Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Beeniyay Inuu Xidhiidh Dhex Maray Xukuumadda Somaliland Iyo Dawlada Sheekh Shariif

 

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland, C/laahi Maxamed Ducaale ayaa si kulul u beeniyay eedaymo uu usoo jeediyay, Yuusuf Budle oo ahaa guddoomiyihii hore ee xisbiga UDUB u qaabilsanaa woqooyiga Maraykanka. Wasiirka ayaa waxba kama jiraan iyo been cad ku tilmaamay hadalka kasoo yeedhay Yuusuf Budle.

Wasiirka Arrimaha dibada C/laahi Maxamed Ducaale oo shalay gelinkii hore lasoo xidhiidhay wargeyska Haatuf ayaa waxa uu yidhi “ aniga oo ah wasiirka arrimaha dibada Somaliland, waxa aan halkan ku beeninayaa qoraal been abuur ah oo uu saxaafada ku baahiyay ninka la yidhaa Yuusuf Budle, kaas oo uu eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn dusha ka saaray dad sharaf leh oo muwaadiniin ah oo dalkooda u daacada, kuwaas oo uu ku sheegay inay khiyaameeyeen Somaliland, hadaba waxa aan u sheegi lahaa dhamaan ummadda reer Somaliland inaanay waxba ka jirin eedaymaha uu ninkaasi xukuumadda usoo jeediyay, teeda kale waxa aan u sheegi lahaa Yuusuf Budle bal haddii uu run sheegayo muxuu cadaymo u keeni waayay oo uu ummadda ugu soo bandhigi waayay, marka uu leeyahay waxan ahay muwaadin daacad ah, waxa isweydiintu tahay ma waxa uu ka muwaadinsan yahay wasiirada hadh iyo habeen sida hagar la’aanta ah ugu shaqaynaya ummaddooda, isagu halkuu joogay markii aanu dhidibada u taagaynay Somaliland, waxan odhan lahaa adeer nin yar baad tahaye adiguna karaamada ha iska qaadin oo umada been ha u sheegin, anagana hana masibidin, haddii aad xil doon tahayna, koleey way kaa muuqataa inaad xil doonaysee, si sharaf leh ku doon oo beenta iska daa”.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku deedafeeyay guddoomiyanimada Yuusuf Budle ee woqooyiga Maraykanka, “ anigu ma garanayo wakhtiga uu Yuusuf noqday guddoomiyaha iyo wakiilka xisbiga UDUB u jooga dalka Maraykanka, waayo waxa muddo aad u dheer xilkaasi hayay ilaa imikana haya, Sacad Sheekh Cismaan Nuur, isagaana ku hadli kara afka wasaarada arrimaha dibada, markaa waxa aan hadalkayga kusoo gabagabaynayaa, Yuusuf isagay u taalaa sidduu xisbiga UDUB uga qancinayo eedaymaha aan salka lahayn ee uu usoo jeediyay, waxaana xisbiga UDUB uu go’aan ka gaadhi doonaa waxa laga yeelayo gefka uu ninkani ku kacay”. Inkasta oo wasiirku deedafeeyey in Yuusuf uu yahay wakiilka UDUB ee Maraykanka, balse waxa laba todobaad ka hore xaqiijiyey inuu ninkaasi yahay wakiilka xibiga UDUB u jooga xoghayaha xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo ka hadlayey shir’jaraa’id oo uu ugu jawaabayey.

Waxay ahayd bishan May 4-teedii markii Yuusuf Budle oo ahaa guddoomiyihii xisbiga UDUB ee Maraykanka uu qoraal uu soo gaadhsiiyay saxaafada uu kaga waramay kulamo qarsoodi ah oo dhex maray xukuumadda Somaliland iyo dawladda Sheekh Shariif.

 


Haatuf