa sheegay inaanu jirin wax mushahar ah oo laga gooyay hase yeeshee maamulkoodii loo wareejiyay Ha’yada abaabul ka saarka qaranka ee NDC.

“Horta wax laga jaray lama sheegin ee waxa loo wareejiyay qorshe dawladeed oo sidaanu ognahay waxa lagu wareejiyay meel la yidhaahdo NDC oo mushaharkiina halkaas ayay ku lahaanayaan oo wixii immika ka dambeeya,”ayuu yidhi Agaasimaha guud.

Agaasimuhu waxa uu sheegay inanay jirin wax mushahar ah oo laga jaray agoomaha iyo naafadda Ciidamadda qaranka Somaliland, inkastoo aanuu agaasimuhu si cad uga hadlani sababata loo siin waayay gunadadii dadkan masaakiinta ah, balse waxa uu tibaaxay in ay ka wasaarad ahaan iska wareejiyeen hawshii ama shaqaddii ahayd in ay gunadda siiyaan dadka naafadda iyo agoomaha isugu jirra.

Hadalkan agaasimaha ayaa ku soo beegmaya xili ay saaka dad gadoodsani ay cabasho la hortageen wasaraadda gaashandhiga Somaliland, sidoo kalle cabshadda dadka naafadda iyo agoomaha isugu jirra ayaa ku soo beegantay xili golaha wasiiradda Somaliland loo kordhiyay musharkoodii.

Ciidmadda qaranka Somaliland iyo ubadkoodda ayaa mushar u qaata lacag ka yar 100 Dollar oo lacagta maraykan ah, halka Wasiiradda Somaliland ay mushar u qaataan lacag ka badan 1000 Dollar oo lacagta maraykanka ah.




Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland