Wasiir ku Xigeenka Arimaha Dibadda oo Xilkii la Wareegay iyo Dardaarankii Wasiirka Dr.Maxamed C/laahi Cumar.
 

 

 

 


Waxaan jecelahay in aan halkan ka xuso waxa jira guddi Qaran oo dhawaan la sameeyey oo ka shaqeyn doonta ka hor taga budhcad baddeeda....



Hargeisa (TNN)-Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa maanta xil kii Wasiir ku xigeen ku wareejiyey Wasiir ku xigeenka Cusub ee Wasaaraddaasi loo soo magac aabay dhawaan Mawliid Maxamed Ibraahim


Xil wareejintan uu Wasiirku xilkii Wasiir ku xigeen ku wareejinayey oo maalintii shalay ka dhac day xarunta Wasaaradda Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa waxa sidoo kale Wasiirku xilkii Guddoomiyaha xidhiidhka Jaaliyadaha ku wareejiyey Maxamuud C/raxmaan oo isna xilkaasi loo soo magacaabay.


Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlaya Xil wareejinta hore ee uu xilka kula wareegayey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadu ayaa waxa uu yidhi “Waxa maanta farxad weyn ii ah in uu halkan maanta inala fadhiyo Wasiir ku xigeenka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaas higa Caalamiga ah Mawliid Maxamed Ibraahim oo ay maanta halkan isugu Nimid soo dhawe yn tiisa iyo xil wareejintiisa oo aynu ku wareejino xilka iyo masuuliyada uu Madaxweynaha Jamhu uriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) u soo magacaabay.


Aniga oo ku hadlaya afka Masuuliyiinta, Shaqaalaha iyo Dublamaasiyiinta Wasaaraddan waxa an jecalahay in aan gacmo furan kugu soo dhaweeyo, waxaananu ILAAHEY kaaga bareyeynaa in uu Xilkaa kuu fududeeyo.


Mawliid waxa weeyaan muwaadin xirfad badan u leh hawlaha caynkan oo kale ah muddo bada na ka soo shaqeynayey qaybaha kala duwan ee Qaranka , shaqadiisii uu dambeysayna ay aha yd Hay’ada qaranka u qaabilsan ka hor taga cudurka HIV AIDS-ka oo uu ka muujiyey karti iyo in uu xilkiisa ka soo baxo”.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo sharaxaad ka bixinayey w axyaabaha ay Wasaaraddiisu u qabato Qaranka ayaa waxa uu yidhi “Wasaaradan oo ah Was aaradda Qaranka u qaabilsan siyaasada arrimaha dibada oo ka mid ah ahmiyadaha ugu waaw eyn ee uu Qarankani leeyahay oo uu doonayo in uu noqdo xubin buuxda oo beesha caalamka ah iyo weliba sidii caalamka loola sameyn lahaa iskaashi iyo wada shaqeyn, haddii ay tahay xaga dhaqaalaha, xaga nabadgelyada iyo xaga Siyaasadaba.


Mudadii uu qarankani jirayna horumar balaadhan ayaa arrimahaasi laga sameeyey, imikana waxa socda dedaalo badan oo la doonayo in lagaga midha dhaliyo dedaaladaa uu qaranku leeyahay ee ah in uu noqdo qaran madax banaan oo ay madax banaanidiisuna taageere iyo aqoonsibada beesha caalamka ka hesho, waxa wasaaradda ka hawl gala Masuuliyiin kala gedisan oo hawlo kala duwan leh, tusaale ahaan dalku waxa uu leeyahay wakiilo iyo safaarada iyo xafiisyo uu ku leeyahay dalalka dibada oo runtii shaqo aad u wanaagsan dalka u qabta , masuuliyadooduna waxa weeyi in ay ka dhaadhiciyaan wadamadaa joogaan Qadiyada Somalila nd iyo in ay gacan ka geystaan sidii Wadamadaasi iyo Somaliland xidhiidh u yeelan lahaayeen, waxa kale oo Wasaaradu leedahay la taliyayaan arrimahaasi talooyin ka siiya Wasaaradda oo had iyo jeer Shaqaalaha iyo hawlaha kaleba talooyin naga siiya Aqoonta ay u leeyahay hawla haasi, waxa kale oo jira xafiiska xidhiidhinta dadka Qurbo jooga ah oo ah xafiis qiimo leh oo aa nu hawlihiisa aanu ku jirnay, waxaanay xafiiskaasi shaqadiisu tahay in uu xidhiidhsiiyo baahida ay qurbo joogu u qabaan arrimaha Dalka, haddii ay noqon lahayd sidii ay uga qayb geli lahaa yeen arrimaha dhaqaale ee dalka ka socda, haddii ay maalgeshi tahay iyo haddii ay arrimo ka leba tahay, haddi ay noqon lahayd ka qayb galka dalka ee arrimaha Siyaasada, Nabadgelyada iyo Dhaqankaba, waxa kale oo aanu jecel nahay in xafiiskaasi arrimo badan oo dadkaasi u baahan yihiin in uu ka shaqeeyo iyo wax tarka ay dalka u leeyihiin oo aanu rajaynayno in ay ka midho dhaliyaan ujeedada xafiiskaasi loo sameeyey, waxa kale oo arintaasi bar bar socda in Wasaaraddu wada shaqayn la leedahay Hay’addaha kale ee qaranka, khaasatan kuwa khuseeya xaga daakhiliga, Dumuqraadiyada iyo xaga nabadgelyada, waayo intaasiba waa inta ay Wasaaraddani kala shaqeyso dalalka kale ee dibada”

