Wasiir Duur Oo Digniin Culus U Diray Ururadda Ku Baaqay Mudaraadyada,
Qirtayna inuu Ruqsadii u Diiday
Wasiirka arrimaha gudaha oo duhurkii maanta shirjaa’id ku qabtay
xafiiskiisa, ayaa dadweyna ha ....
Hargeysa (TNN)-Wasiirka arrimmaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur
Caraale (Duur) ayaa sheegay inay sharci-daro tahay in mudaharaad aan
sharci loo haysan loogu baaqo dadweyna ha, isla markaana uga digay
ururadda qiimeynta ku hadhay in aanay nabadgalyadda gacantoo dda ku
burburin.
Wasiirka arrimaha gudaha oo duhurkii maanta shirjaa’id ku qabtay
xafiiskiisa, ayaa dadweyna ha ku amaanay sida aanay ugu dhago
nuglaan ururadda ku baaqay isku soo baxa, waxa kale oo uu iyana
ururaddii ku gacan saydhay in mudaharaad ah la sameeyo ku amaanay
sida ay wada nkoodda ugu tudheen oo ay u dhawreen shuruucda dalka.
Wasiirku waxa kale oo uu ururadda
qiimaynta ku hadhay ee cabanaya usoo jeediyey inay hay’a daha
garsoorka dacwadaha ay qabaan u gudbiyaan, balse aanay ku dhaqaaqin
ficilo ka hor ima naya harumarka dalka iyo nabadgalyadiisa.
"waxaan la talinayaa maanta ururadda qanci waayey ee qaska xal
mooday, waxaan leeyahay aynu ilaalino waxa aynu wada leenahay, xilka
qarankuna waa meerto, bari waxaad xaq u leedi hiin inaad talisaan,
haddii aad maanta sharci dhaafto sideebaad bari madax iigu noqon
karta a"ayuu yidhi wasiir Duur oo la hadlaya ururadda ku baaqay
madaharaadka
"waxaan u baaqayaa shacabka inay sharaf ku leeyihiin dhawrista
nabadgalyadda iyo qaranima dda, awoodda u weyn ee nabadda ilaalisaa
waa shacabka, qof khaldan in aanay taageereen ani ga way I
cadahay"ayuu yidhi wasiirka Arrimaha gudaha oo shacabka uga mahad
naqaya diidm adda ay ka muujiyeen inay isku soo baxaan.
Wasiir Duur ayaa sheegay in aanay Somaliland ku cusbayn in urur
guuldaraysto, sidaa daraade ed aanu qofna ku dhaqaaqi Karin wax ka
soo horjeedda Qaranimadda iyo Nabadgalyadda, "Qofk ii ku kalsooneen
guddi, sharci iyo garsoor isagu talaabaddu uu qaadayo xor buu u
yahay, waxaa n tusayaa inay dawladdi iyo kala dambeyn jirto"ayuu
raaciyey.
Inkastoo Ururadda qiimeynta ku hadhay bulshaddda ugu baaqeen
mudaharaad salmi ah, hadan a may jirin cid ku taageertay, marka laga
reebo dad kooban oo iskugu yimid xafiiska UDHIS ee magaaladda
Hargeysa, waxa kale oo iyana taageerayaasha UDHIS iyo GURMAD isku
soo baxyo aan weynayn ka sameeyeen magaalooyinka Berbera iyo Burco,
wallow ciidamadda amnigu ay markiiba kala dareeriyeen.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamadda amniga ayaa saaka meelihii laga
filayey inuu mudaharaadku ka dhaco la dhigay, iyadoo amnigana aad
loo adkeeyey, isla markaana aan fursad la siin taagee rayaasha
ururadda qiimeynta ku hadhay.
C/raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|