Wasiirka Daakhiliga oo kulan saacado qaatey oo albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay hogaamiy dhaqameedka reer Gabiley iyo xogaha ka soo baxey kulankaasi. Daawo sawirada

 

 

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa Shalay Kulano xasaasi ah la kala yeeshay qaar ka kala tirsan Hogaamiye Dhaqameedyada Gobolada Gabile y iyo Awdal



Gabiley(TNN)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa Shalay Kulano xasaasi ah la kala yeeshay qaar ka kala tirsan Hogaamiye Dhaqameedyada Gobolada Gabiley iyo Awdal, oo uu kula kala kulmay Magaalooyinka Gabiley iyo Dilla. kaasi oo ay kaga wada hadlayeen xoojinta nabad-galyada guud ee Goboladan iyo tallaabooyink aay Xukuuma du u qorshaysay in ay ka qaado Dilalkii Maalimihii Isniintii iyo Saalisadii ka dhacay Meesha loo yaqa an Seemaal ee ka tirsan Deegaanada Ceel-bardaale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Socdaalkiisan uu ku yimid Magaalada Gabiley ay ku wehelinayeen Wa siirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahir Cumar, Taliyaha Ciidanka Qara nka Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taani, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Gen Maxamed Saqadhi Dubad oo dhamaantood soo gaadhay Magaalada Subaxnimadii hore ee shalay ayaa Kulan ay la yeesheen


Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Reer Gabiley oo ahaa mid ay Albaabadu u xidhan yihiin, oo aan loo ogolaan in ay Saxaafadu ka qayb gasho. ayaa lagaga wada hadlayey arrimo la xidhiidha sidii Nabad-galyada Labada dhinac loo soo celin lahaa, iyo tallaabooyinka xukuumada uga qorshaysan inay ka qaado Dilalkii kala duwanaa ee Maalmihii Isniintii iyo Saalisadii Todobaadkan ka dhacay Deegaanada Ceelbardaale.

Fadhigan ay Wasiirada Xukuumada iyo Taliyayaasha Ciidamadu la yeesheen Salaadiinta iyo Cuqaas ha, iyo waliba wax-garadka reer Gabiley oo ay qayb ka ahaayeen Maamulka Gobolka Gabiley iyo Taliska Booliiska Gabiley ayaa la sheegay in ay Odayaasha uga xog-warameen Baadhistii iyo Daba-galkii ay ku baadi-goobayeen Cidii ka danbaysay Dhacdooyinkii ka dhacay Seemaal halka ay marina yaan. Taasi oo sida ay xaqiijiyeen Illo wareedyo u dhuun daloolay Shirkaasi ay xaqiijiyeen in aanay ku qancin Odayaashu, waxyaabihii ay u soo bandhigeen Saraakiisha Gobolku.

Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Is-kaashiga Caalamiga Dr Maxamed C/l aahi Cumar oo ka dib markii Shirku dhamaaday la hadlay Saxaafada ayaa uga xog-waramay Ujeed ada Shirka iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxaanu sheegay Wasiirku in ujeedada kulankani ahaa sidii Xukuumada iyo dadwaynaha reer Gabiley iskaga kaashan lahaayeen soo qabashada gac an ku dhiiglayaashii gaystay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka seemaal, Maanta waxaa nu halkan u nimi waa dhacdadii ceelbardaale ee dhibaatada dhimasho lahayd si aanu ugala hadlano Cuqaasha, Waxgaradka iyo salaadiinta Gobolka Gabiley, sidii arrintaa loo soo af-jari lahaa cidii fal danbiyeedkaa samaysayna aanu u soo qaban lahayn, shacabkuna ay gacan uga gaysan lahaayeen oo ay Xukuumadda ka caawiyaan in dadkaa la qabto. waxaa kale oo aan jecelahay inaan dadka hal kan uga cadeeyo in Cuqaasha, Waxgaradka, Salaadiinta iyo maamulka Gobolka Gabiley in ay dhama ant ood aad uga xunyihiin dilkii Xumaa ee ka dhacay Deegaankaasi." Ayuu yidhi Dr Maxamed C/laa hi Cumar oo ka xog waramaya Ujeedadii Shirkii ay la yeesheen Oday Dhaqameedyada Reer Gabiley.


Wasiirka Khaarajiga Somaliland  Dr.Maxamed C/laahi Cumar waxa kale oo uu Baaq Nabadeed u dira y Bulshada ku dhaqan Goboladda Awdal iyo Gabiley isaga oo ku booriyay in ay ka wada shaqeeya an sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Deegaanadda Dhibaatadu ka dhacday isaga oo kula dardaar may in aan si naxli leh looga hadal arintaasi, Wasiirku waxa kale oo uu Baaq usoo jeediyay saaxafa da Somaliland oo uu sheegay in ay Masuuliyadi ka saarantahay arintaasi sidii ay Nabadaynteeda uga qayb qaadan lahaayeen.

Kulankan Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka Gabiley la yeesheen Wasiirka Daakhiliga Somaliln ad oo maanta markii ugu horeysay tan iyo intii la magacaabay si badheedh ah usoo dhex joogsad ey Gudaha Magaalada Gabiley, ,islamarkaana uu socdaalkiisii u danbeeyay ee Boorame ay ku jooge en isaga Wasiiro uu kamid yahay iyo Waliba Madexweyne Kuxigeenka Somaliland, uu dawaali u wey daartey Gabiley, hadana habeenkiin falka dilku dhacay laba jeer iska dhaafay Gabiley ayaa, maanta kulnakani daarnaa kii ugu adkaa ee noociisaah maadaama uu Mudane Duur Madax-dhaqameedka reer Gabiley kala hadley qodob kaliya oo aan mid lbaad laheyn.

iyo Taliyayaasha ayaa ahaa mid ay ku gar-naqsadeen Odayaashu, in aanay Xukuumadu Doorkii ay mudnayd ka qaadan Shaqaaqadaa ka dhacday Deegaankaa. Sida aanu ka helnay Illo wareedyo si wayn ugu dhuun daloolay Shirkan. Kuwaas oo hoosta ka xariiqay in Xukuumadu ku dag-dagtay in ay Xabsiga u taxaabto Hal-doorkii Reer Gabiley, haday CulimaaŽudiin tahay, haday Salaadiin tahay, haday Siyaasiyiin tahay, iyo haday Cuqaashii iyo waliba Nabadoonadii tahayba.



Cayadruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Timacade News , Gabiley Office
Email:Qadiye77@gmail.com