Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Cirro iyo Yuusuf Cabdi Gab oobe oo Qaab Qabiil Nacayb ah ula Dhaqmay Wariye-aha Caanka ah ee TV-ga Jazeera Jaamac Nuur
 

 


 

Xukuumada Somaliland ayaa doraad dalka ka mastaafurisay laba Wariye oo ka Tirsanaa TV-ga  Caa lamiga ah ee Aljazeera qaybta ku hadasha Afka Carabiga oo kala ahaa Tifaftirihii iyo Sawir Qaadihii la Shaqaynayay Wariye Jaamac Nuur oo ah Wariye Caan ah oo Somaliland u Dhashay, magacna u soo hooyay guud ahaan dadka iyo dalka jamhuuriyadda Somaliland , kana Tirsan Hawl wadeenada Television-ka Jazeera

Waxaa lagu jiraa oo Fooda inagu soo haysa Doorashadda Madaxtooyada Somaliland, sidaa  Awgee d, waxaa Dalka soo Galay wariyeyaal Badan oo Caalami ah oo Doonaya inay Gaadhsiiyaan Caalamka sida ay doorashadu u dhacayso, Waxaa kale oo dalka Ku sugan Goobjoogayaal Caalami ah oo goobjoog ka noqon doona Doorashada Somaliland.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa Dalka ka saaray laba  hawl wadeen oo ka Tirsan Al Jazeera, kuna Tilmaamay Wariye Jaamac Nuur oo u Dhashay Somaliland  Ar gagixiso, Haatana ku sugan Caasimada Somaliland ee Hargeisa isaga oo ugu Hanjabay inuu Dalka ka mastaafurin doono.

Maaha markii ugu horaysay ee Wariye Jaamac Nuur Dalka soo Galo isaga oo Gudanaya  Waajibaad kiisa Shaqo ee uu u hayo Al Jazeera, isaga oo ay la socdaan Wariyeyaasha hadda laga Saaray  Dal ka, Sawir Fiicana ka muujiyay Somaliland oo indhaha Caalamka Tusay Waxa ay Qabsatay, kana  Qay b qaatay Suuq-gaynta Qadiyada Somaliland.

Diyaarada Wariyeyaashu Saarnaayeen oo ka soo kicitintay Magaalada Muqdisho oo uu ku yaalo  X afiiska Aljazeera ee Somalia ayaa waxaa la socday Wariyeyaal iyo rakab tiro badan oo sita  Basaab oor Somali balse aan Cid la hadashay ama waydiisay fiise aanay jirin, labada hawlwadeen ee  Jaam ac Nuur u socday moyanee, Sideedaba dadka ka yimaada Gobolada Somalida ee sita Baasaaboor  s oomaali lagama wadydiiyo wax fiisa ah oo ay dalka ku soo galaan, balse aritan Waxaa lala  Xidhiidh inayaa Shirqool uu ugu talo Galay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali “Cirro” oo isaga oo Sida inankiisa yar ugaranay Wariye jaamac Nuur ku Tilmaamay inuu yahay Argagixo, kana Saaray Wariyeyaashii la socday Dalka isaga oo ku Tilaamay Warqadii ay siisay Wasaarada Warfaafintuna inay Tahay Foojari.

Wasiirka Arimha Gudaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Haatuf ayaa Wariye Jaamac meel Kaga Dhacay Xuquuqdiisa Muwaadinimo ee Somaliland, Sharaftiisa iyo Karaamada Shaqsinimadiisa isaga la  shee gay inuu ku Cadaadinayo Arin Qabiil, Maadaama Wariye Jaamac ka soo jeedo Gobolka Gabiley, Gob olkana ay Gacanta uu ku hayo Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye, arintaasi ayaa lala xidhiidhinayaa inuu Culays ku saarayo.

Mulkiilaha Wargayska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ahaa Wariyihii ugu Cayda Badnaa Wakhtigii uu ahaa Mucaaridka Balse Hadda ka Dhigay Wargeyskiisa mid u Adeega Xukuumadda Rayaale ayaa Si ka Baxsan Anshaxa Saxaafadda u Weeraray Wariye jaamac isaga oo La sheegay inuu ka  Danb eeyo Wasiirka Arimaha Gudaha oo ay isku Reer yihiin Yuusuf Cabdi Gaboobe, iyaga oo isku  Kaasha day inay Qaab Qabyaaladaysan oo Caadifadi ka muuqato uga eexdaan Wariyeyaashii kale ee aan udhalan Somaliland balse ay mar Dalka soo wada Galeen.

Sidoo kale, sida ku cad maqaal ka dhan wariye Jaamac Nuur oo uu baahiyay Wargeyska Haatuf, Ca dadkiisii 2385,Arbaca,June 23, 2010 waxa uu Jaamac Nuur wargeysku ku tilmaamay argagixiso ka dhan ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Itoobiya, oo laga yaabo in ay kula kacdo af duub iyo xadhig.


Waa Markii labaad Ee Xukuumada Rayaale ku Tilmaanto Muwaadin ka soo jeeda Gobolka Gabiley In yahay Alshabaab Taasi oo ku tusaysa Cadaawada badheedhka ah ee loo hayo Muwaadiniinta ka s oo jeedaga Gobolka Gabiley.

 

 

 

Adan Osman issa
adamsuxufi@yahoo.com
Hargeisa/Somaliland