Wasiirka Arimaha dibada oo ka Qayb galay Kulan lagu Falan qay nayay Siyaasada Arimaha dibada JSL oo lagu qabtay jaamacada Hargaisa

 

 



Khudbadani aadka u dheered ee u wasirku ka jeediyey madhasha ayaa waxay uu aad ugu lafo guray ........

 


Hargeysa (TNN)-Wasiirka wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga calamiga ah mud Maxamed Ca bdilaahi Cumar ayaa manta ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabisay jamacada hargaisa kaasi oo laga hadlayey siyaasada arimaha dibada ee Somaliland

Kulankani oo noocisu anu hore uga dhicin jamacada hargaisa ayaa Ugu horayn waxa halkaasi ka h adlay gudoomiyaha jamacada hargaisa mud muse isagoo aad u hambalyey sida xilkasnimada leh ee uu wasiirku u soo ajiibay wakhtigiisana ugu huray in uu ardayda kala qayb galo munaasibaan

Intaasi ka dib wasiirka arimaha dibada md maxamed cabdilaahi cumar ayaa halkaasi ka jeediyey k hudbad aad u dheer oo dhinacyo badan tabanaysa isla markaana kaga hadlay halka ay marayso siyaasada arimaha dibada ee Somaliland iyo qorshayaasha mustaqbalka ay damacsan yihiin wasiir ku isagoo ka hadlaya qorshayaasha xukumada waxa uu idhi “ xukumada Somaliland waxay samays ay bartilmameed u horeeyo Ictiraaf radinta , ilaalinta nabad galyada iyo iskaashiga calamiga ah ”

Khudbadani aadka u dheered ee u wasirku ka jeediyey madhasha ayaa waxay uu aad ugu lafo gu ray xidhiidhada kale duwan ee ay Somaliland la ledahay calamka isagoo u kale saaray UN,EU,AU,AU iyo ARAB LEAGUE, waxa kale oo wasiirku uu aad u difaacay siyasada xukumada waxanu sheegay in ay muhiim tahay in laga qayb galo shirarka calamiga ah ee Somaliland sida tooska ah loogu casuu mo waxaanu idhi “shirarka caalamiga ah ee Somaliland ku horumarinayso qadiyadeeda cidna uga gaban mayno odhana mayno TFGdi ayaa jogta , waxaase jira shirar nooc kale ah oo lagu heshiisiyo qaybaha isku haysta siyaasada Somalia kaasna ka qayb gali mayno”

Wasiir maxamed cabdilaahi cumar waxa uu aad u soo dhaweyey shirkii ay dhawaanta kaga qayb galeen isaga iyo wafti uu hogaaminayo wadanka Kenya magala madaxdiisa Nairobi waxaanu shee gay in shirkaasi ahaa mid ahmiyad wayn u lahaa Somaliland waxanku ku tilmaamay in uu ahaa guul u soo hoyatay Somaliland waxana wasirka hadalkisii ka mid ahaa “dalkeenu intuu jiray 20 kaa sano may dhicin shir dhex mara dawladeena iyo golaha amaanka waxa uu ahaa shirk u sumadaysan tari khda Somaliland oo aynu dib u raaci dono” dhinaca kale wasiirku isagoo ka hadlaya waxyabihii shir kaasi ka soo baxay waxa u idhi “ shirkaasi waxa ka soo baxay in aanu golaha amaanka u soo band higno qadiyadena una sheegno in Somaliland anay ka qayb galayn shirarka Somalia dib logu heshi isinayo, awal shirarka dib u heshisinta koxaha Somalia wa laynagu yeedhi jiray lakinse inaga ayaa diidi jirnay , lakin sidaad ogtihiin ergeyga qaramada midoobe u qabilsan Somalia wuxu sheegay in Somaliland anay ka qayb galayn shirka dhawaan lo qabanayo koxaha Somalia isku haysta , taasna waxa ka dambaysay shirkaanu ka qayb galnay oo anu u cadaynay in ananu marnaba ka qayb galayn shirarka nocaasi ah ”

Waxa kale oo wasiirku sheegay in xidhiidh wada hadal oo bilaw ahi uu u socdo Somaliland iyo Afric an union (AU) aadna ay u rajaynayaan in u noqdo mid midho dhal ah , waxaanu wasiirku aad u am aanay report kii ay AUdu ka diyaarisay Somaliland sanadkii 2005 kaasi oo u sheegay in uu ahaa mid Somaliland guul u horseedi kara wasirka waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ay aad u xojin donaan xidhidhada dhex mara somaliland iyo golaha amaanka waxanu wasiirku sheegay in golaha amaanka ay Somaliland u matali jireen cid anay so dirsan ama aan ka masuul ahayn isago arintasi ka hadlaya wuxu idhi “ waxa jira card ay leyihiin wadamada calaamku oo lagu wada hadlo mudo dheer card ay Somaliland leedahay mu jirin waxana matali jiray dad kale waxananu go,aansanay in cid dambe anay Somaliland matalin ”

Gebo gebadii kulankaasi ayaa ardayda iyagu wax ka barata jamacada hargaisa waxa ay su,aalo ka waydiyeen wasiirka arimo badan oo ku saabsan siyaasada arimaha dibada ee xukumadan cusub isla markaana wasiirku waxa u si fican uga jawaabay dhamaanba su,aalihii ay ardaydu waydisay

Isku soo wada duboo wa markii ugu horaysay ee ay kulan noocan oo kale ahi uu dhex maro masuul ka tirsan xukumadihii kale duwanaa ee dalka soo maray iyo ardayda dalka wax ka barata waxana arintani ay aad u farxad galisay ardayda iyagu jamacada wax ka barta waxanay hor seedi kartaa jawi wada tashi oo cafimaad qaba


 


Cabdicasiis Cali Cadaani
Freeliance Jornalist
hHargeisa Somaliland