Wasiirka Arrimada Dibada UK oo la kulmay Jaaliyada Somaliland ee Gobolka Wales  UK


Wasiirka Arrimaha debada ee dalkan Britain Hon David Miliband MP ayaa kulan gaar ah oo aad u balaadhan manta la yeeshay Jaaliyada Somaliland eek u dhaqan Gobolka Wales gaar ahaan caasimada gobolkaas ee Cardiff, Kulankan oo ay kasoo qayb galeen boqolaal ka tirsan jaaliyada Somaliland iyo ururrada Bulshada, Dhalinyarada, Madaxda iyo Waxgardaka Bulshada, eek u dhaqan gobolkaasi iyo waliba Wasiirka koowaad ahna badhasaabka gobolka Wales Rt. Hon Mudane Rhodri Morgan AM iyo Mudane Alun Mikchal MP oo ka tirsan Baarlamaanka dhexe ee Britan isla markaasna ah Gudoomyaha gudiga Baarlamaanka UK ee Somaliland oo u ololeeya qadiyada Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid aan hore noociisa oo kale loogu qaban Cardiif ayaa Jaaliyada Somaliland waxa ay wasiirka uga warbixiyiin xaalada guud ee Somaliland ay ku sugan tahay iyo sida ay Jaaliyada Somaliland ee UK ku dhaqani ay uga cadhaysan tahay cagajiidka aqoonsiga Somaliland ku aadan ee dalkan Britain iyaga oo sidoo kale si xun u canbaareeyay Xasuuqa ka socda Muqdisho ee lagu hayo dadka Soomaliyeed ee ku dhaqan Magaaladaas muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Dadweynaha kasoo qayb galay xafladan oo waalidiintood berigii hore ahaayeen badmareeno ka shaqaysan jiray Maraakiibta dadweynaha iyo kuwa ciidamada bada ee dalkan Britain hase yeeshee dadka madashan joogay waxaa ka mid ahaa Looyarro,Dhakhaatiir, Macalimiin diiwaan gashan, shaqaale dawladeed, shaqaalaha ururrada madaxa banaan , Arday , Ganacsato iyo dad wayeel ah oo imika hawl gab ah waxaanay si balaadhan uga hadleen in lasoo gaadhay imika xiligii ay dawlada Britain kaalin muuqata ka geysan lahayd qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland gacan balaadhan oo caawimona ay u geystaan dadweynaha Somaliland oo dalkooda dib u dhisay.

Mudane Alun Michael oo ah Xubin Baarlamaanka UK ka tirsan gudoomiyana u ah in ka badan Afartan Xubnood oo ka tirsan Baarlamaaanka UK oo taageera qadiyada Somaliland ayaa warbixin dheer oo uu halkaas kasoo jeediyay waxa uu ku sheegay in Somaliland ay tahay dal amaan ah oo wax badan qabsaday, waxaana uu sheegay in socdaal ay dhawaan ku tageen Somaliland xubno baarlamaanka UK ka tirsan oo uu isagu uu hogaaminayay ay soo arkeen in reer Somaliland ay qabsadeen wax badan loona baahan yahay in la garab istaago.

Marwo Caasha Cali Nuur oo ah macalimad ka mid ah macalimiinta Gobolka Wales oo madashaas ka hadashay ayaa sheegtay in loo baahan yahay in macalimiinta UK iyo gaar ahaan gobolka Wales loo fasaxo inay tagaan dalka Somaliland oo ay wax ka qabtaan dhinaca waxbarashada, waxaanay marwo Caasha aad ugu mahadnaqday oo ay u tageertay mashruuca cusub ee mataanaynta Iskuulada Somaliland iyo kuwa gobolka Wales taasoo ay sheegtay in macalimiinta Somaliland joogaa ay si joogto ah u iman doonaan gobolka Wales oo tababarro la siin doono taasoo ay suurto galiyeen ururka British Council

Xubno ka socday ururrada dhalinyarada Somaliland ee Wales ayaa iyaguna madashaas ka sheegay sida ay uga xun yihiin in wasaarada arrimaha debadu ay websitekooda ku qoraan inaan Somaliya iyo Somaliland aanay nabadgelyo ahayn oo aanay dadka Britishku tegi Karin, waxay sheegeen taasi inay tahay khalad weyn oo laga galay Somaliland oo ah dalka ugu nabadgelyada fiican geeska Afrika, waxaana ay dhalinyartaasi sheegeen in degdeg ay wasaarada arrimaha debadu u kala saarto Somaliland iyo Somalia oo ay xaaladooda nabadgelyo kala duwan tahay, waxaanay sheegeen in dhalinyaro ahaan ay caawimo u geysan doonaan dhalinta reer Somaliland.

