Wasiir Samaale Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Maanta Safar sha qo Ku Tagay Degmada Tog-Wajaale Iyagoo Kormeerna Ku Tagay Cusbitaal Ay 6-biood Ka Hor Dhagax Dhigeen Oo Aan Wali La Bilaabin Dhismihiisa .
 


Waxaanay Dad-waynaha Reer Wajaale Ka Dhur-sugayaan Talaabada Tan Ku Xigta Ee Ay Qaadi Doonaan Wasiirada Iyo Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Gobolka Gabiley............


Tog-wajaale (TNN):- Wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaarada maaliyada somaliland cabdi casiis max amed samaale oo ay weheliyaan wasiirka wasaarada warshadaha Abiib Diiriye nuur Abiib Timacad iyo xildhibaanka kasoo jeeda Gobolka Gabiley xildhibaan cabdilaahi xuseen cige cabdilaahi Blacki, badhasaa bka gobolka gabiley Yuusuf Ibraahin Geedi ,ayaa manta lagu qabtay Hoolka shirarka magaalada Tog wajaale ,waxaana ka  soo qayb galay culimaada magaalada Gudiga horumarinta jidadka Tog wajaale Ganacsato iyo bulshada inteeda kala duwan waxaanay wasiirada ka gudoomeen dhulkii cisbitaalka laga dhisilaaha .Ganacsade NUUR YARE oo ka tirsan Ganacsatada deegaanka magaalada Tog wajaale  ayaa bixiyey dhulka laga yagleelayo hospital wajaale yeelato waxaan ka gudoomay wasiirka wasaarada maliyada iyo wafdigiisii uu hogaaminayey waxaana ugu horay n halkaa kahadlay maayerka degmaada waajaale oo usoo jeediyey dadweynaha reertog wajaale hadalo isugu jira canaan, hanjabaad, waxaanu sheegay inaan hadeed loo dulqaadan doonin dadka haysta dhulka danta guud ah ,waxaanu sheegay imika wiixii kadanbeeya in dadka laga jari doono dhulka danta guudah cid danbena aan laga aqbali doonin ,sharigana la marin doono cidii ka hortimaad.

Waxakale oo handalka gudoomiyaha sii xoojiyey wasiirka wasaarada warshadaha Abiib diiriye Nuur oo kutilmaamay reer tog wajaale inaan loo dulqaadan doonin siyaabaha ay u dhaqmayaan wuuxuna shee gay wasiirku inuu xalay saqdii dhexe isaga iyo xildhibaan cabdilahi Black ergo uugu tageen ganacsade NUUR YARE oo ka mida ganacsatada reer Tog wajaale in uu ka bixiyo beertisa dhul laga dhiso cusbital wajaale loo dhiso balse uu ka aqbalay bixiiyey dhulkii kuna wareejiyey gabo gabadii .

Waxa xaflada soo afmeeray wasiirka wasaarada maliyada mudane cabdi casiis maxamed samaale oo sheegay in xukuumada madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo kago,antahay wax u qabash ada Degmada Togwajaale marwalbana uu niyada kuhayo madaxweynuhu Dadweynahareer Wajaale waxkale oo uusheegay wasiirku inay miisaniyada 2014 ka ee la,ansixiyey ku jiray hospitalka wajaale markastana ayka go,antahay in wajaale laga hirgaliyo mashaariic horumarineed sikastaba ha,ahaate wasiirka wasaarada maliyada somaliland Mr samaale oo dadka reer wajaale uyaqaannaan masuulka kaliya ee xukuumada siilayo katirsan ee markaskta daneeya magaalada tog wajaale oo

ay ka hanaqaadaan horuma wasiirka oo looga bartay inuu isbarbartaago qorshekasta oo magaalada
lagu hormarinayo isagoo hormuud kanoqday ahaana maskadii kadanbaysay qadhaankii lacagaha badan ganacsatadu kubixiyeen jidadka Tog wajaale waxakale oo uu sheegay inay hadana diyaar uyihiin bixinta qaadhaanka wajaale wax loogu qabanayo waxakale oo wasiirku amaan usoo jeediyey Gudiga horumarinta wadooyinka wajaale oo uu sheegay inaanay
la,aantood waxba qabsoomeen waxaanu ku dhiirigaliyey inay dadaalkooda sidii hore iyo sikabadan usiiwadan wakale oo wasiirku sheegay inay dawlada ay lasoo dhegtay qalab aad utirabadan oo waxkaqabandoona baahiyaha kala duwan ee dalka qalbkaasi oo ay ka mid yihiin cagafyada wadooyinka sameya cagafyada beeraha doonyo loosoo iibiyey wasaarad kaluumaysiga waxaanu sheegay waxaaso dhan inay xukuumad kusoo iibisay lacagteeda kana go,antahay in dalka lahormariyo

Si kastaba Ha Ahaatee Cusbitaalkan Ayaa Bishii August Ee Sanadkii La Soo Dhaafay Ay Si Wada Jir ah U dhagax-dhigeen Hay'ada samo falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF),Wasiirka Caafimaadka Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotosiy) , Wasiirka Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale , Wasiirka Warsha daha Abiib Diiriye Iyo Qaar Ka Mida Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Laga Soo Doortay Gobolka Gabi ley . Waxaanay Dad-waynaha Reer Wajaale Ka Dhur-sugayaan Talaabada Tan Ku Xigta Ee Ay Qaadi Do onaan Wasiirada Iyo Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Gobolka Gabiley
 

 

c/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Obsiye2007@hotmail.com
Tog-wajaae ,Somaliland