Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xadhiga ka jaray Mashaariic Iftiimin ah iyo Sariibado

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cabdillaahi Ismaaciil Cali , ayaa xadhiga ka jaray dhismayaal suuqaq ah iyo mashaariic iftiimin qaar ka mid ah dariiqyada Hargeysa ah oo ku shaqaynaya iftiinka cadceeda.

Mashruucyadan isugu jira dhismayaasha suuqyada oo ah laba sariibadood oo laga kala hir geliyay xaafadda Maxamed Mooge iyo suuqa Injida ee degmada Axmed Dhaax ee Koonfurta Hargeysa iyo mashruuc kale oo ah iftiimin loo adeegsanayo iftiinka qoraxda oo lagu sameeyay wadada cusbitaalka guud ee Hargeysa daba marta iyo xaafada Ayax 2, kaas oo ah mid aan hore noociisa looga isticmaalin Somaliland, isla markaana aan haba yaraatee masiin iyo shidaal toona ku shaqaynayn.

Mashruucan waxa hir geliyay hay’adda UN/HABITAT , Dawlada Hoose iyo dadweynaha degan xaafadaha suuqyadaas laga hir geliyay oo ka qayb qaatay.

Duqa caasimada Eng Jiciir oo ka hadlay furitaankii sariibadaasi ayaa amaan u soo jeediyay guddidii qaban qaabada ee suuqaasi oo uu sheegay in ay shahaadada koowaad markii la qiimeeyay iyaga la siiyay.

Duqu waxa uu intaasi ku daray in dhawaan ay golaha deegaanku soo saari doonaan xeer ama sharci cusub oo dhigaya in aan wax buul ah lagu hor taagi Karin wadooyinka hortooda, kuwaasi oo magaalada ku haya nadaafad darro iyo bilic xumo.

 

 


Source:SN