Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland, Mud, C/Laahi M. Ducaale, ayaa la kulmay Amb. Johne Carson oo ah Assistant Secretary of State
 

Addis Ababa, Eth (Timacade News)-Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland, Mudane,  Cabd illaahi Maxamed Ducaale, ayaa la kulmay shalay Amb. Johne Carson oo ah Assistant  Secret ary of State iyo Wefdigii uu hogaaminayay ee ka soo qayb galay Shirka African Union.

Kulankaa Waxa lagaga wada hadlay xidhiidhka iyo Iskaashiga labada dal, siiba dhinacyada  N abad gelyada, Siyaasadda iyo Horumarka, Waxa kale oo si guud layskaga waraystay  Xaalad da Nabad gelyada ee Gobolka .


Mudane Carson waxa uu aad ugu dheeraaday sida uula dhacsan yahay horumarka ay  Somal iland ay ka gaadhay dhinacyada Nabad gelyada, Siyaasadda iyo Hanaanka  dimuqraadiyad eed ee ay hir gelisay, waxana uu u ballan qaaday Wasiirka inuu booqasho rasmi ah ku iman doono Somaliland, waxa kale oo uu is mug leh layskula soo qaaday Arrimihii ay Wasiirka kaga wada hadleen markii uu booqashada rasmiga ah ku tegay dalka Maraykanka badhtamihii  san adkii hore ee 2009.

Dhinaca kale, isla shalay waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadu kulamo kala gadisan la yeeshay Wufuud ka soo qayb gashay Shirka AU-da oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro dawlihii English  Bo nones Kinnock of Holy head iyo Wefdi ka socday dalka Norway oo uu hogaaminayay Director General of Minister of Foreign Affairs of Norway iyo wefdiyo ka kala socday Dalalka Finland iyo Denmark oo ay kala hogaaminayeen Head of Department for Africa of DenmarkMette Knudsen iyo Pekka Haayisto oo ka socday Ministry of Foreign Affairs of Finland, ahna Special Envoy for Horn on Africa and Sudan

Kulamadaa dhamaantood waxa lagaga wada hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Wadamadaa, iyada oo ay dhamaantood ku dhamaadeen is afgarasho, kulankaasi waxa Wasiirka Arrimaha Dibada ku weheliyay Safiir ku xigeenka Somaliland ee Wadanka Ethiopia, Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye iyo Amb sigurd Illing Independent Diplomat.

 



Allaa Mahad leh,

Ayaanle Salaad Diiriye

Safiir ku xigeenka Safaarada Somaliland ee Ethiopia