Wasiir Xirsi Oo ka Hadlay Kulankii Raysal wasaaraha Ingiriiska Iyo Madaxweynaha Somaliland


 



“Madaxweynuhu Mawqifkiisii muu bedelin, waxase isagoo Ixtiraamaya Raysal Wasaaraha uu u sheegay inay ka soo fikirayaan, Go’aanse Muu Siinin”


“Raysal wasaaruhu waxa uu ka dalbaday Madaxweynaha inay Somaliland ka soo qeyb gasho shirka uu London Ingiriisku ku qabanayo”


London (TNN)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadl ay kulankii xalay Raysal wasaaraha Britain David Cameron uu ku qaabilay xafiiskiisa Number 10 downing Street Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalmihii la soo dhaafay socdaal ku marayay dalka Ingiriiska.

Wasiirku waxa uu sheegay in kulankaasi labada hoggaamiye ay kaga hadleen sidii loo sii takiidin lahaa wax wada qabsiga labada dal oo ah mid soo jireen ah.

“Raysal wasaaraha Ingiriiska iyo Madaxweynaha Somaliland waxay runtii kulankooda isku weyd aarsadeen horumarinta iyo xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooya ddu.

Wasiirku waxa uu intaasi ku ladhay “Raysal wasaaruhu waxa uu ka dalbaday Madaxweynaha in ay Somaliland ka soo qeyb gasho shirka uu London Ingiriisku ku qabanayo. Madaxweynaha Som aliland waxa uu Raysal wasaaraha u qadimay mawqifkayagii oo ah inaanay Somaliland shirka ka soo qeyb galaynin haddii ay tahay madaxweynaha iyo haddii ay tahay madaxda kale ee qaran ka ee uu kala tashadayba, waxaanu u sheegay in qarankayagu uu ka tashaday oo uu shirkaasi ka gaadhay go’aan ah inaan laga qeyb galin.”

“Markii uu Madaxweynuhu arrintaasi u sheegay waxa uu mar iyo lababa Raysal wasaaraha Ing iriisku ka dalbaday Madaxweynaha Inay mawqifkoodaasi dib u eegaan, maadaama oo ay duni badani ka soo qeyb galayso shirkan Somaliland-na ay tahay cidii ay iskugu dhowaayeen oo aan u miiska Somaliland madhnaan ee haddii ay ku adag tahay inay ka soo qeyb galaan ay ka fikira an sidii ay goob jooge ugu soo diri lahaayeen,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Madaxweynuhuna waxa uu ugu hal-celiyay maadaama oo Somaliland iyo Ingiriiska saaxiibtinimo qoto-dheeri ka dhaxeyso, waanu qiimaynaynaa, laakiin arrintani waa go’aan guud ahaan qarankaygu isku wada raacsan yahay wixii tallo ahna uu ku soo celin doono go’aanse muu siinin.”

Wasiirka madaxtooyaddu waxa uu intaasi ku daray inaanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxb a ka bedelin mowqifkiisii, hase yeeshee isagoo ixtiraamaya Raysal wasaaraha Ingiriiska waxa uu ku war celiyay inuu ka soo fikirayo isla markaana tallo kula noqon doono Somaliland.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in kulanka labada Hoggaamiye uu qaatay mudd o ku siman 25 daqiiqadood, isla markaana uu Raysal wasaaruhu isagoo ku mashquulsanaa aa skii qaran ee raysal wasaarihii hore Ingiriiska, haddana uu si niyadsami ah u qaabilay isla mark aana fursad u siiyay Madaxweynaha Somaliland.

Wasiirka madaxtooyaddu waxa uu xusay in Raysal wasaaruhu madaxweynaha u sheegay in So maliland haddii ay aqbasho shirkan ay kaga soo qeyb geli doonto meeqaam dawladeed isla ma rkaana baratakool iyo maamuus sare lagu soo dhaweyn doono.

“Raysal wasaaruhu waxa uu Madaxweynaha u sheegay in shirkan ay ka soo qeyb geli doonaan illaa 55 dawladood oo adduunka ka kala socdaa isla markaana baratakoolka dawladahaasi ku imanayaan mid la mid ah la siin doono Somaliland,”ayuu intaas raaciyay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 



Cumar Maxamed Faarax