Wasiirka caafimaadka Somailand Oo Maanta DHagax Dhigey Dhisme Cusub Oo Lagu Kordhinayo MCHka Degmada Geed Balaadh Ee Ka Tirsan Gobolka Gabiley

 



sida ugu dhakhsaha badan ayuu u bilaabaynaa dhismani, marwalbana wixii ka raankayada ah waanu u qabaneynaa bulshda" ayuu yidhi sulub cali amaan oo ka socdey haayada ifad



Gabiley (TNN):- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye)oo ay weheliyaan maamulka gobolka gabiley iyo masuuliyiin ka socotey haayadaha WHO, IFAD, ayaa Maanta Dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayey Xarunta Caafimaad ka ee Hooyada iyo Dhalaanka ee Degmada Geedbalaadh oo ka tirsan Gobolka Gabiley, Munaasib adii lagu dhagax-dhigayey Dhismaha lagu kordhinayey Xaruntan Caafimaad oo si heer-sare ah loo soo Agaasimay ayaa waxa kala qayb-galay, Badhasaabka Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi , Isu-duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Gabiley Ciise Sheekh Muxumed Warsa me, qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley , Madax-dhaqameedyo iyo Maamul ka Degmada Geed-ballaadh Iyo Marti-sharaf kale oo aad u tiro-badan.


Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley isuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka gabiley ciise sh.muxumed warsame waxanau wasiirka ugu warbixiyey xaalada guud ee caafimaad ee degmada geed balaadha waxaanu hooyooyinka ugu baaqay inay ku xidhnadaan xarunta caafimaada.


Odey aw ciise jaamac, caaqil maxamed claahi weerar, boqor muxumed geele oo dhamaantooda halkaasi ka Hadley ayaa u mahad celiyey haayada ifad oo dhismahani maalganisay waxaaney u mahad celiyeen wasiirka caafimaadka Somaliland.Wasiirka caafimaadka Somaliland oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ka dhawaajiyey ina aabihii ku dhashay degmada geed balaadha sila markaan ayna maanta ku cusbeyna, waxaanu balan qaadey ina wixii karaankiis ah uu la qaban doono,

 


C/raxmaan Xaaji
Timacade News Reporter
Gabiley Office,Somaliland