Wasiirka Beeraha Oo Ha’yad ka gudoomay Siidh qiimihiisu dhan yahay laba Milyan Oo Dolar
 

 

 


Deeqdan oo ka timi hay’ad maraykan ah oo lagu magacaabo LIVE FOR RELIEF AND DEVELOPMENT

Hargeysa (TNN):-Wasiirka wasaarada Beeraha Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) ayaa maanta kala wareegay hay’ada ARAHA deeq siidh-ka Beeraha ah oo loogu talagalay in ay ka faaiidaystaan Beeralayda Somaliland.

Deeqdan oo ka timi hay’ad maraykan ah oo lagu magacaabo LIVE FOR RELIEF AND DEVELOPM ENT ayaa hay’adda ARAHA oo la soo mariyey waxay ku wareejisay wasaarada beeraha.

Munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda beeraha oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyin ay ka mid yahiin wasiirada wasaaradaha shaqada iyo arimaha bulshada iyo xidhiidhka golayas ha, wasiiru dawlaha maaliyadda, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha macdanta, dib ude jinta iyo hay’ayadaha ay wasaaradda beeraha wada shaqaynta leeyihiin, halka sidoo kalena uu kulankaa goobjoog ka ahaa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.

Wasiirka wasaaradda Beeraha Md. Geedoole oo faahfaahin ka bixiyey siidhka oo u badan kh udradda iyo midhaha kale ee cuntada ayaa sheegay in qiimahiisu gaadhayo in ka badan labo milyan oo dollar ay ka faa’iidaysan doonaan beeralayda beeraha waraabka, ayna tahay kaa lmo ay helitaankeeda gacan ka gaysteen muwaadiniin reer Somaliland ah oo ku sugan dalka maraykanka.

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland