Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Cali maxamuud, cali sand ule ayaa ,waxaa uu canbareyn kulul usoo jeediyey wasiirka a rimaha dibada Kenya iyo wasiirka maamul wanaaga puntland ,maxamed faarax ciise gaashaan
 


Ka dib markii ay canbaarayn usoo jeediyeen booqashadii uu ku maray Somaliland gudoomiye ku xigenka baarkalamanka Kenya Faarax Macalin.



Lasanod(TNN)-Wasiirka boosaha iyo is gaadhsiinta aya waxa uu sheegay inu gaashaan ku khaldan yahay inuu canbaarayn ujeediyo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya faarax macalin waxaa wasiirku sheegay in faarax macalin xaq u leeyahay inu booqdo soomaliland,puntland iyo somaliyaba.

Wasiir cali ayaa sheegay in farax macalin deegaankiisa labaad uu yahay g.sool sidoo kale wasiir cali wuxuu sheegay inaysan jirin cid eedayn karta imaatinka isaga iyo waftigiisa

Wasiir cali ayaa sheegay inuu u mahad celinayo waftiga faarax macalin ayna guul usoo hooyeen  dow lada Kenya

Sidoo kale cali sandule wuxuu sheegay in Kenya ay tahay eesha ay joogaan deeq bixiyayaasha  caal amiga ah ee deeqaha siiya wadamo badan oo Africa ah somaliland’na ku jirto waxaa kaloo wasiirku sheegay in mar hadii waftiyada Kenya ka imaanaya Somaliland la canbaaraynayo ay Somaliland la so wareegi doonto haayadaha deeqaha siiya eek u sugan wadanka Kenya caasimadiisa Nairobi, ina soo wareejindoonaan caasimada s/land ee hargeysa


Waxaa kaloo wasiir cali sheegay in imaatinka waftiga faarax ay tahay mid isku soo dhawaynaysa  xi dhiidhka bulshooyinka Somaliland Kenya iyo waliba xidhiidhka somaliya iyo Kenya


Isku soo wada duuboo hadalka ka soo yeedhay wasiir cali sandule ayaa ahaa mid uu ku dhaliilayo wasiirka arimaha diba Kenya iyo kan maamul wadaaga p/land maxamed faarax ciise Gaashaan

 



Timacade News Network TNN
lasanod Office