Wasiirka Arrimaha dibada oo la kulmay Wefti
ka socday Holland

 




Hargeysa (TNN)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ay aa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday dalka Holland oo socdaal shaqo ku yimid dalka.

Weftigan oo ka koobnaa dhawr xubnood waxa hoggaaminayay Safiirka Holland u fadhiya dalka Kenya waxa wasiirku la yeeshay kulan albaabadu u xidhnaayeen oo socday muddo saacad ka badan.

Dhinaca kale,Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Wasiirka Arrimaha dibad a Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo kulankaasi ka dib ka hadlay socdaalka we ftigan waxa uu sheegay inay ka wada hadleen danaha labada dal.

Wasiirku wuxuu sheegay in kulankani daba socday socdaal hore uu Somaliland ugu yimid bishii June ee la soo dhaafay Wasiir ka tirsan xukuumadda Holland.


“Waxa socdaalka weftigan Holland ee aan kulanka la yeeshay la xidhiidhay sidii labada dal ay u yeelan lahaayeen iskaashi, waxaana barigaa lagu heshiiyay inay inagala shaqeeyaan wax ka qabashada nabadgelyadda, la dagaalanka argagixisadda iyo budhcad badeeda ma ndaqadda,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu sheegay inay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka labada wadan, waxaanu intaasi ku daray inuu weftigaasi uga waramay xaalada guud ee Somaliland ee dhinacyada siayaasada, Nabadgelyada iyo dhaqaalahaba.

Sidoo kale weftigan ka socday dalka Holland waxa qaabiley Maayarka Caasimada Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir.
 


Source: Somaliland.Org