Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Hadlay Halka Ay Ku Damba ysay Iscasilaadii Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Iyo Go’aanka Uu Madaxweynuhu Ka Gaadhay
 

 

 


Arintaasu way dhamaatay oo wada hadal baa ka dhacay, waanu ka noqday abaanduulahu iscasilaadii uu soo qortay,


Hargaysa (TNN)-Wasiirka Gaashandhiga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa si rasmiya u shaa ciyey in uu ka noqday abaanduulaha ciidamada qaranka Cabdilaahi Xaaji Jaamac (Calas) is casilaadii uu u gudbiyay madaxweye Axmed Siilaanyo.

Wasiirku waxa uu daboolka ka qaaday in wada hadal kadib uu abaanduuluhu ka noqday is ca silaadaas, isla markaana uu shaqadiisa sii wadnaayo. Waxa kale oo uu wasiirka gaashandhi gu uu ka waramay tuur-tuur ay kooxaha maleeshiyaadka Buuhoodle habeen hore la soo bee gsadeen ciidamada qaranka Somaliland ee jiidda Buhodle.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiirka gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Geeska Afrika,waxa kale oo uu waraysigan kaga hadlay nabada uu ku baaqay Xaglatoosiye isaga oo ku tilmaamay hubkii ay ku soo tuureen ciidamada kooxaha Buhodle inay ula jeedeen inay ku waxyeeleeyaan baaqa nabada. Waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:

Ciidamada qaranka iyo kooxda Khaatumo waxay hub isku dhaafsadeen jiida hore ee Maygaa gle oo dhanka Buuhoodle ah, muxuu dagaalkaasu salka ku hayay, maxaase khasaare ka dhas hay?

Horta in dhawayto wax tuur tuur ah ma jirin, xaaladuna way kala daganayd qolo walibana halkeedii ayay joogtay, wax kale oo wakhtigaas ka soo kordhayna may jirin, markaas waxa loo nisbayn karaa dhawaaqii nabada ee lagu dhawaaqay in lagu carqaladaynaayo, waxa hub lagu soo riday qolada xaga soke joogta dabadeedna markiiba way ka jawaabeen, laakiin nasiib wanaag dhinacna wax dhaawac iyo dhimasho ah ma jirin, labada qolabana way kala fogaayeen.

Mar labaad iyo mar saddexaad iyo mar tobnaadba waxaan leenahay nabaduunbaa dhacaysa mustaqbalka, waligeedbana colaadi way jirtay colaad kastana waxa ka danbaysa nabad tan a kama duwana oo nabad ayay ku danbayn doontaa ciduun baana libteeda qaadan doonta, waxaan leeyahay markaas halkii bay naga joogtaa oo waxaan aaminsanahay in aanay jirin faa’ido nabad ka wayniba, diyaar baanu u nahayna nabada dhinaca kalena sidaas si leeg aya an ugu baaqaynaa.

Xagaletoosiye waxa uu ku dhawaaqay inay nabadii qaadanayaan reer Buuhoodle, markaas ma dhankan Hargaysa ayuu u soo socdaa ayaad filaysaan?

Wali muu sheegin lugta dambe halka uu ku tagaayo, ee isagaynu ka sugaynaa.

Idinku maxaad qorshaynayasaan?

Anagu waxaan qorshaynaynaa oo isaga iyo cidii kaleba u sheegnay oo isagana Dubai markii laysku arkay aanu ugu sheegnay in aan diyaar u nahay nabada meeshay doontaba ha noqo tee, sidaas ayaanu balan qaadnay kana noqon mayno.

Ugu danbantii waxaanu wasiir ku waydiin lahayn, waxa dhawaan warqad is casilaad ah mada xweynaa u gudbiyay abaanduulahii ciimada qaranka, walina wax jawaab ah arintaas lagama ahayo, is casilaadaas halkay ku danbeeysay?

Arintaasu way dhamaatay oo wada hadal baa ka dhacay, waanu ka noqday abaanduulahu iscasilaadii uu soo qortay, shaqadiisiina waa uu sii wadanyaa.
 


Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland