Wasiirada
Xukuumadda Ee Ugu Dhawdhaw Rayaale Oo Hargeysa
Ka Wada Olole Beelaysan Oo Lagu Marin
Habaabinayo Shaqaaqada Ceelbardaale
Hargeysa (Longlivesomaliland
News) - Koox wasiiro ah oo ay hormood ka yihiin kuwa ugu dhawdhaw
xukuumadda Rayaale ayaa laba saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey
shirar doceedyo iyo faq hoose ka waday magaalada Hargeysa,
shirarkaas oo sida ay Haatuf u xaqiijiyeen goobjoogayaal ka
qaybgalay shirarka asi qaarkood ay ujeedada shirarkaasi ku
sheegay kuwo lagu abaabulayo sidii shaqaaqada deegaanka Ceelbardaale
loogu bedeli lahaa waji ka gedisan kii dhe xyaalay labada
beelood ee walaalaha ah, kaas oo aan ahayn mid layskugu soo
dhaweynayo labada dhinac, balse looga dan leeyahay in shaqaaqada
Ceelbard aale looga faa’ideysto dano siyaasadeed.
Kooxdan wasiirada ah oo ay hormood ka ahaayeen wasiirka Maaliyada
Cawil Cali Ducaale, Siciid Sulub Maxamed iyo Cali Maxamed Waran-cade
oo iyagu ah niman ka gadhwadeenka ka ah hindisaha looga dan
leeyahay hurinta Deegaanka Ceel bardaale ayaa shalay kulanadii
u dambeeyey kula yeeshay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa qaar
ka mid ah wasiirada iyo odayaal ka soo jeeda dee gaanka
gobolka Hawd.
Inkasta oo nuxurka wada hadalka kulanka labada dhinac aan la
shaacinin, isla markaana uu ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin,
hadana sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw goobta uu
shirkaasi ka dhacay ayaa waxa kulan kan oo ahaa mid qado
sharaf ah martiqaadkiisa lahaa oo u fidiyey wasiirka maa
liyada Cawil Cali Ducaale, hase yeeshee ilaa hadda lama hayo
xaqiiqada waxya abaha ay kulankaa labada dhinac kaga wada
hadleen.
waxaase shaki weyn ku abuurtay dad iskugu jira aqoon yahan, waxgarad
iyo dhalinyaraba, oo ka soo jeeda deegaanka Gobolka Hawd ayaa
su’aalo iska we ydiinaya aragtida kooxdan wasiirada ah ee uu
horkacayo wasiirka maaliyadu Cawil, oo ay ku weheliyaan arintan
tiraba shan wasiir oo ka soo jeeda beel kel iya, waxaana la
isweydiinayaa muraadka ay ka leeyihiin martiqaadka kulank
oodan ay la yeesheen qaar ka mid ah wasiirada, odayaasha iyo
waxgaradka beesha Bali-gubadle.
Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qorshahan ay wataan kooxdan
wasi irada ah ee beesha H/Yoonis ee la xidhiidha arinta shaqaaqada
deegaanka Ceel bardaale ay kula socdaan wasiirada beesha Arab
kaga jira xukuumadda Raya ale, kuwaas oo ay wasiirada hawshan
wataa toonayaan inay ugu gabadaan ujeedada ay ka leeyihiin shirarkan
beelaysan ee ay maalmahanba ka wadeen deegaanka Hargeysa, waxaanse
la hubin inay arintan la qabaan odayaasha iyo waxgaradka lagu
casuumay kulankan, wallow ay wararku tibaxeen inay madax
dhaqameedyada beesha laftoodu arintan ku kala qaybsan yihiin.
Si kastaba ha ahatee qorshaha wasiirada Xukuumada Rayaale ee ku
saabsan arinta deegaanka shaqaaqadu ka taagan tahay ee Deegaanka
Ceelbardaale ayaan haddii ay ku guuleystaan ah mid saamayn colaadeed
oo hor leh ku keeni karta Somaliland, gaar ahaan labada beelood ee
colaadu ku dhexmartay iyo guud ahaan dalka oo dhan, taas oo khatar
gelin karta dawladnimada iyo jirita anka Qaranimada
Somaliland, isla markaana dib inoogu celin doonta dhawr iyo toban
sano ka hor xaaladii iyo dagaaladii sokeeye ee ina soo maray.
Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Rayaale oo ku fashilantay in ay wax
ka qab ato dhibaatada ka taagan deegaanka Ceelbardaale, isla
markaana ku guul dara ysatay inay soo qabato dadkii geystay
falalkii foosha xumaa ee ka dhacay jidka galbeed, isla markaana
fuliso go’aamadii ay guurtidu ka gaadhay xalinta Ceel bardaale
ayaa hadda si weyn ugu mashquulsan olole ay wadaan wasiiro ka
tir san xukuumadda, kaas oo la doonayo in wejiyo kale loo dhigo
shaqaaqada ka taagan deegaankaasi lagu muransan yahay isla markaana
lagu mujo-xaabinayo dedaalka loogu jiro deminta colaada, kaas oo ay
qaar ka mid ah Wasiirada xukuumadda Rayaale doonayaan inay uga
faa’iidaystaan colaadii sokeeye ee Somaliland soo dhaaftay, taas oo
aan wax badan laga faa’iidloo baahnan wakhtigan.
Source:Haatuf
|