Wasiirka Arrimaha
dibadda Somaliland oo ka warbixiyay Natiijada socdaal ay ku tageen
dalka Masar
Hargeysa (TNN)- Weftigii Wasiirrada Arrimaha dibada iyo Madaxtooyada
Dr. Maxamed Cabd ilaahi Cumar iyo Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo
socdaal qaatay muddo laba todobaad ah socdaal shaqo ku joogay
dalalka Kenya iyo Masar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,
waxaanay ka warameen kulamadii ay la yeesheen masuuliyiin ka tirsan
dawlada Qaahira.
Wasiirka Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo qolka
nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramayay warbaahinta ayaa
sheegay in socdaalkii ay ku tageen dalka masar uu ka dhashay marti
qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawlada Masaaridda.
“Waxaanu booqasho shaqo oo rasmi ah ku tagnay dalka Masar, waxaana
ujeedada socdaal ka yagaasi salka ku hayay sidii labada wadan ee
Somaliland iyo Masar ay u yeelan lahaayeen isk aashi dhinacyo badan
leh,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Wasiirku wuxuu sheegay inay magaalada Qaahira kula kulmeen Wasiirka
iskaashiga caalamiga ah ee dalka masar, Wasiir Ku xigeenka Arrimaha
dibadda iyo masuuliyiin ka tirsan Jaamacada Carabta.
“Dhammaan masuuliyiintii aanu la kulanay waxaanu kala hadlay danaha
qaranka Somaliland, waxaana aanu isla faaqidnay sidii labada dal ay
u yeelan lahaayeen iskaashi balaadhan oo ku wajahan dhinacyada
siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha
dibadda.
Wasiirku wuxuu intaasi ku daray inay dalka masar kula kulmeen
ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalkaasi oo uu tilmaamay
inay uga xog warameen xaalada guud ee Somaliland isla markaana ku
dhiirigeliyeen inay waxbarashadooda ku dedaalaan.
Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa kale oo uu xusay in Weftigiisu ay
kulan kula yeesheen safiir rada iyo dublamaasiyiinta wadamada reer
galbeedka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi oo ay kala hadleen
sidii ay u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka wadamadoodu la leeyihiin
Somalila nd.
Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa kale oo uu carabka ku dhuftay inay
safiirradda uga warameen sida ay xukuumada Somaliland uga go’an
tahay doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka
qabsoonto sanadka 2012-ka ee fooda inagu soo haya.
Source:Somaliland.Org
|