Wasiirka Duulista iyo Hawada JSL Oo Kala Wareegay Gaadhi Dabdamis ah Shirkada Dahabshiil oo ay Ugu Deeqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Berbera

 



 

Berbera (TNN)-Shirkada Dahashiil ayaa waxay garoonka diyaaradaha ee berbera ugu deeqday gaadhi dab dam is ah oo ay ku wareejiyeen Wasiirka Wasaarada Duulista iyo HAwada JSL Maxamuud Xaashi Cabdi, iyada oo wa reejinta gaadhigaa Loogu deeqay garoonka caalamiga ah ee berbera wareejintiisa ay ka soo qeyb galeen mad axda heer gobol.heer Degmo.madaxda Laamaha dawlada ee kala duwan iyo masuuliyiin ka socotay shirkada xa waalada iyo ganacsiga ee dahabshiil waxa kaloo iyana manta Madashaa xaadir ku ahaa Wasiirka wasaarada du ulista hawda Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu gudoomay gaadhiga dabdamiska ah Waxaana wasiirka  wehelina ayay Wasiir kuxgeenka wasaarada maaliyad Warsame Siciid waxaana xafladaa lagula kala  wareegayay Gaadhi ga dabdamiska ah maamulaayay kuxigeenka maamulaha garoonka diyaaradah berbera waxaanay masuuliyiinta ka socday dhinac Shirkada xawaalada ee Dahashiil ku dheeraadeen mihiimada gaadhigan dabdamiska ah iyo sid a uu ku yimi garoonkan waxaanay halkaa Kacadeeyeen in ay ugu tala galeen in ay kaga qeyb galaan horuma rka laga hirgalinayo gobolka saaxil gaar ahaan garoonka diyaaradah ee Berbera waxaana masuuliyiinta shirka da Dahshiil kamida ahaa oo madashaa manta ka hadlay Cabdi Faarax Cabdi oo ah masuul sare oo Uyimi berbera wareejinta gaadhigan isaga oo sheegay in ay shirkada ahaan damacsan yihiin in ay magaaladan berbera ka hir galiyaan Warshado aanu noocyadooda magacaabin balse uu carabka ku dhuftay waxaana hadaladiisii kamida ahaa:

"Aniga oo ka wakiila shirkada Dahshiil ee gaadhigan dabdamiska ah ugu deeqday madaarkan berbera waxaananu gaadhigan qorsheynay markii aanu aragnay in Garoonkii berbera laga sameeyay horumarin muuqata oo lagu dhiirado waxanay taasi katimi mulkiilaha guud ee shirkada Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale(Dahashiil)isaga ayaana gaadhigan ugu deeqay garoonka waxaanu ka yimi dhinaciisa iyo fikirkiisa waxaanay Shirkadani ku caan baxaday taakuleynta bulshadeeda kala duwan waxana lagu yaqaana shirkada Dahashiil in ay gacan ka geysato meel kasta oo tabarucaad laga wado magaaaladan berbera oo runtii lagu sheegi jiray magaalo magaalooyinka ka danbeysa ayaa wakhtiyadan Imika laga dheehan karayaa horumar muuqda oo dhinac walba ah haday tahay garoonka diyaaradaha haday tahay Dekeda iyo dhamaan Magaalada oo bilicdeedii kor u kacday taasina waxay keentay in shirkada Dahashiil ay qorshayaal badan soo dajiso waxaana kamida Qorshayaashaa in shirkadu berbera ka sameyso Warshado dhawra oo bulshadeenu shaqooyin badan ka hesho waananu soo wadnaa Warshadahaa hadii ilaahay yidhaa manta waxa aanu wasiirka wasaarada duulista iyo hawda ku wareejinaynaa baabuurkan dabdamiska Ah oo qiimaha uu shirkada ku joogaa tahay lacag dhan(45.000$)oo dollar waana baabuur qalabkiisii dabka lagaga hortagayay udhan yahay waxaanu mantadan ka soobedelay tuubooyinka iyo dhamaan qalabka lagaga shaqeynayo.


shirkadu waxya wada warshado sida milixda kaluunka oo qorshayaasha ugu jira waxaana qabaa hadii reerr saaxil iyo shirkadu gacmaha is qabsadaan oo ay hirgalaan mashaariicda iminkana la siidaayey inaan berbera qof qudha oo shaqo beelay joogeynin hada qof qudha, Shirkadu iminka waxay diyaar unahay in bulshada wax la yeelato shirkada si la isu kaashado" ayuu yidhi Sarkaalan ka socday Shirkada dahabshiil

Waxa kaloo isna hadal kooban halkaa ka yidhi Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)wa xana hadaladii Badhasaabka kamida ahaa"waa wax lagu farxo in maanta muwaadin kamida ganacsatada reer Somaliland uu garoonka diyaaradaha ee Berbera ugu deeqo gaadhi dabdamisa oo runtii qiime weyn ugu fadhiy a garoonka iyo adeegiisa aadna loogu baahnaa waxaanan shirkada Dahashiil uga mahad celinayaa deeqdaa ay dalkooda ugu deeqeen.


Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isna waxa uu deeqdan uga mahad ce liyay shirkada dahashiil ee gacanta muuqata ka geysatay garoonka diyaaradah ee berbera oo uu sheegay in uu imika yahay garoon mashquula oo maalin walbana Diyaaraduhu ka haadaan oo shaqadu aanay kala go,in maalin kastana diyaaraduhu fadhiistaan kana kacaan waxa kaloo uu intaa ku daray wasiirka duulista iyo hawdu in ay garoonka macaamil joogta ah laleeyihiin afar diyaaradood oo Jet ah kuwaas oo uu sheegay in ay wiigii Maalin kasta ay fadhiistaan garoonkan isaga oo sheegay wasiirku in gaadhigani afaci doono garoonka siweyn loogu baahnaawaxaana Hadaladii wasiirka kamid ahaa"waxan halkan uga mahad celinayaa shirkada dahabshiil ee gaadhigan inoogu deeqday waanay ku mahad san yihiin muwaadinimada ay muujiyeen gaadhiganina wax weyn ayuu garoonkan ka tari doonaa. Wasiirku mar uu ka hadlayay siyaasada xukuumada ee madaarka berbera waxa uu yidhi:

"Madarkan Berbera Xukuumadu waxay ka leedahay siyaasad ah inuu noqdo mid regional vigure oo lagu qeybiy o diyaaradaha geeska u kala goosha oo xiligan waa busy todobada maalmood waxa fadhiista diyaarado waxaa na ka jira duulimaadyado taas oo ka dhigaysa madarka mid shaqeynaya, shacabka iyo xukuumadu marka ay is kaashadaan ayaa horumarku yimaada waxaan aad ugu mahadnaqayaa shirkadan cidkasta oo ka qeyb qaadat ay madaarkan waxan kaloo u mahadnaqayaa maamulka madaarka ee wasaaradayda oo shaqo culus qabtay in ti ay joogeen waxaanu madaarku sumcad usoo jiidayaa gobolka saaxil iyo guud ahaanba somaliland" ayuu yidhi wasiirku mar uu ka hadlayay gaadhiga dabdamiska waxa uu yidhi wasirku "waxa xilkan la ii magacaabay bishii sideedad ee 2010 xiligaas oo aan socdaal ku imid madarkani waxa uu ahaa mid aan lahayn dabdamis waxaanan soo qaaday dabdamiskii madaarka Burco oo magaaladuna isticmaali jirtay waxay noqotay masuuliyad daro in madaarkan shaqeynaya ee intaas ee diyaaradi imanayso inuu ahaado bilaa dabdamis waxay ahayd jariimad waanan usoo kexeeyey maadaama wasaaradu lahayd go'aan kaas oo aan u arko mid sax ah oo xilkaygii ah Gaadhigan labaad waxay dabooli doonaa meel badan oo gabadano ka haysay madaarkan" ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.


Dhinaca kale waxa uu Wasiirka wasaarada duulista iyo hawdu manta deeq dhira oo ah kuwa loogu talagalay in laga beero xeebaha oo Aanu waxba yeelayn kuleylku uu ka gudoomay shirkada ganacsiga ee Al Ikhwa oo ah s hirkad ganacsi oo keenta badeecadaha la quuto iyo Sharaabada la cabo deeqdaa dhirta ah oo ka koobneyd(100)geed oo kala duwan walibana qurxoon waxana manta ku wareejiyay Wasiirka dhirtaa masuulka shirkadaa ufadhiya Magaalada berbera oo magaciisa layidhaa Maxamed Cabdi Muuse waxaanu masulkaasi sheegay in Dh irtan uu keenay nin marxuuma oo dhawaan gaadhi kula dhacay tuulada qoyta ee katirsan Gobolka Togdheer waxaa marxuumkaasi ahaa Gudoomiye kuxigeenkii shirkada Al Ikhwa islamarkaana ahaa wakiilkii shirkada ufa dhiyay dalka Yaman isaga oo magaciisuna ahaa Cabdiraxmaan Caato waxaanu ugu tala galay ayuu yidhi marxu umkaa dhirta una balan qaaday wasiirkan duulista maalin uu halkan(Garoonkan)ka dhoofaayay balse nasii daro isaga oo aan wareejin ayuu dhintay alla ha u naxariisto.


Wasiirka wasaarada duulista iyo hawda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isna qiray oo shegay in maalin uu marx uumkaasi halkan ka dhoofaayay uu arkay horumarka laga wado garoonka ana waan joogay dabadeedna inta uu ii yeedhay ayuu igu yidhi waxa aan yaman Kaaga keeni doonaa wixii dhira ee cimiladan ka bixi kara waanu b alan qaaday isaga oo wax qabadka laga wado garoonka ka qiirooday Alla Ha u naxariiste Marxuum Cabdiraxma an aqoon buuxda ayaanu isu laheyn waxa uu ahaa muwaadin shaqeysta oo fiican waxaanan ilaahay Uga barya yaa in uu janadii fardawsa ka waraabiyo dhirtuna u noqoto sadaqu jaari ah waxaan u arkaa qof balankii uu qa aday oofiyey waxaanan rajaynayaa in eebe u naxariisto marxuumkaasi dhirtan ugu deeqamadaarka caalamiga ah ee Berbera oo ka hor intii aanu nagu wareeejin geeridii xaqa ahayd ee aynu kuwada xukunayn ku dhacday.
 

 

 


Abdikarim Said Salah.

Journalist Work For
Horn Cable TV,
Geeska Afrika Journal,
Sahil Region Based Berbera

Berbera Press Editor
website: www.berberapress.com
Berbera Travel And Tourism Agency
Contact :
Mobile: +25224441209
Email: clkarim_3@hotmail.com
suldaan14@yahoo.com
Berbera Somaliland