Wasiir Cukuse Oo Ay Ka Fashilantay Qorshe Uu Doonayay In Uu Ku Mijo Xaabiyo Warbaahinta Madaxa Banaan Oo Shalay Cadho Kula Dul Dhacay Warbaahinta.

 

 


Qorshihiisa oo ahaa in ay warbaahintu u noqoto kuwa u adeega danihiisa gaarka ah.........

Hargeysa(TNN):-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo wacyi-galinta Somaliland Mudan e Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa dhaleecayn dusha uga tuuray saxaafada madaxa banaan ee So maliland wasiirka oo shalay ka hadlayey xarunta komoshinka AIDS-ka oo uu wasiirku ku wehelina yey booqashadii gaabnayd ee uu madaxwaynuhu ku tegay xaruntaasi ayaa hadalo aan laga fila hayn isla markaana aan qaban saxaafada xorta ah ee dalka ka hawlgasha ku duray oo uu sheeg ay in ay yihiin kuwo dhaawac joogta ah ku haya dalka iyo ashkato sida uu hadalka u dhigay,isla markaana qirtay in aanay xukuumaddu u dulqaadan doonin waxyaabaha ay qorayaan saxaafada madaxa banaani oo ay yaraanayso dul qaadkii xukuumadda uu ka tirsanyahay.


Wasiirka ayaa ku tiraabay in suxufiyiin dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay xadhig iyo garaacis ay u gaysteen ciidanka Booliska Somaliland ay ahaayeen kuwo ciidanka ki bir ku doontay ayadoo isago wasiirku indhihiisa ku arkayey wariye shalay uu askari ka mid ah kuwa ilaaliya madaxwayna ha uu iska hortaagay in uu galo goobtii uu madaxwaynuhu ka hadlayey isla markaana uu ku tilma amay wasiirku in uu yahay wariye Edeb daran oo kibir ku doontay askari hawshiisa gudanaya.


Waa markii ugu horaysay ee wasiir warfaafineed soo mara wasarada warfaafinta Somaliland uu dhaleecayntan oo kale u gaysto saxaafada xorta ah ee iyadu u adeegaysa dalkan Jamhuuriyada Somaliland ee heerkan soo gaadhsiisay,ayadoo waliba markii uu madaxayne Silanyo dhawaanta u magacabay jagadan uu hayo ay saxafada madaxa banaani si wayn u soo dhawaysay madama uu hore uga soo tirsanaan jiray bahada saxafada Somaliland balse waxa muuqata in ay iminka lagu hungoobay rajadii ay saxafada madaxa banaani ku qabtay oo ahayd in uu fahmo shaqada iyo wa liba faa`iidada ay warbaahinta xorta ahi u leedahay dalka.


Dhinaca kale waxa uu wasiirku waday qorshe fashilamay oo uu doonayey in lagu mijo xaabiyo oo ay xukuumaddu hantiyo warbaahinta afka dheer ee dhinaca Online-ka ama shabakadaha warark a,bishii hore ayey ahayd markii uu wasiirku isugu yeedhay wariyeyaasha ka hawl gala shabakada wararka isla mrkaana markii ay wariyeyaashii iyo mulkiile yaashii ka socday shabakadaha ay mee sha kala soo noqdeen wax aan u cuntamin, kaas oo uu uu wasiirku afbuuxa ku yidhi waxa aan is ugu kiin yeedhnay in aad nala shaqaysaan oo aan ka warfaafin ahaan meel la idin ku ogaado oo aan kaadhadh idiin samayno oo aan marar kalena dib u kulano,isagoo maalintaasi wasiirku ka cod saday warfidiyeenadii soo xaadiray kulankaasi in ay dib isugu soo noqdaan oo ay soo qoraan da maanad ah in ay la shaqaynayaan xukuumadda taas oo ah in ay warqad ka soo qoraan mulkiilaha shabakadaha taasi oo ka hor imanaysa xoriyada iyo madax banaanida saxaafada,balse badankoo da wariyeyaashii soo xaadiray goobtaasi ma jirto cid dib ugu laabatay,sababta keentay arrintan oo ah iyadoo warbaahinta qudha ee ay cabudhin kari way day ah warbaahinta dhinaca Online-ka ah.
 

 

 

Timacade News Desk