WASIIR CAKUSE OO SIIYEY OGOLAASHO IN TV GA XAMAR WARAYSIYO KA DUUBO MAGAALADA HARGAYSA.

 


Sida aad la wada socotaan waxaa dhawr wiig ka hor waraysiyo kala duwan ka duubay magaalada Hargaysa tiifiga qaranka ee Somalia.Waraysiyadaas waxa ka mid ahaa wa raysigii ay la yeesheen Fanaaniinta Xidigaha Geeska Afrika. Wassir cakuse waa wasiir ka warfaafinta ee Somaliland, wasiirku isagaa ka masuul ah wixii ku lug leh warfaafinta dalka.Cadhada iyo eeda wasiirku u soo jeediyey Fanaaniinta Xidigaha geeska waa mid isagu masuul u ka yahay, isla markaana muujinaysa in Wasiir Cakuse ummada majaro habaabinaayo. Fanaaniintu ma bixiyaan ogolaansho TV dal kale ka yimid., Dalka Somalil and waa dal madax banaan oo dawlad iyo maamul madax banana leh.

TV iyo wariye Camera sita oo dal kale ka socdaa iskama soo gali karo, hargaysana ha dh cad waraysiyo kama samayn karo. Wassir cakuse waxay ahayd in wariyayaasha i yo kamarooyinkooda xabsiga geeyo Sharcigana hor geeyo hadii aanu isagu marka hor e ogolaanshaha siinin. Wasiir Cakuse waa inuu shacabka Somaliland war cad ka siiyaa cida ogolaatay ee ruqsada siisay in TV ga Xamer hargaysa waraysiyo ka duubo, Haddii wasiirku arinka cadayn buuxda ka siin waayo Ummada reer Somaliland waa in xil gudas ho la’aan lagu qaadaa wasiirka isla markaa baadhis lagu sameeyo ciddii ka dambaysay ogolaanshaha tuukada ah ee fashilmay hadii wasiirku dafiro ogolaansho bixinta.

Wasiirka warfaafinta ayaa u xilsaaran wixii ku lug leh warfaafinta iyo bixinta ogolaash aha TV dal kale ka socda.
 

 


Mahdi Jama Roble
Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Wadani UK.