Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Magaalada Cape Town Kaga Qayb Galaya Shirka Dhaqaalaha Adduunka

 

Hargeysa (TNN):- Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxa med Biixi Yoonis oo gudo jira safarkiisa shaqo ee xidhiidhka caalamka iyo siyaasadda dibadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay gelinkii dambe gaadhay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Wasiirka oo weftigiisa ay ku weheliso La-taliyaha Khaaaska ah ee W asiirka Nimco Cilmi ayaa waxa si diirran ugu soo dhaweeyay Gagada Diyaaradaha Magaalada Cape Town xubno ka mid ah Guddoomiyaha Jaalliyadda Somaliland ee Koonfur Afrika Mudane Kayse Mursal Maxamed iyo xubno kale oo ka mid ah gudida iyo Jaalliyadda Somaliland bulsha dooda Cape Town. Salaan iyo hadallo soo dhawayn ah kadib waxa loo sii galbiyay Weftiga W asiirka Hudheelka ay ka degeen magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika (South Afric a).

Gudida Jaalliyadda Somaliland ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay wefti heerkan ah oo ka socda dalkooda ku soo dhaweeyaan Cape Town, mar wal bana ay dhaqan iyo caado u tahay inay si niyadsami usoo dhaweeyaan wufuudda dalkooda ka socota, waxanay ka guddoomeen Wasiirka salaam uu uga siday Madaxweynaha Jamhuur iyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Ujeedada safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxa med Biixi Yoonis ee Koonfur Afrika ayaa la xidhiidha Shirka 25aad ee Dhaqaalaha Adduunka (25th World Economic Forum) oo dalkaasi martigeliyay, kana dhacaya magaalada Cape Town 3-5-ta bisha June laguna martiqaaday dawladda Somaliland. Shirkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu weynaa ee noociisa ah ee lagu qabto gobolka, waxana ka soo qayb galaya inka badan 90 wasiiro, saraakiil sarsare iyo hoggaamiyayaal kala duwan, 83 shirkado ganacsi waaweyn oo caalami ah iyo dhinacyo kale oo guud ahaan ku metelaya 75 wadan.

Shirkan oo halku dheggiisa loo qaatay “Horraysiyo Dambaysaba: Malee Mustaqbalka Afrika” (Then and Now: Imagining Africa’s Future) ayaa lagaga hadli doonaa halkay gaadhay qaara ddu dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba intii ka dambaysay 1990-kii iyo sid oo kale iyadoo la kaashanayo waaya aragnimada, hal-abuurnimada iyo khayraadka daneeya yaasha oo kala duwan sida wajahi karo horumar buuxa, lagana gudbi karo caqabadaha jira (http://www.southafrica.info/news/wef-010615.htm#.VW8gTM-qqko). Shirkan ayaa aad diirada u saaraya horumarinta ganacsiga iyo hannaanka iskaashiga/isku xidhka xagga dhaq aalaha ee qaaradda Afrika. Waxa ka mid ah qodobada lagu lafa guri doono sidii wax looga q aban lahaa arrimaha tahriibka iyo la dagaalanka argagixisada oo saamayn ku leh dhaqaalaha Afrika

Ka qaybgalka shirkan iyo guud ahaan safarada shaqo ee Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku gudo jiro todobaadadii u dambeeyay ayaa qayb ka ah dadaalka xoogan ee xukuumadda Somaliland ugu jirto xoojinta iyo kor u qaadida siyaasadda arrimaha dibadda dalka Somaliland ee kasb a shada xidhiidhka iyo iskaashiga wadamada iyo jilayaasha dunida, horumarinta qadiyadda ma daxbannaanida JSL iyo ictiraaf raadinta, soo jiidashada maalgashiga iyo taageerada caala mka ee dhinacyada kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga, arrimaha bulshada, nabadgelyada iwm.
 


Xigsho: Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL