Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga UCID , Yuusuf Budle, oo naqdiyey siyaasada arrimaha dibada Somaliland, kuna sh eegay inay fashilantay, lahaynna qorshe ka dheer bishan lagu jiro

 

 

Wasiir Biixi waxa aynu aragnaa in uu aad ugu mashquulay difaacidda wiilal ama wasiiro uu madax weyne Siilaanyo adeer u yahay......


Waxa aan odhan karaa maamulka Somaliland waa maamulka/dalka keli ah ee aan lahayn qorshe ka dheer bishan lagu jiro. Waxa aynu wada ognahay in hayadda Qaramada Midoobay (UN), dawladah a reer galbeedka iyo dhamaan dunida carabtu isku raacsan yihiin in sanadka 2016ku noqdo sanad ka lasoo celinayo midnimada wixii la isku odhan jiray “Somali Republic”. Sida ku cad dhamaanba qor aalada kasoo baxay heyadda Qaramada Midoobay, heshiiskii Dubai, shirkii London, shirkii Turkiga, iwm waxa ku cad in dawladda fadaraaliga ee Somaliya ay tahay dawlad rasmi ah, wixii kasoo hadh ayna ay yihiin maamul hoosaadyo, xataa Somaliland-na dhehoo.

Shirkii dhawaan ka dhacay Brussels( bishan ina dhaaftay ee Sept. 2013), waxa lagu cadeeyay in sanadka 2016 la qaban doono doorasho madaxweyne iyo baarlamaan oo ka dhici doonta dhamaa nba dalkii la isku odhan jiray Somali Republic, min Saylac ilaa Raskonbooni. Si loogu madax salaaxo maamulka hurda ee Somaliland waxa la sheegay in lagula dhaqmayo Somaliland wax ay ugu yeedh een: SSA (Somaliland Special Arrangement), oo ah in si ka yara duwan maamul goboleedyada kale loola dhaqmayo, laakiin ay ka mid tahay guud ahaan waxa loogu yeedhay: Somali New Deal.

Waxa kaloo jirta in meel kasta iyo goor kasta madaxda Somaliya, ha u horeeyeen Madaxweynaha Somaliya, Mr. Xasan Shiikh iyo Raysal-Wasaaraha Somaliya, Mr. Saacid ay sheegaan in heshiisyad a iyo wada hadalada u dhexeeya Somaliya iyo Somaliand ay ku salaysan yihiin soo celinta midnima ddii Somaliya, welibana ay sheegeen marar badan in aanay aad u kala fogayn oo ay aad ugu rajo weyn yihiin in ay caadifaddu ka baxdo dadka iyo maamulka Somaliland, waa sida ay u dhigeene.

Hadaba waxa wax lala yaabo ah in maamulka Madaxweyne Siilaanyo weli kusii jeedo wadahadalka aan qiimaha lahayn ee weliba lagu bahdilayo. Waxa aan anigu aaminsanahay in mar kasta oo dawl adda Somaliland la fadhiisato ama la hadasho maamulka Muqdisho ay guul weyn u tahay maamulka as Muqdisho, waayo waxa ay awood u yeelaysaa maamul aan itaal iyo awood-toona lahayn.

Maamulka Muqdisho waxa uu meesha ku fadhiyaa saddex dhadhaar oo kala ah: Awooda ciidamada African Union-ka, dhaqaalaha tirade badan ee UN-ta iyo dawladaha reer galbeedku siiyaan oo ber yahaa dambe inteeda badan loo soo mariyo dawladda Turkiga iyo ugu dambayn magac/aqoonsi caalami ah oo ay dabada ka riixeen dawladaha derisku. Waxa aan odhan karaa in dawladda Somal iland ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Siilaanyo ayna haba yaraatee fahmin sida ay dhees hu u socoto, intii ay isku deyi lahayd in ay saddexdaas dhadhaar kala dhantaali lahaydna ay weliba ugu sii dartay dhadhaar afraad oo sii siinaya awood aan hore loo arag. Waa tan la fadhiisiga iyo qiime u yeelida maamulka Xasan Shiikh’e.

Maadaama dawladda Somaliya ay sheeganayso Somaliland, isla markaana sii xoogaysigeedu yahay carqaladda ugu weyn ee ka hor iman karta qadiyadda Somalind, maxay Somaliland u taageeri way day maamulada iyo shaqsiyaadka aadka uga soo horjeeda in maamulkaas Somaliya lugaha isku ta ago. Sida tusaale ahaan, maamulka Puntland oo aad u caddaystay in uu diyaar u yahay mijo xaabi nta maamulka Xasan Shiikh (Puntland sidaan doono aan isku hayno’e, laakiin arrinkanu waa mid Somaliland gacan kusiin karto Puntland). Maamulada kasoo baxay Jubbooyinka ee raba in aanay dawladda Xasan Shiikh taabo gelin, iwm.

