Wasaraadda Arimaha Gudaha Somaliland Oo Amartay In Xuriya ddoodda Dib Loogu Soo Celiyo Xildhibaanaddii Golaha deegaanka Gabiley ee la xidhxidhay Maalintii shalay

 

 



Xildhibaanadan la soo daayay ayaa la xidhay Maalinimaddii shalay ka dib markii ay soo abaabulay Mu daharaad ka dhan ah Maayarka Magaaladda Gabiley


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ,ayaa shaaca ka qaaday in uu amaray in saldhi ga dhaxe ee Magaaladda Gabiley laga soo daayo 11 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka Gabiley, kuwaasi oo rabshad ka abuuray Magaaladda Gabiley, isla markaana lagu xidhay magaaladaasi.

Xildhibaanadan la soo daayay ayaa la xidhay Maalinimaddii shalay ka dib markii ay soo abaabulay Mu daharaad ka dhan ah Maayarka Magaaladda Gabiley Khadra Xaaji Gaydh, Mudanayaashan ayaa lagu soo eedeeyay in ku kaceen falal fool xun, iyagga oo burburiyey muraayaadaha xafiisyada dawlada ho ose ee Gabiley iyo hoolka shirarka oo dhawaan Madaxwayne ku xigeenka Somaliland xadhiga ka jaray.

Mudanayaashan oo la sheegay inay ka cadhoodeen fadhiyadii caadiga ahaa ee ay yeelan jireen oo w asaaradda arimaha guduhu ka hor-joogsatay, waxayna Mudaharaadkan oo ahaa mid rabshato oo ay gacan ku siiyeen xildhibaanada dad wax ma garato ah ayaa dhibaato ugu geystay qaar ka mid ah sha qaalaha dawlada Hoose ee Gabiley iyo askar ka tirsan booliska Magaaladda Gabiley.

Wasiir Maxamed Nuur Caraalle Duur waxa uu sheegay in Mudanayaasha la xidhxidhay ay wakhtigan dib loogu soo celiyay xuriyadoodiii.

 

 

 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley News Desk
Hargeysa ,Somaliland