Wasiirka arrimaha dibada oo eedeemo u soo jeediyay Gudoomiyaha UCID
 

 


Dareenkii soo dhaweynta Wasiirka, Calankii uu Diyaaradda kala soo Degay, Eedayntii uu u jeediyey Faysal Cali-waraabe iyo ka fakashadii Su’aalaha


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa difaacay ka qaybgalkiisa shirkii dhawaan lagu qabtay dalka Ingiriiska ee lagaga hadlayey  xa l-u-helida mushkiladaha ka taagan Soomaaliya, isla markaana waxa uu jawaab ka bixiyey ee daymo la xidhiidha shirkaasi oo mucaaradku u jeediyeen.

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, waxa uu mar kale ku dooday in shirka uu ka qaybgalay ahaa mid caalami ah oo muhiimad wayn u leh Somaliland oo si gaar ah loogu casuumay. Haseyeeshee, ay xisbiyada mucaaradku arrintaasi siyaasadeeyeen, isa goo si gaar ah eedayn culus ugu jeediyey Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-wara abe.

Wasiirka oo abbaaro 9:40 gelinkii hore ee shalay ka soo degay madaarka diyaaradaha  Har geysa, ayaa waxa imaanshihiisa hadheeyey dareenno iska soo horjeeda oo isugu jiray cabsi mudaharaad ka dhan ah Wasiirka iyo soo dhaweyn ay isku bahaysteen Madaxtooyada iyo xukuumadda, isla markaana ay wehelinayeen xildhibaanno iyo dad u badnaa haween.

Ammaanka jidka taga madaarka iyo gudaha gegida diyaaradaha ayaa la adkeeyey, iyadoo kooxo sirdoon ahi gaafwareegayeen madaarka dhexdiisa, kadib markii ay soo baxeen warar sheegayey in Wasiirka Arrimaha Dibada lagala hortagi doono mudaharaad lagaga soo  horje edo shirka uu ka qaybgalay, kaas oo aan markii dambe waxba ka hirgelin.

Wasiir Maxamed Cabdillaahi waxa uu ka soo digay diyaaraddii uu la socday isagoo ku jeeni-qaaran qayd calanka ka mid ah calanka Somaliland, arrintaas oo u muuqatay inuu difaac uga dhiganayey ka qaybgalkiisa shirka muranka dhaliyey, isla markaana shacabka  dareensiinay ey guul Somaliland oo uu soo hooyey, maadaama oo uu ka soo laabtay shir caalami ah oo Somaliland ku soo bandhigtay mawqifkooda la xidhiidha xallinta dhibaatooyinka Soomaaliya iyo meel marinta qadiyada Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo qolka nasashada shir jaraa’id ku qabtay, waxa uu sheegay in  sh irka uu tagay ahaa mid caalami ah oo ay ka qaybgaleen dawladaha waaweyn ee uu  adduu nka, ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika iyo weliba deeqbixiyayaasha  caalam iga ah, Somaliland si toos ah loogu casuumay oo lagaga wadatashanayey wax-ka-qabashad a mushkiladda Soomaaliya, balse aannu ahayn mid lagu heshiisiinayey Soomaalida.

“Ka qaybgalka shirkaas caalamiga ah ee Somaliland waxa ay ka dambaysay oo uu salka ku hayay, kadib markii casuumad ay dowladda Somaliland ka tashatay, waxaanu go’aan sanay in ay arrintani tahay arrin taariikhi ah, markii ugu horaysay ee qaranka Somaliland lagu casuumo shir caalami ah oo baaxaddaa leh lagana wada hadlayo sidii arrimo amaan-darro ah oo mandaqada ka jira, Somaliland-na saamayn toosa oo gaar ah ku yahay laga wada  hadla yo sidii wax looga qaban lahaa.

Ka qaybgalka Somaliland shirka lagu casuumay waxa ka mid ahaa in Somaliland ay ka  hadas ho shirka oo sida dowladaha kale ee Geeska Afrika ee ay saamaynta ku leedahay  nabad gel yo-darrada ka jirta Soomaaliya ay shirka uga hadlayaan fikir iyo talana uga soo jeedinayaan in ay Somalilandna uga hadasho,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo dabasocday eedaymo ku saabsan shirka uu ka qaybgalay oo mucaaradku u  jee diyeen, waxa uu si kulul u weeraray Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo uu ku sheegay inuu lug ku lahaa shirqoolkii Taliskii Siyaad Barre ku qabqabtay dhallinyaradii kooxda UFFO ee Hargeysa.

“Dadka shirkan doonayay in ay marin habaabiyaan ee xisbiyada mucaaridka ah waxa ka mid ah oo runtii arrimo aan u arko dheeraadba ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, waxaannu ka hadlay arrimo aan meesha oolin, taasina waa mid nasiib-darro ah, waxaannan ugu baaqayaa Faysal in uu arrimahaas iska ilaaliyo. Eedayntaas waxaan doonayaa in aan jawaab kooban ka bixiyo, sababta oo ah way soo noqnoqotay, ink asta oo ay adagtahay in laga jawaabo hadalada Faysal oo siyaasaddiisu ay tahay mid bood bood badan, meel gaar ah oo loogu hagaagaa aanay jirin. Haddana waxaan doonayaa in aan ka hadlo hab dhaqanka siyaasadda Faysal. Anigu waxaan u aqaanaa ma gudbe siyaasadeed oo shacabiga Somaliland ay doorasho cad ku diideen laba jeer in ay doortaan. Waxaana ka mid ah waxyaabaha lagu diiday boodka boodka badan, fudaydka iyo ka fiirsasho la’aanta badan.”

“Hadalladdii uu Faysal yidhi waxa ka mid ahaa in shirkaas caalamiga ahaa ee uu caalamka oo dhami ka qayb galay in uu sababi karo in Somaliland gobol gobol u kala go’do. Arrintaasi  wa xaannu u aragnaa mid xaalad-abuur ah oo qarankan wax yeeli karta, waxaannu shirkii aan ka qaybgalay ku tilmaamay khiyaamo qaran. Ma garanayo qof reer Somaliland ah oo  khiyaa mo qaran galay oo aan Faysal Cali Waraabe ahayn. Faysal weli meel iskagama muu tiirin eedii dhowrka jeer ee hore loo jeediyay oo ku xidhiidhinaysay dhibaatooyinkii loo geystay Ururkii aqoonyahanka ahaa ee UFFO ee dalka u shaqeynayay,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabee yey Wasiirka Khaarajigu.

Haseyeeshee, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar kadib markii uu dhammeeyey hadalka shirkiisa jaraa’id waxa uu si cad isaga diiday in suxufiyiintu wax su’aalo ah ka waydiiyaan, isagoo si la ma filaan ah degdeg uga booday kursigii uu ku fadhiyey, isla markaana kaga baxay madasha shirka jaraa’id ka socday.



Source: Jamhuuriya Online