Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Kulan La Qaatay Madax Dhaqa mee dyadda
Somaliland, Kalana Hadley Arimaha Buuhoodlle Iyo Ta laabadda Ugu
Haboon Ee Lagu Joojin Karro Shirka Talleex
Wasiirka iyo Cuqaasha reer Somaliland ayaa dood dheer iyo khudbaddo
kala duwan oo laga soo jeediyay madashaasi waxa ay isla qaateen isla
markaana isku afgarteen....
Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur
Caraalle (Duur) ayaa maanta ku lan la qaatay Cuqaasha iyo Madax
dhaqameedyadda Somaliland.
Shirkan oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland,
ayaa waxa ay wasiirka iyo ma dax dhaqmeedyaddu kaga wadda hadleen
Arimaha nabad gelyadda, iyo siddii wax looga qaban lahaa xaaladda
cusub ee ka taagan Deegaanka Buuhoodlle.
Sidoo kale Odayaasha iyo Wasiir Duur ayaa ka wadda Hadley Shirka ka
socdda Deegaanka Talleex ee l agaga dhawaaqay Maamul Goboleedka.
Madax dhaqameedyadda oo ugu horeyn ka Hadley kulankan ay la qaateen
Wasiirka Daakhliga Somalila nd Maxamed Nuur Caraalle, ayaa Sheegay
in ay ugu horeyn wax ka tirsanayaan Xukuumadda, taas oo ay ku
sifeeyeen in ay xukuumaddu ka gaabisay in ay xidhiidh joogta ah la
sameyso isla markaana la tas hato Odayaasha iyo Waayeelka
Somaliland.
Balse wax arintan Cudur daar ka bixiyay Wasiir Duur, waxana uu
sheegay in hadda loo baahan yahay in laga wadda hadllo Arintan
taagan eek u saabsan Dagaalka ka dhacay Buuhoodlle iyo Shirka
Taalleex is la markaana waxa uu u soo jeediyay Madax dhaqameeddyada
reer Somaliland ee ka qayb galayay kula n kan in laga haddalo
Arintan.
Wasiirka iyo Cuqaasha reer Somaliland ayaa dood dheer iyo khudbaddo
kala duwan oo laga soo jeediy ay madashaasi waxa ay isla qaateen
isla markaana isku afgarteen in ugu horeyn xaaladda Buuhoodlle lagu
soo dabaallo Wadda haddal iyo is afgarad, iyaga oo soo jeediyay in
dadka qaska ka dhex wadda deegaanadaas ay ka waantoobaan Dagaalka
isla markaana ay yimadaan miiska wadda hadalka si looga turxaan
bixiyo wax ay tabanayaan.
Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee dhex mara Xukuuamdda iyo Madax
dhaqameedyadda ayaa laysku af gartay in mar labaad laysku soo noqddo
si looga hawl gallo Xaaladda cusub ee ka taagan Meelo ka mid ah
Gobolka Sool.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office
|