Dhinaca kale waxa kulankan lagaga codsaday Wasiirka in Somaliland laga caawiyo la dagaalanka budhcad badeeda, iyaga oo codsaday in Boliska Somaliland ay xoojiyaan una diraan Boliska UK si ay tababarro u siiyaan ciidamada amaanka ee Somaliland.Masuuliyiinta Jaaliyada Somaliland ee Cardiff waxa kale oo ay Wasiirka ka codsadeen in dawlada Britain ay wax ka qabato Xasuuqa Naxariis darrada ah ee ka socda Magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale ay ka codsadeen in caawimo lala gaadho dadka ay barakiciyeen dagaalada koonfur ka socdaa

Wasiirka Arrimaha Debada Mudane Hon David Miliband MP oo kulankan qudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay la kulanka Jaaliyada Somaliland ee gobolka Wales, waxaana uu xusay inay yihiin jaaliyad taariikh dheer ku leh dalkan Britain, waxa uu tilmaamay wasiirku in Dawlada Britain ay ogsoon tahay qadiyada Somaliland iyo yididiilada shacbiga reer Somaliland, waxaana uu xusay in dawlad ahaan ay Somaliland sanadkii ku caawiyaan lacag ka badan £12 Milyan oo Pound oo u dhiganta Labaatan Milayn oo doolar, waxaana uu sheegay in dawlada Britain ay taageeri doono nabada iyo Dimuqraadiayada Somaliland. Wasiirka oo u muuqday inuu iska difaacayo eedaymo badan oo loo soo jeediyay ayaa sheegay in Websaytka wasaarada arrimaha debada ee Britain ay gacanta ku hayaan urur ka madax banaan wasaaradu, hase yeeshee uu eegi doono arrinta Somaliland si gaar ahna uu arrinta Somaliland gaar uga dhigi doono.

“ Waxaan Jaaliyad ahaan idinka codsanayaa inaad usoo shaqo doonataan kana mid noqotaan shaqaalaha Wasaarada arrimaha Debada si aad dalkiinan UK ugu noqotaan dad u metala dalka debadiisa oo safiiro u noqda UK, caawimada aanu bixinaa waa lacagtiina aad cashuur ahaan u bixisaan xaqna waad u leedihiin inaad ogaataan halka aanu ku bixinayno lacagahaas” ayuu yidhi Wasiirka Debada UK.

Wasiirka Koowaad ahna Badhasaabka maamula Gobolka Wales Mudane Rt. Hon Rhodri Morgan AM oo isaguna madashaas ka hadlay ayaa tilmaamay inay maamul ahaan caawiyaan jaaliyada Somaliland ee Cardiff, sidoo kalena ay caawimo u geystaan Somaliland gaar ahaan dhinacyada caafimaadka iyo waxbarshada, waxaana uu sheegay in Gobolka Wales aanuu lahayn wasiir dibadeed laakiin wasiirkooda debadu uu yahay David oo manta inala fadhiya lagana filayo waxqabad dhab ah.

Wasiirka Arrimaha debada oo markii danbe kulan gaar ah la yeeshay Ururka Wales Somaliland Community Link ayaa waxa masuuliyiinta ururkaasi ay wasiirka gacanta ka geliyeen qoraal habaysan oo tilmaamaya qodobada muhiimka u ah Somaliland ee laga sugayo in dalka Britain uu gacan ka geysto, qodobada qoraalkaas ku jiray oo ay ka mid ahaayeen arrimaha aqoonsiga waxaa iyana ka mid ahaa codsi ay wasiirka u jeediyeen in dawlada UK ay si toos ah u siiso caawimada Dawlada Somaliland oo aanay mar danbe u marin ururrada samafalka, maadama ay Somaliland ka jirto dawlad masuul ah oo gaadhsiin karta caawimada goobaha loogu talogaly.

Xoghayaha Ururka Wales Somaliland Link Mudane Cabdikariim Cabdi Aadan iyo Gudoomiyaha Ururkaas Mudane Cabdirahman Cawed oo ah masuuliyiin si aan daal lahayn ugu shaqeeya uguna ololeeya qadiyada Somaliland isla markaasna shirkan aabulay ayaa waxay mahadnaq usoo jeediyeen Masuuliyiinta shirkan kasoo qayb gashay iyaga oo tilmaamay in guud ahaan xalka nabadeed iyo kan horumar ee geeska afrika uu ku jiro in Somaliland la aqoonsado, si ay Somaliland awood ugu yeelato inay wax ka qabato dabka ka holcaya Soomaaliya. Ugu danbayn dadka shirka kasoo qayb galay waxay tacsi u direen dadka lagu xasuuqayo Muqdisho waxaanay

canbaareeyeen dhibaatada arxan darrada ah ee lagu hayo dadka reer Muqdisho.

 

Kaysar Cabdilaahi

Tafatirka Somali Voice
Bristol UK
Kaysar@europe.com
www.thesomalivoice.co.uk