Sida aynu wada ognahay waxa uu majaro haboow badani ku dhacay siyaasaddii Arrimaha Dibedda ee Somaliland tan iyo intii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Siilaanyo, waxase iga sii yaabiyay markii xagaagii (summer 2013) loo dhigay indho sarcaad dadka reer Somaliland oo loo sheegay in la soo helay niman belaayo ka dhacday oo aqoonsigii Somaliland ku keenaya muddo gaaban. Waxa aynu u wada taagnayn, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo lagu kharash gareeyay in ka badan $150.000 oo diyaarado khaas ah lagu soo dhaweeyay, in ka badan 3 wasiir, 10 Land Cruiser, 14 ilaalo ciidan ahna loo xilsaaray, loona dalxiis geeyay dalka koone ilaa koone.

Su’aashu waxa ay tahay maxaa uga soo noqday dadka reer Somaliland lacagtaas ay dawladda So maliland ku khasaarisay is tuska iyo fahan la’aanta siyaasadda Arrimaha Dibedda? Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, xagee ka dhacay, meeday aqoonsigii uu Somaliland usoo raadinayay? Inta keli ah ee aan ilaa hadda aan ka haynaa waa isaga oo kolba meel kula shira 100 islaamood oo Somalila nders ah, una sheega intii yarayd ee faanka ahayd; Waxaan ahay Professor aduunka laga yaqa an, Somaliland dadkeedu waxba ma garanayaan, aniga mooyee…, iwm, iwm. Prof. Axmed xagguu ka dhacay xidhiidhkii uu aduun weynaha la lahaa? Ilaa hadda kumaynaan arag, iska daa dalal kalee xataa dalkan uu degen yahay ee USA, isaga oo dawladeeda marna u tegay: Mee xidhiidhkii US Sta te Department-ku? Mee xidhiidhkii Congress-ka Maraykanku? Mee xidhiidhkii US Senate-ku? Dawladda Madaxweyne Siilaanyo ee ku takhakhustay shahaado bixinta iyo indho sarcaadka beent a ah ayaynu weydiin?.

Waxa isna sidoo kale diyaarado gaar ah loogu soo dhaweeyay wasiirkii cusbaa ee Arrimaha Dibed da Mr. Maxamed Yonis Biixi (the new Biixi). Run ahaantii ilaa hadda maynaan arag wax is bedel ah amaba horumarin ah oo uu wasaaradaas ku sameeyay. South Sudan, weli sidii ayay u safiir laadah ay. USA iyo Kenya oo noqon kara halbowlaha siyaasadda Arrimaha Dibedda ee S/land ilaa hadda wax laga qabtay ma jiraan. Uganda iyo South Africa oo muhiim u ah siyaasadda Somaliland safaara dahoodii xagee ka dhaceen? Wasiir Biixi waxa aynu aragnaa in uu aad ugu mashquulay difaacidda wiilal ama wasiiro uu madaxweyne Siilaanyo adeer u yahay. Waxa aan uga jeedaa: Arrinkii diyaara dda Ethiopian Airlines iyo shirkaddii Shidaalka ee Genel Energy.

Shirkadahan arrinkoodu waxa uu khuseeyaa Wasiirka Duulista iyo Hawada iyo Wasiirka Macdanta oo uu labadaba madaxweynuhu adeer u yahay, labada arrimoodna ay salka ku hayaan musuq maa suq iyo lacago la lunsaday. Kaba sii darana Wasiir Biixi mabuu joogin dalka markii lacagahan la dhac ayay, mana garan karo meelaha iyo sida loo qaybsaday. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Xaajo nim aan ogayni indhuhuu ka ridaa”.

Xaggee ka dhacday dardar gelintii siyaasadda Arrimaha Dibedda ee la inoo sheegayay? Waxa kale oo iyana wax lala yaabo ah in mar kasta oo Wasiirka Arrimaha Dibedda loo diro meel, la daba dhigo qof ka mid ah qoyska ama qaraabada hoose ee Madaxweynaha, xataa iyaga oo aan xilal dawladee d haynin. Tusaale ahaan: Socdaalkii Dubai ee la daba dhigay Baashe yare (wiilka uu sodoga u yah ay Madaxweynuhu oo aan wax xil ah ku magacawnayn), socdaalkii Nairobi oo aynu wada ognahay cidda la socotay iyo kii London oo iyana aynu ka wada dheregsanahay.

Ugu dambayn waxa aan usoo jeedin lahaa maamulka iyo madaxda Somaliland in ay ka daayaan ind ho sarcaadka iyo sheekooyinka khiyaaliga ah shacabka Somaliland oo ay usoo ban dhigaan waxa ay ka damacsan yihiin mustaqbalka dalkan iyo dadkan. Su’aasha loo baahan yahay in maamulka Somaliland ka jawaabo ayaa waxa ay tahay: Maxaa inooga arrin ah sanadka 2016 iyo qorshaha SSA ama New Deal?

 



Yusuf Budle,

UCID Secretary General for Foreign Affairs and International Relations

Contact: UCIDInternational@gmail.com