Wasiirka Arimaha dibada Somaliland oo London soo gaadhay

 

Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland mudane Cabdillahi Maxamed Du'caale ayaa saaka subaxdii hore markii ay saacada London ahayd 8:45 am, soo gaadhay magaalda London ee xarunta dalka Ingriiska, xagaasi oo wasiirka ay ku qaabileen saraakiil sar sare oo ka mid ah dawlada Ingriiska iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Somaliland.

Isla saakaba wasiirku waxa uu wada hadalo la yeeshay saraakiil ka tirsan wasaardaarimaha dibada ee Ingriiska, wada hadaladan ayaa socon doona ayaamaha fooda inagu soo hayaba, iyada oo uu wasiirku u sii gudbi doono gobolka Scotland halkaasi oo lagu marti qaaday, isla markaasna uu kaga qayb gali doono kulamo caalami ah.

Wasiirka ayaa ku biiri doona wafti uu hogaaminaayo madaxweyanah Somaliland oo ayaamaha soo socda soo gaadhi doona dalka Faransiiska, taasi oo uu madaxweyanaha iyo waftigiisu ay hada ka soo baxeen magaalada Haragaysa iyaga oo ku soo jeeda magaalda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay uga sii gudbi doonaan dalka Faransiiska, oo ay uga bilaabmi doonto booqasho uu madaxweyne Rayaale uu ku maraayo qaar ka mid ah dalalka Yurub.

Sideedaba xukumada Somaliland iyo shir gudoonka golaha wakiilada ayaa si baaxdleh u wadaqaaday talaabooyin diblomaasiyadeed oo talan taali ah iyada oo shirgudoonku ay soo mareen dalka Kiiniya oo ay kaga soo qayb galeen shirkii Barlaanada caalmka, halkaasi oo lagu marti qaaday gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, hadana ay u sii gudbeen qaarada Yurub iyaga oo booqasho hada ku jooga wadanka Norway una sii gudbi doona meelo kale.

 


Source:Qarannews