Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kulan La Yeeshay Haayada Samafalka ARC Ee Fadhigeedu Yahay Qadar

 



Hargeysa (TNN) :- Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland mudane cali maxamed Warancadde ayaa xafiiskiisa kulan kula qaaday madaxda haayada ARC oo fadhigeedu yahay Qadar.

Qaayada ayaa muddo ka shaqaynaysay gudaha Somaliland ayaa inta badan caawisa agooma ha iyo dadka danyarta ah ee reer Somaliland iyadoo dalka ka hir galisay Riiga biyaha ee Dhali nta Magaalada Hargaysa Qaybintii Raashinkii abaaraha ee xeebaha Somaliland iyo Xarunta agoomaha ee Kuwaitiga oo ay kaalin laxaadleh ka qaadatay.4

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Madaxda haayadan ayaa manta ka wada hadlay sidii loo sii xo ogin lahaa deeqaha iyo taageerida dadka jilicsan .

Wasiir Warancadde ayaa ku hanbalyeeyay wax qabadka balaadhan ee dalka ka qabteen haa yada ARC isaga oo sheegay in looga baahan yahay inay intaa kasii laban laabaan isla marka ana ay gaadhsiiyaan gobolada kale ee dalka.3

Masuul u hadlay dhinaca ARC ayaa dhankooda wasiirka ka dalbadan inuu kala shaqeeyo dhin aca amniga isaga oo tilmaamay in amaanka Somaliland yahay mid lagu faano .

Ugu danbayntii labada dhinac waxa ay isla qaateen taageerida iyo horumarinta dadka danya rta ah in laga wada shaqeeyo.
 

 

 

 


Xafiiska Af-hayeenka

Wasaarada Arrimaha GUdaha

Contact Details:

Phone: +252 63 4127409

Find Us On Facebook: https://www.facebook.com/wasaaradagudaha/?ref=hl

Website: http://www.somalilandinterior.net/