Wasiir Ingiriis Ah Oo Somaliland Ku Tilmaamay Inay Astaan Dhi f Ah
Utahay Dimuqraadiyada Iyo Degenaashaha Gobolka Geeska Afrika
Hargeysa (TNN) :- Wasiirul dawlaha dawladda Ingiriiska u qaabilsan
Afrika iyo dalalka barwaaqo sooranka Mr. Rory Stewart, ayaa
Somaliland ku tilmaamay inay astaan dhif ah u tahay dimuqra adiyadda
iyo xasiloonida gobalka Geeska Afrika, ka dib doorashadii qabsoontay
13 November.
Baarlamaanka Ingiriiska oo tan iyo markii ay doorashada Somaliland u
qabsoontay si nabadgleyo waxa lagaga hadlayay doorashada Somaliland,
iyadoo markii u horaysay su’aal laga weydiiyay ra ysalwasaaraha
dalkaas Ingiriiska Theresa May.
Haddaba, toddobaadkan Xildhibaan Liz McInnes, oo la hadlaysay
wasiirul dawlaha Ingiriiska ee A frika, waxay soo xigatay hadal ay
raysalwasaaraha Ingiriiska Theresa May ka tidhi arrimaha doo rashada
Somaliland, iyadoo si guud isugu qaaday dalkii hore la isugu odhan
jiray Somaliya, waxaa nay xildhibaanadu ka codsatay wasiirka
in xafiiskiisa arrimaha dibaddu uu ka hawlgalo caawinta iyo
taageerista Somaliland, waxaanu wasi irku ku jawaabay “Somaliland
waxay astaan dhif ah u tahay dimuqraadiyadda iyo xasiloonida gob alka,
waanan hambalaynaynaa qabashada doorashadaas ugu dambayn dhacday.”
Wasiirku, waxa kale oo uu murashixiinta doorashada ka qayb gashay ee
saddexda ahaa ku bogaa diyay mawqif ay ka qaateen gudniinka
fircooniga ah, waxaanu yidhi “Waxaanu sidoo kale bogaadinaynaa
talaabooyinka qayral cadiga ah ee ay qaadeen murashixiintii
doorashada ee ahaa balan qaadka inay joojinayaan gudniinka
fircoongia ah islamarkaana ay sharciyaynayna doonaan si arrintaas
loo gaadho.”
Doorashadaas Somaliland ayaa u muuqata inay soo jiidatay dareenka
Baarlamaanka Ingiriiska. Xil dhibaan Stephen Doughty iyo xildhibaan
Zac Goldsmtih ayaa hore golaha ugaga hadlay arrimaha doorashada
madaxtooyada Somaliland oo ay ku tilmaameen mid mucjiso ku ah
qaaradda Afrika.
Source: Geeska
|