Wasiirada Arimaha Dibada iyo Madaxtooyada Oo Si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Magaalada Qaahir
 

 


Qaahira,Masar (TNN)-Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Mada xtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey Qaahir oo ay maanta ka degeen waxaana gegida diyaaradaha ku sugaayey oo ka horyimid Dublamaasiyiin iyo masuuliyin ay horkacaysay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda ee qaabilsan Africa ee Dalka Masar, Mona Omar oo uu weheliyo Safiirka Dalka Masar ee Somaliya iyo Somaliland Ayman Magdi Labada Wasiir oo ay gelbinayaan masuuyiin sarsare oo u badan wasaarada khaarajiga ee dalka masar ayaa la dejiyey halkii loogu talo galay oo maqaamsare leh.
 


Weftiga Somaliland ayaa la filayaa in maalinta beriya kulamo la yeeshaan madaxda dawlada masar oo uu ugu horeeyo wasiirka Arrimaha Debeda ee dalkaasi.


Socdaalka uu weftiga Somaliland ku tegay dalka masar ayaa ah mid qiimo weyn ugu fadhiya xidhiid hka ay Somaliland la yeelanayso wadamada carbeed iyo kuwa Afrikaba iyadoo ay u muuqato in ay Somaliland ka faa’iidaysanayso isbedelka ka dhacay dalka Masar waxana la ogyahay in ay dawlada Masaaridu meel muuqata kaga jirto saamayn weynaha ku leedahay guud ahaanba siyaasada Afrik a iyo Carabta oo ay tahay halka isku xidha.