Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo ku soo Jeeda Somaliland

 


 


Waxa la filayaa in wasiirku Addis Ababa kulamo kula yeesho saraakiil sare oo ka tirsan dawl ada Itoobiya ah iyo diblomaasiyiin shisheeye


London (TNN)- Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed  Cabdilla ahi Cumar oo in muddo ah ku sugnaa carriga dalkan Ingiriiska, ayaa maanta ka soo duulay  g aroonka caalamiga ee Heathrow Airport ee magaalada London, isaga oo ku soo jeeda  dhin aca Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibedda intii aanu ka soo duulin madaarka Heathrow oo Jamhuuriya  Lond on wax ka weydiisay waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu ingiriiska ku sugnaa waxa uu  sh eegay in ujeedada ugu weyn ee uu Ingiriiska u tagay ahayd sidii uu u soo afjari lahaa hawlihii uu ka hayay dalkan Ingiriiska, maadaama loo dhiibay xilka wasiirnimada wasaarada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland. Waxaanu intaasi ku daray in intii uu ku  sug naa Ingiriiska uu kullamo la yeeshay masuuliyiin sare oo ay ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda Ingiriiska iyo mucaawimada dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee ingiriiska, Xubno  ba arlaamanka Ingiriiska ka tirsan, Guddoomiyaha saaxiibada Somaliland ee baarlamaanka  Brit ain Md. Alun Michael, Ururka dimlomaasiyiinta madaxbanaan iyo jaalliyada Somaliland ee UK.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa la filayaa inta aanu soo gaadhin Hargeysa inuu  magaa lada Addis Ababa kulamo kula yeelasho masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal. Waxa kale oo uu kulamo kale la yeelan doonaa qaar ka mid ah diblamaasiyiinta ku sugan  ma gaalada Addis Ababa.

Wasiirka oo aanu wax ka weydiinay bal in wax isbbeddel ahi ku yimi xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu sheegay in aan wax isbbeddel ahi ku iman ee ay tahay  dac aayad an loo meel dayin.


Source:Jamhuuriya Online