Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Sheegay in Cadowga Somaliland isku dayayaan Sidii ay u Carqaladayn lahaayeen Diiwaangelinta

 

Haddii muwaadinimadaadii aad qaadan lahayd nin cadowga Somaliland ahi kugu beer laxawsado, waxay ila tahay ayaan-darro
Wasiirka Arrimaha Gudaha


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa sheegay in cadowga somaliland si weyn uga soo horjeedo in si nabad ah dalka ay uga hirgasho Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo si rasmi ah u bilaabmay doonta 14-ka bishan aynu ku jirno.


Md. Cabdillaahi-cirro oo ka hadlayey shalay tababar loo furay 25 xubnood oo noqon doona tababarayaasha hawlwadeenada ka socda ee la doonayo inay sugaan jinsiyadda muwaadinimo ee dadka is diiwaangelinaya, waxa uu tilmaamay in cadowga Somaliland ku hawlahan yahay wax kasta oo uu ku horistaagi karo qabsoomidda Diiwaangelinta, isaga oo Wasiirku tusaale u soo qaatay dacaayado beryahan dambe dadka la soo dhexgeliyey oo lagu sheegayo in qofkii is diiwaangeliyaa aannu waddamada Yurub tagi Karin oo farihiisa laga helayo laamahooda socdaalka.


“Waa Fursad aad u wanaagsan oo cadowgeenii oo dhami maanta ka xun yahay, kana soo horjeedaan inay Somaliland Diiwaangelinta muwaadiniintu si nabad ah uga dhacdo, carqalo badan baa laga yaabaa inay innaga horyimaadaan, durba dacaayad baa magaalada la geliyey oo la yidhi faraha haddii la idinka qaado waxbaa jira oo reer Yurub baa ka faa’iidaysanaya oo qaxoontinimada diidaya, horta ninkii qaxoontinimo ku hamiyayow dalkaagay barwaaqo, bashbash iyo badhaadhe ka soo socdaaye, haddii codbixintaadii aad dhalashada muwaadinimada u qaadan lahayd nin cadowga Somaliland ahi kugu beer laxawsado, waxay ila tahay inay ayaan-darro, adiguna wax jira aanad ahayn,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.


Wasiirka Arrimaha Guduhu, waxa kale oo uu ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Somaliland in ay dalkooda u hiiliyan oo ay si buuxda uga qaybqaataan Diiwaangelinta, si ay u yeeshaan astaan lagaga garto ajanabiga kale, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Dadweynaha reer Somaliland waxaan leeyahay meel kasta oo ay joogaan waa fursad dahabi ah oo aynaan 17-kaa sanno u helin fursad in aynu is diiwaangelino oo muwaadinimadeena caddayno, ninkii fursadaa ka faa’iidaysan waayaa waa nin dalkii gabay oo la dagaalamay, xuquuqdii uu lahaana ka faa’iidaysan waayey. Waxa loo baahan yahay si dadka ajanabiga ah ee aan Somaliland u dhalan ee innagu soo qulqulaya iyo innaga la ina kala garto, haddii aanad muwaadinimadaada sugin maxaa lagugu aqoonsanayaa?


Waxa kale oo aan dadweynaha ku adkaynayaa inay ilaashadaan nabadgelyadeen, taas oo inoo suurtogelisay in maanta la innaga ogolaado doorashooyinkii in la inoogu ladho Diiwaangelintii muwaadinimada.”



 



Jamhuuriya Online