Wasiir Sacad Xaaji Cali Shire oo koox Askar ahi ka celiy een Albaabka
Madaxtooyada ka dib markii ay xalay ku kala kaceen Wasiir Xirsi iyo
Xulafadiisa
Hargaysa (TNN):- Waa markii Labaad
ee Muddo todabaad ah la kala dooransiiyo Wasiirad da Xukuumadda in ay
raacaan Labada Xulufo Garabka Wasiir Xirsi oo Madaxweyne Siilaan yo u
matalayo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, iyo Garabka
Muuse Biixi Cab di oo dhawaan loo Doortay inuu hogaamiyo Xisbul
Xaakimka Kulmiye
Labadan Garab ayaa jiq isku noqday ka dib markii uu shaaciyey Muuse
Biixi Cabdi inuu yah ay Musharaxa jagada Madaxweynaha ee doorashada
fooda inagu soo haysa hadaba iyad oo todobaad ka hor la hor dhigay
Wasiirkii Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalimaga ee Maxam ed Cabdillaahi
Cumar inuu labada Garab mid raaco kaasi oo ku gacan saydhay si toos
hoo se iyo si sareba u taageeray Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyenimadiisa
ugu danbaynitiina kalif tay inuu ku waayo xilkii Wasiirnimo
Warar lagu kalsoonyahay baa hadaba xuuraamay shalay Galab ay
lahaayeen Kulan Qarso on Xulufada Kooxdqa Wasiir Xirsi iyadoo Xirsi
uu diray Baaq uu yidhi waa inay muddo laba maalmood ah ku soo
xaroodaan madaxda Dalka dibadiisa ugu maqan iyo Badhisaabyada
fadhiya Fadhiisimadooda Goboladda
Sacad Xaaji Cali shire ayaa dhawaanahanba khilaaf ka dhex taagnaa
madaxtooyadda iyo wadashaqayntiisa taasi oo markii danbe loo arkay
in Sacad aanu ka daacad ahayn wada shaqaynta Maamulka Axmed Silanyo
khilaafkan oo muddo soo jiitamayay ayay Xukuum adda Axmed siilaanyo
Xal mooday inla Sarifo Wasaarada Qorshaynta, Waxaana dhawaan
Dikreeto Madaxweyne lagu magacaabay Masuul ay hoos tagto waaxdii ugu
balaadhnayn waaxaha wasaaaradaa , waaxdaa oo loo magacaabay
Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed oo hore loogu bartay nin aan ahayn
nin miisaaman oo lagu tiroyo kooxaha xag jirka ku ah guulwadaynta in
uu noqdo lataliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaaha caalamig ah
iyo kuwa Maxaliga ah, Cabdifataah ayaa si toos ah ula wareegay a
hawlihii hay’adaha a oo dhan gacanta loo galiyay, Magacaabista
Cabdifataax oo uu Baashe Cawil ku qasbay Madaxweyne Silanyo inuu
Magacaabo ka dib Markii Wargayska Haatuf uu jawaab ka bixi yey Warar
uu qoray Wargaysku oo Khusaysay Hanti Boobka uu ku hayo Hantidada
Qaran ka Wiilka Madaxweynuhu u soddoga yahay si kastaba ha ahaatee,ammaan Baashe iyo
we erar uu Cabdifataah weeraray
Wargayska Haatuf
ayuu ku Calfaday waaxdii ugu waynay d Wasaarada Qorshaynta Qaranka
Hadaba Wasiir Sacad ayaa ku gar naqsaday oo yidhi hawshani waa
taydii ee siday ku dha cday in Wasaaradayda la sarifo, arintanna
waxay dhalisay khilaaf xoog badan oo u dhexe eya Wasiriirada
Xukuumadda Axmed Silanyo ugu Cadcad sidoo kale Xubnaha Haysta
Ruqs ada Awooda Qarsoon iyo Wasiir Sacad Xaaji Cali Shire
Hadaba iyadoon dhawaanahan lagu arag Sacad Xaaji Cali Shire
Agagaarka Madaxtooyad da waxaa yimid khilaafkii iyo Hirdankii Kulmiye
taasi oo sababtay in Xulufo uruursigii Was iir Xirsi ay ka wadi waydy
inuu xalay la galo Shir wasiiradda Xukuumadda inta uu ka
shaki sanyahay isaga oo ka bilaabay Sacad Xaaji Cali Shire muddo
dheer markii la is mari waay ay garnaqsiga aayaha Kulmiye Sacad waxa
uu yidhi anigu Wasiir baan ahay hawl kulmiye na la iima dirsan
Dagaalka aad jeedo Wasiir Xirsi meesha ma yaalo Waa Talo iyo
Siyaasad waxa la isku hayaa Muuse Biixina Xaq buu u leeyahay inuu is
Sharaxo cida aan taageray ana marka ay timaado loolanka musharaxnimo
waa mid aniga muwaadin ahaan aan xaq u leeyahay inaan siin karo
cidii ila talo qurxoonaato
Hadaba iyadoo sidaa lagu kala dhaqaayiyay ayaa saaka looga yeedhay
Madaxtooyadda Sacad Cali Shire taasi oo aanu garanayn sabab loogu
yeedhay Markuu iska xaadiryey Madaxtooyadana Askartii Gaydhku ka
celisay Sacad inuu galo Madaxtooyadda
Arintan oo ujeedo Kaliya lahayd in la tuso Dalka inuu Xirsi Maamulo
iyo bahdil ah in hadii aad nala safan weydo aanu kaa yeeli doono
sidii la doonayo.Mar ay la xidhiidheen qolo Su xufiyiinii waa uu iidiiday Sacad inuu
arintaasi wax ka taa taabto.
Xigasho: Hillac Media |