Wasaaradda Maaliyadda oo Laascaanood ka Furatay Xarun lagu qaado Cashuuraha

 


Wasaarada Maaliyadda Somaliland ayaa shalay si rasmiya uga furatay Magaalada Laascaanood Xarun Cashuuraha lagu qaado

Xaruntani waxa ay ka koobantahay Saddex Xafiis oo kala ah Xafiiska Xisaabaadka, Cashuuraha Bariga iyo Kastamka, waxa laga furay dhisme ay maamulkii hore ee Puntland Laascaanood ka dhiseen.

Xafiisyada ayaa waxa ay qaadi doonaan noocyada cashuuraha ee ay Wasaarada u qaabilsan yihiin , Tusaale ahaan Kastamku waxa uu noqon doonaa Xafiis lagu qabto Cashuuraha ka soo gala Laascaanood dhinaca wadada Bari halkii Awal lagu cashuuri jiray alaabahaasi Kastamka Magaalada Caynaynabo Kastamkaas oo imika noqon doona Checking.

Xafiiska Cashuuraha Bariga ayaa isna ka hawl gali doona noocyada Cashuuraha Macaashal Macaashka sidoo kale waxay fulin doonaan oo ay ka hawl gali doonaan Taarikada Gaadiidka iyo Buugaagtooda kuwaas oo ay dhibaato wayni ka haysatay Gaadiidka Deegaankaas marka ay imanayaan Magaalooyinka kale ee Somaliland.

Xafiisyadan Cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa la filayaa inay ciida dabadeed Si rasmi ah hawlahooda u bilaabi doonaan.

 

 


Waaheen