Wasiirka Duulista Somaliland Oo La Kulmay Dhiggiisa Turkiga iyo masuuliyiin kale

 


Hargeysa (TNN):– Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo toddobaadkii ugu dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Turkig a ayaa kulamo muhiim ah oo najiito wanaagsani ka soo baxeen la yeeshay madax sare oo ka tirsan dawlada Turkiga.

Wasiirka oo ay wehelinayeen laba Khabiir oo ka tirsan Wasaaradda Duulista Somaliland ayaa waxa ay shalay Magaalada Istanbul kulan kula yeesheen Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhiinta Turkiga Mr. Lutfi Elvan, kaas oo ay ka wadahadleen wadahadallada u dhaxeeya Somaliland iy o Soomaaliya, gaar ahaan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka hawada ee laba dhinac u dha xeeya, Wasiir ka duulista ayaa dhiggiisa Turkiga u bandhigay baahiyaha kala duwan ee mada arada Somaliland doorka horumarineeed ee ay dawladda Turkigu ku yeelan karo.

Wasiirka Duulista ayaa sidoo kalena kulan la yeeshay Maareeyaha Guud ee shirkada Duulima adyada ee Turkish Airlines Dr Temel kotil iyagoo ka wadahadlay sidii ay shirkadaasi Duulima adyo ugu bilaabi lahayd Madaaradda Somaliland, labada dhinac ayaa isku afgartay in diyaar ada Turkish Airlines ay duulimaadyo Bisha June ee sanadkan ka bilowdo Madaarka Cigaal Int ernational Airport ee Hargeysa.

Geesta kalena, Wasiirka Duuliislta Somaliland ayaa maanta gaadhay Caasimada Turkiga ee A nkara isaga oo la kulmay Maareeye ku xigeenka xafiiska xidhiidhka iyo mucaawinooyinka u q aabilsan Raysal wasaaraha Turkiga ee loo yaqaan Tikka, Mr. Sureyya Polat. Maareeye ku xi geenka ayaa Wasiirka Duulista Somaliland u qaabilay si heer sare ah, Mudane Maxamuud Xa ashi ayaa u gudbiyey Xafiiiskaasi mashriic dhawr ah oo lagu horumarinayo Madaarda Somali land.

Maareeyaha xafiiska ayaa balan qaaday inay daraasad ku sameynayaan mashaariicdaasi, si doo kale Xafiiska Tikka ayaa balanqaaday in bishan April dabayaaqadeeda ay ku caawin doo naan Madaarka Cigaal Airport hal gaadhi oo dab demis ah Nooca ugu dambaayey, gaadhigaa si oo ka Wasaarad ahaan aanu baahi weyn u qabnay, iyadoo Wasiirkuna Dawladda Turkiga ee aynu walaalaha nahay uu ugu mahad naqay deeqda gaadhigaasi dab dhamiska ah.”

 


ALLA MAHAD LEH.
Sadaam Maxamed Axmed
Afhayeenka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda JSL.