Wasiirka oo ka hadlayey arrimaha budhcad badeeda ayaa waxa uu yidhi “ Waxaan jecelahay in aan halkan ka xuso waxa jira guddi Qaran oo dhawaan la sameeyey oo ka shaqeyn doonta ka hor taga budhcad baddeeda, sidaynu ka war qabno budhcad badeedu khatar weyn bay ku haysaa gobolka Geeska Afrika iyo meelo badan oo Dunida ka mid ah, mushkiladeeduna waxa ay noqotay mushkilad caalami ah, markaa budhcad badeeda arrimaheedu maaha arrimo khaas u ah dal qudha ee mushkilado caalamka oo dhan saameysay, markaa Wasaaradda Arrimaha dibadu door hogaamineed ayey ku leedahay arrimahaa ka hor taga budhcad badeeda, in kasta oo Wasaarado fuliyaan hawlaha ka hor taga budhcad badeeda oo Wasaaradda Kaluumeysigu ka mid tahay, Wasaaradda Cadaaladuna ka mid tahay , Ciidanka Badduna ay ka mid yihiin, markaa Wasaaraddu door ayey ku leedahay”.


Wasiir ku xigeenka Cusub ee loo soo magacaabay Wasaaradda Arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga Mawliid Maxamed Ibraahim oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Marka hore waxaan salaamayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Maxamed C/laahi Cumar, waxa kale oo aan salaamayaa Madaxda halka iskugu timid


Aadbaan ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo xafladan aan kula wareego xilka Wasiir ku xigeenka , waxaan is leeyahay oo aan aaminsanahay in Xilkaa sidiisa aan uga soo bixi doona, waxaanan ILAAHEY ka baryayaa in ii fududeeyo xilkaa la ii magacaabay, waxa ugu muhiimsan ee qofku shaqadiisa ku gudan karaa waxa weeyaan in qofku shaqadiisa daacad u noqdo, haddi intaa laga helo qofka shaqadiisa ayuu si daacad ah u gudanayaa, markaa aniga oo ku faraxsan arintaasi waxaan Madaxweynaha leeyahay waad ku mahadsan tahay xilkaa aad ii igmatay, waxaanan ku rajo weynahay in xilkaa sidiisa u fuliyo, waxaanan rajaynayaa in aan noqdo qof doorkiisa ka soo baxa oo aan noqon qof kolba meel isku qaada, markaa waxaan ILAAHEY ka baryayaa in xilkaasi ii fududeeyo igana dhigo ka sida ugu fudud uga soo baxa”.


Dhinaca Kale Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa xilkii ku wareejiyey Guddoomiyaha Hay’adda Xidh iidhka Qurbo jooga loo soo magacaabay Maxamuud C/raxmaan.


Ugu horeyn Wasiirka oo ka hadlaya xilka uu ku wareejinayo Guddoomiyaha ayaa waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu halkan ku sameynaynaa xil wareejinta Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda xidhiidhka qurbo jooga Maxamuud C/raxmaan oo dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay in uu noqdo guddoomiyaha, waxaanan ka bogaadinayaa kana hambalyeynayaa Maxamuud Xilka loo magacaabay, waana nin muddo badan aanu is naqaanay oo Qurbo joog ahaan jiray, isla markaana si fir fircoon u qabtay hawlaha dibada, imikana marka uu Dalka joogay qaybo badan oo uu Qaranka u leeyahay hawlo kala gedisan kaga jiray, waxa sharaf ii ah in aan halkan ku soo dhaweeyo Maxamuud oo noqon doona Guddoomiyaha cusub ee xidhiidhka Jaaliyada, xafii skaasi sida aynu ka war qabno waa xafiis doorweyn ka qaadanaya hawlaha qurbo jooga iyo ka qayb galka ay ka qayb galayaan haddii ay tahay xaga dhaqaalaha, xaga Siyaasada iyo xag kasta oo dalka lagu horumarinayo, markaa door weyn ayey tahay in horumarkooda la kobciyo, waxaanan aad ugu kalsoonahay in Maxamuud iyo qaar badan oo halkan joogaaba waxaan ku han weynahay in ay si wanagsan halkan uga soo bixi doonaan”.


Guddoomiyaha Xidhiidhka Jaaliyada Somaliland Maxamuud C/raxmaan oo isna halkaasi ka had lay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Kolay maanta halkan hadal badan ka odhan maayo, l aakiin waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadaba xafiiskana waxa uu noqon doonaa xafiis ay wada shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha dibada, waayo labada xafiisba waa laba xafiis oo u adeega Arrimaha dibada”.
 

 


Sacad Muuse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeisa, Somaliland