Wasiirka Arrimaha dibadda oo ka hadlay Kulamo uu la yeeshay wufuuddii Masar, Kenya iyo Jarmalka

 



 


Addis Ababa (TNN)-Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo uu ka socdo shirkii midowga Afrika, kula kulmay Wufuudii shirkaasi uga qeyb gashay waddamadda Kenya, Masar iyo Jar malka.

Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaaladda Addi s-ababa ee wadanka Itoobiya.

“Shirkan waxaad moodaa inuu xooga saarayo xurgufaha ka dhex jira qaaradda hase yeesh ee ka Somaliland ahaan sanad kasta marka shir caynkan oo kale ahi ka socda Addis ababa waanu ka soo qayb gali jirnay si aanu kulamo ka baxsan shirka ula yeelano wufuuda ka ima naysa dunida daafaheeda kala gedisan,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Khaarajiga oo ka hadlayay kulamadaasi wuxuu yidhi “Intii aanu halkan nimidna na siib wanaag waxa noo suurogashay inaanu dhawr Dal wufuudooda la kulano waxaana ka mid ahaa wefdigii Dawladda Kenya ee uu hogaaminayay Wasiirul khaarajiyaha Dalkaasi, wu fuud ka socotay Dalka Masar iyo saaka oo aanu la kulanay kuwo ka socday Dalka Jarmalka, kuwo kalena way noo hadheen intabana waxaanu kala hadlaynay qadiyada arrimaha dibe da Somaliland iyo sidii aanu taageero uga heli lahayn.”

Dr. Maxamed waxa uu raali-gelin ka bixiyay war ka dhan ah Safaaradda Itoobiya ee Harge ysa oo wargeys wax ka qoray, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Arrintaa da wlad ahaan aad iyo aad baanu uga xunahay, xukuumadda Itoobiya iyo safaaradeedu wax aanu ka siinaynaa raali-gelin, waa arrin muujinaysa mas’uuliyad darrada qaybo ka mid ah saxaafadda Somaliland. waxaan leeyahay safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland wax ay ka shaqaysaa xidhiidha labada dal wadaagaan. Waxaanay xooga saartaa in xidhiidh dha qaale iyo ganacsi labada wadan dhex maro.”

“Waxa naga dhaxaysa wada shaqayn wanaagsan uma socdaan arrimo ganacsi oo iyaga u gaar ah iyo arrimo kootarabaan ah oo dalka ka manuuc ah. waxay u joogaan hagaajinta iy o adkaynta xidhiidhka labada dal, eedaha wargeysku u soo jeediyay waa mid aaan jirin, wa xaan jecel nahay in arrintaa laga waantoobo oo aanay mar dambe dhicin. waa arrin qaran ka ceeb ku ah,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu. Wasiirka waxa socdaalkiisan Itoobiya ku we helinaya Wasiirka duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Ca bdi.

 



Cumar Maxamed Faarax