Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Caddeeyey in Somaliland Saami Fiican ka Heli Doonto Lacag Gaadhaysa ilaa $5 Milyan Doollar oo Lagaga Dhawaaqay Shirkii Imaaraadka

 


 

Dubai (TNN)-Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isagoo ku sugan magaalada Abu Dubai ee dalka Im raadka Carabta ayaa wargeyska Jamhuuriya ugu warramay waxa uu sheegay in beesha caalamku Somaliland ku ammaantay kaalinta firfircoon ee ay kaga jirto dagaalka ka dhanka ah budhcad-bade edda, sidaa darteedna muhiim tahay inay saami fiican ka heli doonto dhaqaalaha lagu ururiyey sh irkii Imaaradka ku qabsoomay, isagoo dhimnaca kalena waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo uu ku sheegay in heshiis dhexmaray dawladda TFG-da iyo maamullada ka jira Soomaaliya oo Somaliland ku jirto.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda TFG-du arrintaas uu yidhi wax allaale wax ka jiraa ma jiraan, wax heshiis ah iyo wax wadahadal ah oo na dhexmarayna ma jiraan, laakiin Somaliland waxay ka mid tahay dalalka sida weyn ula dagaallama budhcad-badeedda Soomaalida, waxayna bulshada  ca alamka kala shaqaynaysaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka budhcad-badeeda iyo sidii loo yarayn lahaa khatarteeda, arrintaasina Somaliland si weyn baa loogu ammaanay oo shirkii caa lamiga ahaa ee lagu qabtay dalka Imaaraadka Carabta waxa lagu soo qaaday kaalinta Somaliland kaga jirto la-dagaalanka budhcad-badeedda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Sheekh Shariif heshiiska uu leeyahay Somaliland baan la  gal nay wax ka jiraa ma jiraan, waxaanan wasiirka u sheegi lahaa inuu ka shaqeeyo dhismaha  dawla ddiisa iyo sidii ay dhinacooda wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinka budhcad-badeeda, mana qurux badna inuu wax aan jirin Somaliland ka sheego, adduunkuna wuxuu ka rabaa inay dalkooda hagaajistaan oo dhibaatada ka dul qaadaan ummadda Soomaaliyeed ee baahidu haysato. Somaliland waa dal madaxbannaan oo beesha caalamku ku ammaantay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto nabadgelyada mandaqadda iyo dagaalka lagula jiro budhcad-badeedda Soomaalida.

Shirka ka dhacay Imaaradka Carabtuna waxa ujeedadiisu ahayd sidii dawladdaha Carabta iyo  bee sha caalamkuba kaalin firfircoon uga qaadan lahaayeen la-dagaalanka budhacad-badeedda. Waxaanna shirkaas ka soo baxay in Carabta iyo guud ahaanba caalamku ka shaqeeyo la-dagaalanka budhcad-badeeda. Dawlado badan oo shirkaasi ka soo qaybagalay oo ay ka mid yihiin Holland iyo Denmark ayaa Somaliland ku hambalyeeyey kaalinta fiican ee ay kaga jirto dagaalka budhcad-badeeda, iyaga oo caalamkana ugu baaqay in Somaliland lagu taageero halganka ay ugu jirto wax ka qabashadda arrimaha budhcad-badeedda Soomaalida,” ayuu yidhi Dr. Maxamed  Cabd illaahi Cumar.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in beesha caalamku Somaliland u aragtay inay tahay dal wax badan ka qaban kara dhibaatooyinka budhcad-badeedda, isla markaana guulo badan ka gaadhay  arrint aas, isaga oo xusay in Somaliland sumcaddaas ku kasbatay dagaalka kulul ee ay kula jirto budhca dda badaha iyo budhcad-badeedda tiradoodu ilaa 90 qof ku dhaw yihiin ee ku jira xabsiyada dalka, kuwaas oo badankooda ay gacanta ku dhigeen ciidammada Ilaalada xeebaha Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo aanu weydiinay su’aal ahayd ‘Wasiir, idinku ma kulanteen wasiirka arrimaha dibadda dawladda Sheekh Shariif ee ku jiray shirka lagaga hadlayey arrimaha  b udhcad-badeedda? Waxa uu ku jawaabay; “Maya, wasiirka dawladda Sheekh Shariif ismaanu arag oo maanu kulmin, laakiin wuxuu ka mid ahaa wefti ka socday dawladda Sheekh Shariif oo ka  qayb galay shirka budhcad-badeedda lagaga hadlayey ee ka dhacay dalka Imaaraadka. Laakiin markii shirku dhammaaday waxaan anigu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda dawladda Imaaraadka oo aannu ka wadahadalnay sidii Somaliland iyo Imaaraadku isaga kaashan lahaayeen la-dagaalanka budhcad-badeedda iyo sidii dawladdiisu Somaliland uga taageeri lahayd arrimahaas. Waxa kale oo aannu ka wadahadalnay dhibaatooyinka ka socda dalka Yemen iyo saamaynta ay ku yeelan  kaar an mandaqada oo dhan.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo la weydiiyey saamiga ay Somaliland ka heli karto dhaqaalaha badan oo gaadhay ilaa $5 milyan dollar ee loogu talogalay la-dagaalanka budhcad-badeedda ee lagaga  yab oohay shirkii Imaaraadka Carabta waxa uu yidhi; “Horta dawladda Imaaraadku waxay ku  dhawa aqday inay bixinayso lacag gaadhaysa $1milyan oo doollar, dalka Holland ayaa isaguna ku  dhawa aqay $1.500 milyan oo doollar, dalal kale ayaa iyaguna lacago ku yaboohay, lacagahaasna waxa inta badan carabta lagu dhufanayey in loogu deeqay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka dambiyada iyo maandooriyaha ee UNODC, balse lacagtaas waxa loogu talogalay in lagu taageero dalalka ay saamaysay budhcad-badeeddu.”

“Somaliland waxaan rajaynayaa inay saamayn fiican ku yeelan doonto lacagtaas badan ee lagaga dhawaaqay shirkii Imaaraadka Carabta, sababtoo ah Somaliland waxay xeebaheeda ka nadiifay budhcad-badeedda, waxayna kaalin fiican oo muuqata kaga jiraan la-dagaalanka budhcad-bade eda, markaa kolayba Somaliland lacgataasi saami bay ku yeelan doontaa, waxayna arrintaasi wax ka tari doontaa kaalinta Somaliland kaga jirto dagaalka budhcad-badeedda,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.


Source: Jamhuuriya