Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo ka qaybgalaya shir wayne ay bulshada caalamku ku leedahay dalkla Ingiriiska o ku saabsan arrimaha Siyaasadda Soomaliya

 

 


Hargaysa(TNN)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta u kicitimay dalka Ingiriiska, isaga oo ka qay bg alaya shir ay wadaankaasi isugu imanayaan wufuud ka socota bulshada caalamka oo ku saabsan  xaala dda sii-murgaysa ee Soomaliya.

Dawladda Somaliland, oo shir waynaha si toos ah loogu casuumay, waxaa laga codsaday inay bulshada caalamka la wadaagto waayo-aragnimada ay u leedahay nabadaynta, qaran dhiska iyo heshiisiinta  si yaasadda. Waa markii ugu horaysay ee bulshada caalamku Somaliland siiso fursad ay fagaaro caalami ah kaga hadasho horumarkeeda xagga siyaasadda iyo nabadgelyada, fikirna ka dhiibato arrimaha soomaliya sidii loo furdaamin lahaa.

Sida la ogyahay wakhtigii loogu talo galay maamulka ku meel gaadhka ah ee soomaliya wuxuu ku  dhaw yahay dhammaad, waxaana dood badani hadda ka taagan tahay wixii laga yeeli lahaa. Beesha caalamka ee ku hawlan arrimaha soomaliya waxay la tashi balaadhan isugu yeedhay masuuliyiin ka socda geeska Africa, Yurub, Maraykanka iyo hay’ado caalami ah oo madaxbanaan, waxaana hormood ka ah  wasaara dda Arrimah Dibadda ee dawladda Ingiriiska.

Mawqifka xukuumadda Somaliland ee ku saabsan arrimaha soomaliya, sidii horeba xukuumaddu u  cadays ay, waxaa weeye in Somaliland taageersan tahay dadaalka caalamku ugu jiro sidii amniga dib loogu soo celin lahaa soomaliya oo xasilooni darada ka jirtaa ay mar kasta saamayn toos ah ku leedahay  nabad gelyada Somaliland. Haseyeeshe Somaliland waa dal xor ah, madaxbanaan, kuna dhaqma nidaamka siyaasadda ee ku dhisan habka dimuqraadiyadda iyo tala wadaagga, waxayna caalamka ka dalbanaysaa aqoonsi siyaasadeed.
 



Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga


Jamhuuriyadda Somaliland