Wasiirka Arrimaha Dibeda oo shir jaraa’id oo uu ku qabtay Addis
ababa ku sheegay inay Itoobiya ka wada hadleen Amaanka Xuduudaha iyo
Ganacsiga labada Dal
Addis Ababa (TNN) Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr: Maxamed C/laahi
Cumar oo uu wehe linayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed
Nuur Caraalle Duur oo galabta Hutelka Hi lton ee Addis Ababa
Saxaafadda kula hadlay mar ay ka soo baxeen shir ay Madaxda Itoobiya
wa da yeesheen ayaa ka waramay wadahadal ay ka yeesheen Dhinacyada
Amniga iyo Ganacsiga la bada Dal. Iyadoo sidoo kalena Su’aalo laga
weydiiyay Shirka Dawladda Ingiriisku u qabanayso So maliya.
Wasiirka Arrimaha Dibeda oo ugu horeyn ka hadlay wadahadalkii
dhinaca Ganacsiga iyo Amniga ee ay Itoobiya wada yeesheen ayaa yidhi
“ Haa kulamadii aanu u nimid wayn noo suurtogaleen oo laba arrimood
ayaanu Itoobiya ka wada hadalnay midi ta Amniga labada dal bay
ahaydoo xa alada Bariga Somaliland ka soo cusboonaatay sidii aanu
iskaga kaashan lahayd bay ahayd oo sa raakiisha dhinaca Amniga u
qaabilsan baanu ka wada hadalnay waxaananu isla qaadanay inaanu ka
hortagno dagaalka halkaas ka dhacay oo ay wadaan koox ku soo duushay
Somaliland oo Itoo biya soo martay markaa waanu isla qaadanay sidii
aanay arrintaasi labada dal dhibaato ugu kee ni lahayn.
Ta kale arrinta Ganacsiga Haeshiis baa hore u jiray labada dal u
dhaxeeyay muddo shan sano ah ayuu Heshiiskaasi jiray markaa inaanu
isla eegno ayaanu isla qaadanay markaa waxaanu kula no qonaynaa
hay’adihii ay khusaysay ee Maaliyadda, Ganacsiga iyo qolooyinka
Cashuuraha waxaan anu ku wadahadalnay sidii aanu u soo saari lahayn
Heshiis Ganacsi oo labada Dalba faa’iido u leh.
Anagu waxaanu doonaynaa inay labada dal ba ka faa’iideystaan Dekedda
Berbera, waad ogyihi no shirka AU-da waxyaabihii laga hadlay waxa
sanadkan Hal-ku-dheg u ahaa in la fududeeyo arr imaha Ganacsiga oo
si ay dalalka Afriki dhinaca Ganacsiga Hore ugu maraan markaa anagoo
taa ka duulayna waxaanu doonaynaa inaanu Heshiiskayagii hore dib u
eegno oo aanu ku salayno wax dan u ah labada shacbiba” ayuu yidhi
wasiirka Arrimaha Dibedu
Mar la weydiiyay waxay ka qabteen intii ay Addis ababa joogeen
arrimaha Dublamaasiyadda maadaama ay Addis Ababa ku sugan yihiin
Wfuud kala duwani waxa uu yidhi “ kulamo door ah ayaanu la yeelanay
Dublamaasiyiin iyo Madax kala duwan oo aanu kala hadalnay qadiyadda
Somaliland waxa ka mid ahaa Wasiirka Ingirriska u qaabilsan Afrika
oo aad ogtihiin in dalkiisu shir u qabanayo Somaliya, Madaxweynayaal
hore Afrika Xilal uga qabtay ayaanu la kulanay markaa intii uu
shirku socdayba anana kulamo ayaanu hoosta ka wadnay” ayuu yidhi
Wasiirka mar la weydiiyay bal shirka Afrika inuu ka waramo khasaare
iyo faa’iido Somaliland wa xa ugu jira haddii ay tagto ama ay diido
waxa uu yidhi “ su’aashaas ma doonayo inaan jawaab idinka siiyo
imika waayo shirkaasi Somaliland waa lagu casuumay Tallo Qaran
ayaanay ka yeelana ysaa Haa waa su’aal fiican laakiin anigu waxaan
idiinka sheegi karaa uun in Dawladda Ingiriiska wada hadalo inooga
socdaan oo aanu wax iska weydiinayno Somaliland ahaan meeqaam
sideeya ayaanu shirkaasi ku yeelanaynaa muxuu doorkayagu noqonayaa
markaa wali waxa aanu wadnaa wadahadalo oo waaniga idin idhi
Wasiirkii Afrika u qaabilsanaa baanu kulanay oo aanu arrimahaa ka
wadahadalnay” ayuu yidhi wasiir Maxamed C/laahi Cumar.
Hase yeeshee warar kale oo aanu helnay oo ku saabsan dhinaca
Ganacsiga ayaa sheegaya Dawl adda Itoobiya inay u bandhigtay Heshii
Ganacsi oo ay iyadu kaligeed soo diyaarsatay kaasoo ay ka dalbatay
Xukuumadda Somaliland inay kula shaqayso. Taasoo sida ay Ilo
xogogaal ahi sheege en Wasiiradda Somaliland ay aqbaleen inkastoo
wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland sheegay in uu kula noqonayo
Heshiiskii Ganacsi ee labada dal Hay’adaha ay Khusayso.
Sidoo kale warkaasi waxa uu intaa ku darayaa in Xukuumadda Itoobiya
Ganacstadeedii Dekedda Berbera alaabaha kala soo degi jirtay o
beryahan ka walaacsanaa talaabada ay Xukuumadda So maliland ku
joojisay Alaabihii ay Transit-ka kula soo degi jireen in laga
bilaabo manta ay ka soo rartaan dalalkii ay Alaabaha ka soo iibsan
jireen iyadoo u damaanad qaaday inay masuul ka tah ay haddii ay wax
ka yimaadaan.
Masuuliyiinta Somaliland ayaa u muuqda kuwo ku kala aragti duwan
arrimaha Ganacsi ee labada Dal tusaale ahaana Heshiiska uu Wasiirka
Arrimaha Dibedu sheegay inay dib u eegayaan ee ay Dawladdii hore ee
Rayaale la gashay dawladda Itoobiya oo dhigayay in ay Transit kula
maraan ayuu dhawaan Wasiirka Maaliyaddu ku soo rogay inay
Cashuurtaan waxaanay taasi keentay in ay Ganacstada Itoobiyaanka ahi
cabasho u gudbiyaan Xukuumadda Somaliland balse markii ay ka diiday
ay u gudbiyeen Safaaradda Ganacsi ee ay ku leeyihiin Somaliland
taasoo Qunsulkeeda Guud Qoraal uu ka soo saaray u gudbiyay
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Ganacsiga taasoo markii ay jawaab ka
waayeen Madaxweyne Siilaanyo Amray Wasiirka Maaliyaddu inuu sii
daayo.
Inkastoo Wasiirka Maaliyaddu Amarkaas laba jeer kala fuliyay hadana
sida ay wararku nagu soo gaadhayaan waxa uu Wasiirku mar kale
masuuliyiinta Kastamka Dekedda Berbera Amray inaanay wax danbe sii
daynin taasoo sababtay in xaaladu faraha ka baxdo oo ay labada
Dawladood wada hadal ku yeeshaan Caasimadda Itoobiya taasoo aan la
garanayn go’aankeedu halka uu ku danba yn doono.
source:waaheen
|