Wasiir Duur Oo Gaadhay Saylac Iyo Cabashada Hor-taala

 

 


Wasiirka Arrimaha gudaha oo hadal kooban u jeediyay dadweynaha Saylac ayaa sheega y inuu...........


Saylac (TNN)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. Maxamed Nuur Carraalle (Duur) ayaa safar ku tagay magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salal oo khilaafaad ka dhash ay doorashadii deegaanku ka taagan tahay.

Wasiirka Daakhiliga waxa si diiran ugu soo dhaweeyay magaaladda Saylac Maayarka cus ub ee degmadaas Xuseen Iidle Barkhadle, Xoghayaha degmadaas iyo dadweyne tiro bad an oo ku dhaqan magaaladaas.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo hadal kooban u jeediyay dadweynaha Saylac ayaa sheega y inuu socdaalkiisu salka ku hayo sidii xal loogu heli lahaa khilaafaadkii doorashadii deeg aanku ay ka tagtay.

Wasiirku waxa uu xusay inuu kulamo la yeelan doono waxgaradka degmadda Saylac iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda gobolka Salel. Wasiirku waxa uu tilmaamay in socdaa lkiisu uu qaadan doono muddo dhawr maalmood ah. Isla markaana uu ku rajo weyn yahay in xal laga gaadho khilaafaadka iyo xanafta doorashadda deegaanku ay kaga tagtay deg madaasi.

Degmadda Saylac oo Golaheeda deegaanku 17 xubnood ka kooban yihiin ayaa laba ardaa oo halkaasi wada degaa ku kala bateen golaha waxaana beeli ay heshay 10 xildhibaan, halka beesha kalena ay heshay 7 Xildhibaan oo qudha, waxaana Xildhibaanadii aqlabiyad da ahaa ay doorteen Maayar iyo maayar Ku xigeen sifo sharci ah loo doortay, halka bees ha kalena ay qaadacday taasina sababtay rabshado dhimasho iyo dhaawacba geystay.

 


Timacade News Desk
Saylac ,Somaliland