WASIIRKA DAAKHILGA OO SHIR JARAA’ID KAGA HADALAY FALKII ARGAGAXISO EE LAGULA KACAY SOMALILAND

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa sheegay inay korodhay tirada dhaawaca iyo dhimashada dadkii waxyeellada xooggani ka soo gaadhay Weeraro shalay lagu qaaday Xarumo kala duwan oo kala ahaa Madaxtooyada Somaliland, Xarunta Hay’adda UNDP iyo Xafiiska Itoobiya ku leedahay Hargeysa ayaa isa soo taraysa. Isaga oo sheegay in tirada dhimashadu ay marayso 22 qof, halka tirada dhaawacana uu ku sheegay 31 qof.

Hase ahaatee, sida uu xaqijiyey Agaasimaha Cusbitaalka Guud Waxa uu tirada dhimasahada ku sheegay 23 tirada dhaawacana 29 .
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Shir-Jaraa’id oo ay ku wehelinayeen Wasiirada Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Qorshaynta Qaranka Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) ku qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ee Hargeysa, ayaa sheegay in ay heleen caddaymo suurtogelinaya in si cad loo ogaado cidda ka dambaysay Weeraradan ka dhanka ah Somaliland, isla markaana ay jiraan dad loo xidh-xidhay falkan. “Khasaare balaadhan ayaa Weeraradan ka dhashay, balse dhimashadu waxay maraysaa 22 qof, dhaawacuna 31 qof.

Waxaanu haynaa oo baadhitaan ku socdaa 3 Guri oo ay kala deggannaayeen raggii Weeraradan fuliyay oo aanu ugu tagnay Qalab iyo hadhaagii Kiimikooyin ay ka samaynayeen waxyaabihii ay qaraxa u adeegsadeen.” Ayuu yiri Wasiirka Daakhiliga Somaliland.

Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Baadhistu meel wacan bay noo maraysaa, waxaananu aad ugu rejowaynahay inaanu ku guulaysano, markaas ayaanu si faahfaahsan uga hadli doonaa.”
Wasiirku wuxuu u soo jeediyay Dadka ka ganacsada Gaadiidka in ay iska hubiyaan cidda ay ka iibinayaan Baabuurta, isla markaana ay sifo sharci ah ugu wareejiyaan Gaadiidka cidda ay ka iibiyaan. Isaga oo sidoo kale ugu baaqay dadka Guryaha kireeya inay hubiyaan oo ay cid dammaanad qaadda ka reebaan cidda ay Guryaha ka kiraynayaan.

Mar Wasiirka la waydiiyay in ay jiraan cid ay falalkan u xidh-xidheen waxa uu ku jawaabay, “Way jiraan, balse way dhinteen kuwii Weerarka geystay oo way is-qarxiyeen.” Isaga oo sheegay in Weeraradan ay xidhiidh la leeyihiin Weeraro la fashiliyay 22-kii bishii September 2005, kuwaas oo la filayay in loo qorsheeyay in lagu khalkhal geliyo Doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland oo dhacayay 29-kii bishaas, ka dib markii ay Ciidamada amnigu gacanta ku dhigeen dadkii falkaa soo maleegay.

Sidoo kale mar la waydiiyay inay ogyihiin tirada dadka Qaraxa geystay, waxa uu ku sheegay, “Lix nin inay ahaayeen baa la sheegay, waxaananu Guryihii ay degannaayeen ka helnay qolkiiba laba Furaash.” Waxaanu sheegay in Aas Qaran loo samayn doono dadki ku dhintay Weeraradan.

Dhinac kale, Wasiirka Qorshaynta Somaliland Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) oo isna Shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay maanta la shireen Ururada Caalamiga ah iyo sidoo kale Midowga Yurub, kuwaas oo uu sheegay inay ku qanciyeen in xaaladda dalku nabaddii looga bartay ay tahay, ammaankoodana la adkaynayo. Isaga oo intaa ku daray in ay isla maanta la kulmi doonaan Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Wasiirka Kharajiga ayaa isna mahadnaq u soo jeediyey dawladii Tacsida u soo diray Somaliland waxaanu si gaar ah u xusay M/weynaha Jibouti.

 

 


ToggaHerer