Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland oo Maraykanka Shu ruud ku xidhay in gacanta looga soo galiyo Gacan ku dhiigle Gen. Samatar



Addis Ababa  Sabti, March 06, 2010( TNN):- Wefti culus oo ka kooban Xukuumadda Somaliland iyo Golayaasha Baaralamaanka ayaa marti-qaad buuxda ka helay Xukuumada dalka  Marayka nka iyadoo uu weftigaa hogaaminayo Wasiirka Arimaha dibadda ee Somaliland Mudane  Cabd illahi Moxamed Ducaale, iyagoo ku sii hakan doona dalka Itoobiya iyo Jabuuti oo uu shalay  dal ka Itoobiya ku sugnaayeen.

Wasiirka Arimaha dibada oo shalay kula kulmay Magaala Madaxda Dalka Ethiopia ee Addis  Ab aba huteelka Sheraton Addis wefti ka socday Dawladda Maraykanka oo uu Hogaaminayay Mr. Karl E. Wycoff oo ah Ku Xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dalka  Marayka nka isla markaana qaabilsan Arrimaha Geeska Africa iyo Badhtamaha Africa.

Shirkan shalay oo qaatay saacad iyo badh u jeedadiisa ugu wayni waxay ahayd u gogol  xaad hka weftiga ka socda Dawladda Somaliland ee dhawaanta u baqooli doona wadanka  Marayka nka ayaa shirkaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin in uu maraykanku  doon ayo mucaawimada Somaliland iyo gacan ka siinta Geeska Africa, siiba arimaha Somalia, hada ba Wasiirka arimaha dibada iyo weftigiisa ayaa ku adkeystay in marka hore Somaliland  arima heeda iyo danaheeda “Mutual Interests” loo fuliyo haddii ay doonayaan in ay Somaliland wax la qabato Maraykanka, Arimaha ay ka codsadeen Maraykanka ayaa ka mid ahaa:

1- in Aqoonsi buuxa la siiyo Somaliland

2- in gacanta looga soo galiyo Xukuumada Somaliland Gacan ku dhiigle Jeneral Maxamed Cali Samatar iyo gacan ku dhiiglayaasha kale ee jooga Wadanka Maraykanka

3- in deeq iyo gargaar buuxa lagu taakuleeyo somaliland sida dib u dhiska iyo balaadhinta  qa ybaha Dawlada iyo hay’adaha.

Dhinaca weftiga Maraynkanka Karl E. Wycoff oo u xaqiijiyay wasiirka in Maraykanku aad ula dhacsan yahay Hogaanka Xukuumadeed ee Somaliland shacbi iyo Xukumadba waxqabsi  goo da, isagoo cadeeyay in xidhiidhka labada dal yahay mid aad iyo aad isu soo tarayay mudo  dh eer lana gaadhay wakhtigii xididada loo sii adkayn lahaa iskaashiga labada wadan oo ku  dhis an ( Mutual Interests).

Waxa kale oo uu intaas ku daray in kulamada soo socda ay noqondoonan kuwo midho dhal ah. waxa kale oo uu Karl sheegay in joogtaynta kulamada labada dal ay noqon doonan kuwo sii socda.

Kulankaas waxa wasiirka Arrimaha Dibedda Ku weheliyay isaga iyo Karl E. Wycoff , Mudane Ayanle Salad Deria, Safiir Ku Xigeenka Safaarradda JSL Addis Ababa , Ambassador, John Yates, Safiirka Dalka Maraynkanka u Fadhiya Ethiopia iyo Mr. T. Kirk McBride, oo Safaaradda Maraynkanka u qaabilsan arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.


Source:Somalilandinfo