Wasaaradda Warfaafinta oo daboolka ka qaaday in SLNTV baahintiisu gaadhay Waqooyiga Ameerika


 



Hargeysa (TNN)- Wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland ayaa maanta shaaca ka qa aday in TV-ga Qaranka ee SLNTV ay baahintiisii gaadhsiiyeen markii u horeysay Waqooyiga Maray kanka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Faysal Cali Sheekh oo shir jar aa’id ku qabtay xarunta wasaaraddaasi ayaa tafaasiil ka bixiyay arrintan. “Waxaan shacbiga Som aliland eek u dhaqan waqooyiga Ameerika aan ugu bushaaraynayaa in TV-ga Qaranku uu xalay ab aarro 3:30 habeenimo uu si toos ah u soo galay hawada oo laga daawanayo waqooyiga Ameerika, waxaanay u daawan karaan si toos ah. Arrintani waxay ka dhalatay rabitaan ka yimid dadweyna ha Somaliland ee ku dhaqan halkaasi, runtii dedaal badan baanu u galay arrintan intii aan London joogay iyo intii aan soo noqdayba.”ayuu yidhi Faysa; Cali Sheekh.

“Runtii farxad aad iyo aad u weyn ayay noo tahay inaanu shacbiga Somaliland ugu bushaarayno in TV-ga Qaranka dhammaan adduunyada meel aan laga daawin karini aanay jirin oo baahintiisa add uunka oo dhan la gaadh siiyay. Waa Telefishankii u horeeyay ee marka Somaliland la yidhaahdo ga adha Waqooyiga Ameerika, waana waxqabad balaadhan oo ay samaysay dawladda dalka ka jirta.”
“Anagoo fulinayna balan qaadkii xukuumadda waxaanu dardar gelinayay baahinta Telefishanka qaranka, waxaana aanu ku hawlan nahay inaanu isbedel balaadhan ku sameyno Studio-yeyaasha TV-ga iyo Idaacadda,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
Faysal Cali waxa uu intaasi ku daray in ku rajo weyn yihiin in idaacaddii weynayd dalka la keeno bil aha soo socda.

Agaasimuhu waxa uu hambalyo u diray madaxda iyo hawl wadeenadda TV-ga Qaranka iyo Idaaca dda Radio Hargeysa oo uu ku majeertay kaalintii ay ka soo qaateen tabintii tartankii ciyaarihii Gob oladda ee Axadii lagu soo gabo-gabeeyay Magaaladda Burco.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha TV-ga Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul oo shee gay inay TV-ga qaranku ay dedaal ugu jiraan sidii ay shacbiweynaha Somaliland uga haqabtiri lah aayeen hadba wixii ka jira dalkoodda, waxaanu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in TV-ga qaranku uu gaadho aduunyada oo dhan.
Mr. Dhuxul waxa uu dadweynaha ku dhaqan waqooyiga Ameerika u soo jeediyay inay tallooyinko oda ugu soo tabarucaan.

Source:SO