Wasiirka Arr. dibadda Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyay hadal ka soo yeedhay Faroolle
 

 

Hargeysa (TNN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha maamul-goboleedka Putland Cabdiraxmaan Sh Maxamuud Faroole oo sheega y in aan Somaliland iyo Soomaaliya wadda hadali karayn ilaa maamul-goboleedka Putland had dii aan gobolkiisa lagu soo darin wada xaajoodyadda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta ka hadlay dhawaaqa ka soo yeedhay C/Raxmaan Faroole, waxa uu sheegay inaan waxba ka khusayn maamulka Puntland wadahadlka Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama Punland tahay maamul-gobol eed ka tirsan dawladda Somalia, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Horta waxaa nu aad u soo dhaweynaynaa go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee ahaa inay Somaliland iyo Somaliya wada hadal yeeshaan mustaqbalka dhaw,waxaana dhamaaday wakhtigii midow ga Soomaaliya iyo Somaliland ee lixdankii, Puntland-na waa maamul Goboleed hoos taga Soo maaliya Somaliland-na cid ay la hadlaysaa waxa weeyaan dawlada TFG-da ee Somaliya ee maaha Puntland. markaa Puntland waxba kama khuseeyaan wada hadalka oo waa maamul hoos taga dawlada TGF-da.”
Wasiirka waxa uu hadalkiisii ku daray “Hadalkan soo baxay ee Somaliland waxay markay ugu haboonaato waxay la hadlaysaa Soomaaliya oo dawlad Soomaaliyeed oo Soomaaliya oo dhan ka masuul ah shacabkeedana ku fadhida, waxaanu aamisan nahay in Gobalka Puntland uu ka mid yahay Soomaaliya,”ayuu yidhi Wasiirka oo maanta u waramayay Horncable TV.

Dr. Maxamed Cabilaahi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Markaa waxa arrintan wata daw lada dhexe ee Soomaaliya ama ta immika jirta ama sida go’aanka ugu qoran ta mustaqbalka la filaayo bisha Auguest wixii ka danbeeya markaa wada hadalka na dhexmarayaa qolodaas ayuu na dhexmarayaa, waxaanu ka wada hadlaynaa danaha shacabka Somaliland iyo Soom aaliya oo ah midawgii barigii hore na dhexmaray Caalamkuna uu taas nagu garab gaalo uu nala faadhiyo oo hawshaas uu nagala shaqeeyo ayaa lagu hishiiyey aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynay.”

“Qaar ka mida gobolada bariga Somaliland oo ay ka jiraan arrimo xal u baahan, arrimahaasi waa arrimo khaas u ah shacabka iyo dawlada Somaliland maaha arrin gobol-kale ama cid kale u taala waa arrin khaas u ah Somaliland,”ayuu intaasi raaciyay.

Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha xukuumadiisa ee deegaamo bariga dalka ah wuxuu yidhi “Somaliland-na waxay arrintaas ka leedahay qorshe siyaasaddeed oo ballaadhan waxaana noo wada socda wadahadalo runtii meel wanaagsan qaarkood marayaan oo waxa ka mida hawlaha qaranka u socda ka mida oo si wanaagsan loogu guulaystay, kuwa noo hadhayna waxaanu aad iyo aad ugu rajo waynahay anagoo sidii dhaqanka iyo wadahadalka iyo wada shaqaynta Somaliland ay ku caano maashay marayna inaanu ku guulaysano ayaanu rajena ynaa, arrin cid kale khusaysa maaha waa arrin Somaliland khusaysa.Waxaanu jecelnahay da lalka jaarka aanu nahay inay tixgaliyaan Somaliland dalkeeda iyo shacabkeeda waxa u gaar a.”

Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa uu sheegay inay beesha caalamku ay sheegtay in Somalilan d iyo Soomaaliya kala yihiin laba dawladdood oo waddahadali kara mustaqbalka, waxaanu y idhi “Horta arrintaani waa arrin ku cusub oo ku soo biirtay saaxada siyaasadda geeska mar kii ugu horaysay beesha caalamku waxay si habdhac leh u muujisay in Somaliland iyo Soom aaliya ay kala yihiin laba dawladood oo kala gaara oo beesha caalamku ay diyaar u tahay in ay ku taageerto inay ka wadahadlaan mustaqbalkooda siyaasaddeed markaa arrintaasi waa arrin uu caalamku uu soo dhaweeyay.”


source:so