WASIIRKA CADAALADA SOMALILAND OO BOOQOSHO KU MARAYA GOBOLKA SOOL

 

Wasiirka Cadaalada Somaliland Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Laascaanood isaga iyo wafdi balaadhan oo ka tirsan Golaha wasiirada ee Somaliland ee Gobolka Sool una yimi magaalada sidii ay shacabka Gobolka Sool kulamo ula qaadan lahaayeen ayaa waxa uu ka war bixiyay xaalada socdaalkooda.

Wasiirka oo warbixin kasiinayay saxaafada socdaalkoodan magaalada Laascaanood isaga iyo wafdi ah Golaha wasiirada kuwaas oo kasoo jeeda Gobolka waxaana uu sheegay inay u yimaadeen sidii ay ula kulmi lahaayeen shacabka deegaanka ugana wada hadli lahaayeen xaalada Gobolka iyo waliba sidiin umada wax loogu qaban lahaa.

Casoowe oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ' waxaan unimi magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo guud ahaan Gobolka sidii shacabka Gobolka aanu uga hadli lahayn sidii ay isu diiwaan gelin lahaayeen uguna soo bandhigi lahayn siyaasada Somalilannd ee ku aadan doorashooyinka iyo sida ay uga go'an tahay Somaliland inay dhacdo doorasho xalaal ah oo ka dhaca guud ahaan Somaliland' ayuu yiri.

Axmed Xasan Cali oo mar wax laga waydiiyay inay shacabka Gobolka Sool oo aan horay u baran inay ka qayb qaataan ololaha doorashooyinaka wax badana uga baahan in waqti dheeraad ah lagu lumiyo ayaa waxa uu xusay waxaanu usoconaa inaan tagno dahmaanba Tuulooyinka hoos yimaada Gobolka Sool kuwaas oo aan kala soo hadli doono diiwaan gelinta iyo siday uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka uguna soo bandhi laahayn siyaasada dawlada.

Sidoo kale mar wax laga waydiiyay inay shacabka Sool u wadaan wax wax qabad ah haday yihiin Golaha wasiirada ee Somaliland ee Gobolka Sool ayaa waxa uu xusay in arintaninba ay tahay wax qabad wayn oo loo baahan yahay in laga qayb qaato isdiiwaan gelinta iyo doorashooyinka lagu wado inay ka dhacaan Somaliland.

Hadaba waxaa ku sugan Gobolka Sool wafdi ka socda Golaha wasiirada ee Somaliland kuwaas oo ay kamid yihiin Axmed Xasan Cali (Casoowe) wasiirka Cadaalada ee Somaliland Maxamed hagar Dirir sawiirka horumarinta reer miyiga iyo Qaw Garaad Maxamed oo ah wasiiru dawlaha waxbarashada iyo waliba xildhibaano kuwaas oo hadda ku kala sugan magaalooyinlka Xudun iyo Kalabaydh.
 

 

 


Ahmed Abdulahi Binow

Isuduwaha wasaarada warfaafinta
iyo wacyi gelinta SL ee Gobolka Sool