Wasaaradda Macdanta Iyo Biyaha Oo Qabatay Shir Lagu Shaacinayey Dhaqan-gelinta Xeerka Biyaha Dalka

 



Xeerka Biyaha Somaliland XEER NO:49 waxa uu ka kooban yahay 16 cutub oo ay ku jiraan............


Hargeysa (TNN) - Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ma anta Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa ka furay shir lagu shaacinayay dhaq an-gelka xeerka biyaha oo uu dhawaan dhaqan-gelinkiisa saxeexay madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Shirkan waxa ka soo qeyb galay waaxaha kala duwan Wasaarada, Ha’yadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Biyaha, maamulka wakaaladaha biyaha ee magaalooyinka dalka iyo xubno ka socday Goleyaasha Baarlamaanka.

Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii Haay’adaha caalamiga ah loogu soo bandhigi lahaa qo dobadda xeerka biyaha si ay ugu camal falaan.


Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sharaxaad ka bixiyay qodo badda xeerkan iyo muhiimadda uu ugu fadhiyo wasaaradaasi waxaanu yidhi “Xeerkani wu xuu qeexayaa ujeedooyinka guud iyo kuwa gaarka ah ee dawlada Somaliland ka leedahay horumaarinta, habsi u adeegsiga iyo ilaalinta khayraadka Biyaha. Maanta waxaynu halkan doonaynaa inaynu ku dhaqan galino laba arrimood ama aynu ku shaacino.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in xeerka biyaha ee la sameeyay uu qaranka ugu fadhiyo ahm iyad weyn, waxaanu yidhi “Arrinta ugu horaysa waxa weeye in aynu shaaca ka qadayno maanta sharcigii ama xeerkii Biyaha ee dalka Somaliland. sidoo kale xeerkani wuxuu fasiray aa biyo siinta magaalooyinka iyo miyiga iyo qaabka sharci ahaan loogu igmanaayo wajibaa dka laga rabo oo ah sidii loogu samayn lahaa xeerka Biyaha oo maanta aynu ku guulaysan ay inaanu samayno xeer lagu maamulaayo Biyaha Somaliland oo dhan, taas waxaan odhan karaa waa guusha aynu gaadhnay.”

waxa muddo badan laga shaqeenaayey sidii aynu xeerka Biyaha u samaysan lahayn oo ah xeer hagaaya Biyaha. Markaa waxa maanta farxad wayn ii ah inaynu maanta soo gaadhn ay marxaladaas faa’iidada inoo ah inaynu haysano xeer biyaha aynu ku maamulno. Dalkeen u hore umuu lahayn xeerka Biyaha, taas oo xeerkani soo maray hawl aad u weyn,”ayuu yidhi Md. Xuseen Cabdi Ducaale.

Wasiirku waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku ammaanay dhaqan-gelinta xeerka biyaha oo ay baahi u qabeen, waxaanu yidhi “Madaxwaynaha aad ayaan ugu mahadnaqayaa inuu saxeexay xeerkan iyo
Baarlamaankeena oo ah kuwa sharciga inoo sameeyay iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay xeerkan oo waxa uu inoo leeyahay faa’iidooyin badan.”
“Biyaha waynu ognahay dalkeena waa dal aad u Biyo yarooda, markaa haddaynaan qayn uun kala haga maamulka Biyaha aynaan haysan dee waxa weeye mamul-xumo ayaa inag aga dhacaysa. Lakiin maanta nasiib wannaag xeerkii ayaa inoo soo baxay oo inoo suurta galinaaya Biyaha maamulkooda, dhawristooda iyo is ticmaalkooda iyo wixii lagu hagaayey ayaynu maanta haysanaa,”ayuu yidhi Wasiirka Macdantu.

Wasiirku waxa uu intaasi ku ladhay “Xeerkan waxaana u arkaa inay tahay guulaha uu gaa dhay qarankan. Waxaana filayaa inuu wax wayn ka taraayo Biyaha Somaliland oo ah arrin loo bahan yahay.”

Xeerka Biyaha Somaliland XEER NO:49 waxa uu ka kooban yahay 16 cutub oo ay ku jiraan 83 Qodob.

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland