Wasiirka Daakhiliga iyo Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Hadlay Xaaladda Degaannada Galbeedka Somaliland
 


Wasiirka Diinta iyo Awqaafka oo xadhigga ka jaray Masaajid Cusub


“Waxaan idiin xaqiijinayaa inuu jiro tuhun aad iyo aad u ballaadhan oo aanay dhacdadani kow ka ahayn, in xeebaheenna shidaal, tahriib, ugaadh oo ay dhacdadani fashilisay jid hore u socday”

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa  x adhigga shalay ka jray masaajid cusub oo laga hirgeliyey xaafadda Badda Cas, degmada Ibraahim Kood-buur ee magaalada Hargeysa..

Furitaanka masaajidkan cusub ayaa munaasibadda loo sameeyey waxa ka qaybgalay Sheekh), wa siirka arrimaha gudaha, wasiirka diinta iyo aw qaafta, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, suldaanka guud ee beesha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan iyo Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro).

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo isagu masuul uga ah ganacsadaha bixiyey  khara shka ku baxay dhismaha masaajidka cusub, ayaa sheegay in dhismaha masaajidkan oo uu  maal  g eliyey ganacsade Maxamed Aw Siciid Geeddi ay ku baxday lacag dhan $64,000 (afar iyo lixdan kun oo doolar), isagoo ganacsadaha Illaahay uga baryey in miisaanka xasanaadka uu Ilaahay ugu  da ro, isaga dhinaca kalena ku dheeraday faa’iidooyinka iyo wanaaga laga helo masaajidada dar  Illa ahay loo dhiso.

Sidoo kale waxa uu sheekhu ku ammaanay shacabka reer Somaliland inay si weyn u dardar-geliya an dhisidda masaajidada, “Waxay shacabka reer Somaliland u guntadeen inay masaajidada  dhisa an oo ay noloshooda ku soo xidhaan, maadama oo ay horumar ka gaadheen nabadgelyadii, waa in marka aqal qurrux badan la dhisabamasaajidada dib loo soo eegaa oo laga qaybqaato  dhismahoo da.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ugu  hor reyn si weyn u ammaanay, isla markaana u duceeyey ganacsadaha masaajidka hirgeliyey, isagoo sheegay inay xukuumad ahaan ka midho-dhalin doonaan isbeddelkii bulshadu u dooratay.

Waxa kaloo uu tilmaamay in aanay jirin sidii xukuumaddii hore wax dakhli ah oo gala xarunta  mada xtooyada, wasiir kastana shaqadiisa u madaxbannaan yahay, isagoo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Dhacdaa dalkeena manta ka taagan, ciidan hubaysan oo ka badan 200 ayaa ka  s oo degay xeebaha Somaliland, ciidankaas waxa loogu talogalay inay Somaliland dhexmaraan oo ay ka gudbaan una gudbaan waddanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, waxaynu ku khasbannahay oo caqliga fayowiqirayaa inaynu ilaalino wixi cadow ku ah waddanka jaarkeena ee inanga ina soo dhexmaraya. Waxa kaloo aynu ku khasbanahay inaynu ilaalino wax kasta oo iyaga dhib ku  keen aya.

Waxay dadku isweydiinayaan talow arrimaha noocan ah ma xukuumaddii hore nabadda gacan bir ah ku haysay, siday xisbiyada qaar xalay lahaayeen waxay ku mashquuleen xilal. Waxaan idiin sh eegayaa waxaad codkiina u bixiseen markaad aragteen in dalkiinu meel xun ka sii dhacayo. Haddaan xilalkaa la beddelin meesha waxba may socdeen. Waxaan idiin xaqiijinayaa inuu jiro tuhun aad iyo aad u ballaadhan oo aanay dhacdadani kow ka ahayn, in xeebaheenna shidaal, tahriib, ug aadh oo ay dhacdadani fashilisay jid hore u socday, haddiay arrintu daah-furantayna waxa ku  xi ga xalkeedaa, tallaabada uu madaxweynuhu ka qaadayna waxa weeye inuu xaqiijiiyey dawladda Itoobiya ee aynu jaarka nahay inay naga go’antahay inaynu walaaltinimada xoojino, inaynu ka wada shaqayno nabadgelyadaa. Wuxuu dhaqaajiyey xooggagii dalka, hadday ciidan tahay, hadday sirdoon tahay, isagoo guddi u saaray arrintaas si ay u soo xaqiijiyaan arrintaasi, yaa ka  dambee yey, yaa ka masuula iyo halka ay ku lug leedahay, kadibna ka qaado tallaabada ugu habboon.”

Dhinaca kalena Dr. Gabboose waxa uu ballanqaaday inuu xoojinta ciidammada qaranka iyo in  aan ay xukuumaddu waxba u arkeyn hadallada ka soo yeedhaya xisbiyada mucaaridka.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna tilmaamay inay tahay tallaabo ku dayasho mudan dhismaha masaajidka cusub, isaga oo si weyn u ammaanay uguna duceeyey ganacsadaha dhisay masaajidka, isaga oo sheegay in ay lacagtu ku jirto bulshada, xukuumadduna maamulka hayso, loona baahan yahay in adeegyada bulshad ay ka gaystaan ganacsatadu gacana.

Dhinaca kale waxa uu Muuse Biixi ku eedeeyey mucaaridka in aanay kala garanayn markay  xaalad du taagan tahay difaaca qaranimada Somaliland iyo dhaliisha xukuumadda, ciidamada hubaysan ee ka soo degay xeebaha Somalilandna ay yihin kuwo dhuumasho ku soo galay.

“Waxa xeer noo ahaa oo jirtay marka ay arrintu gaadho qaranimada Somaliland inaynu dhinac uga soo wada jeedsano. Tusaale ahaan; toddobadii sanno ee ay xilka hayeen xukuumaddii hore  daga allada ka dhacay oo qaraxya ka dhacay, mar walba waxaannu ahayn annaga oo mucaarid ah kuwa ugu horreeya, manaan odhan jirin waddamada jaarkow Somaliland waa meel sidaas ah, xisbi dhan oo talada dalka soo hayey manay ahayd waxa ay ku hadleen dhaliil namay ahayn toosin, hadallada qaarkoodna maaha kuwa meesha qabta, ciidankana wuxu inagu dhaafay innaga sida hillaaca, waa dhul in badan la saahamiyey oo ciidankeena ka fog, gaadiidka ka qayb qaatay waa Somaliland waana la hayaa, gurmadkiina waa la galay Illaahayna waa innaga nabadgeliyey innaga, innaga iyo jaarkeenuna waynu ka hawlgalnay.

Waxay aniga ila tahay in cadowgeena aynu marka hore meel uga soo wada jeedsano intaynaan salka dhigin, marka salka la dhigana wixii dhaliil jira laysku sheego,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Suldaanka guud ee beesha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo isaguna hadal duco iyo dardaaran isagu jira ka jeediyey munaasibaddaas, ayaa ku dheeraaday taariikhda wax qabad ee uu dalka ka gaysto ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi, isaga oo Illaahayna uga baryey inuu u fududeeyo hawsha isgaadhsiinta badda hoosteeda ee uu dhawaan bilaabi doono, isaga oo bulshada inteeda kalena ugu baaqay inay ka qaybqaataan  barn aamijyada kheyriga ah ee lagu dhisayo masaajida nabadgelyadana ilaaliyaan.

Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Md. Khaliil Cabdillaahi oo halkaa ka hadlay, ayaa ka warramay  taar iikhdii dhismaha masaajidada magaalada Hargeysa soo mareen, isaga oo si weyn ugu dheeraaday waqtigan marxalada ay marayaan oo uu sheegay inay bulshadu si weyn ugu dadaalayso kor u qaadista diinta, isagoo tilmaamay in wasaaradiisu aanay suuli lahayn, dhisme ahaana uu la yaabay sida ay u gali jireen masuuliyiintii ka horreyey, isaga oo xusay in dhawaan uu u dhisi doono  gana csade Baxsane.

Ugu dambayn, ganacsade Axmed Daahir Cumar (Baxsane), ayaa isna sidoo kale u duceeyey  gana csadaha dhisay masaajidkaa iyo Aadan Siiro oo uu sheegay inay mar walba ka qaybqaataan  barn aamijyada kheyrigaa, isagoo dhanka kalena xukuumadda ugu baaqay in xabaalaah Boqol-jire ee ay gayso masuuliyiinta geeriyooda ay buuxsameen, isla markaana looga baahan yahay inay diyaariso qorshe lagu samaynayo xabaalo kale, isaguna diyaar ula yahay wixii ku baxaya dhankiisa.



Source: Jamhuuriya Online